XAALADDA DALKA OO MEEL HALIS AH MARAYSA
 

 


 

Anigoo ah isuduwaha hay’adda ANPPCAN,  horena u ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafin ta, ka horna ahaa Agaasimihii Wasaaradda Qoyska ,waxan u arkaa muhiim inaan wax ka idhaa xaaladda cakiran ee dalku marayo, taasoo aan u arko in xil iga saaranyahay. Maqaalkaygani waa toosine yaan si kale loo arkin illayn waa waajib inna saarane


Dhibaatooyinka ilaa hadda dhacay :


1. Nabadgelyadii Bariga iyo Galbeedka dalka oo meel xun maraysa, waxna laga qaban waayey

2. Ammaankii magaalooyinka oo aad u xumaaday iyadoo dad lagu gawracay hargeysa iyo burco

3. Iyadoo habeenkii dadka la baadho, daydaygiina u muuqdo inuu soo noolaaday

4.Iyadoo Saxaafadii la cabudhinayo ,taasoo aanu xisbigii UDUB samayn jirin

5. Xuquul insaankii oo liita iyadoo Aagaasimihii xuquuqul insaanka suuqa lagu garacaay.

6. Iyadoo madax bannaanidii barlamaanka la farageliyey

7. Hantidii ummadda oo la xalaashaday iyo musuqmaasuqii oo sii batay

8. Cadaawad loo hayo shaqaalihii Dawladda oo lagu tuhmayo UDUB

9. Wasiirraddi meesha la keenay oo tayadoodu liidato

10. Madaxtooyadii oo dad juhalo ah laga buuxiyey, kuwaasoo Madaxweynaha maskaxda ka haysta


Dhibaatooyinka jira lama soo koobi karo, sidaa darted waxan wax garadka Soomaaliland ugu baaqayaa in loo guntado , sidii dhibkaa wax looga qaban lahaa , Madaxweynahna talo fiican loo siinlahaa. Anigu w axan diyaar u ahayd inaan talo iyo aqoon ku kordhiyo.

 

 

 

 

 

Axmed Xasan Yuusuf