Xaaladda degmada Ceelafwayn oo aad iyo aad u cakiran iyo dawaldeena oo sidii caado u ahayd ciidamo ku sii wada

 



Waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan akhristayaasha sharafta leh iyo bahda saxaafadda So omaliland ee sida hufan inoogu soo gudbiya wararka ka dhaca dalkeena.

Waxaa beryahan danbeba aynu guranaynay midhihii ka dhashay doorashao ku sheegii degaank a ee dalkeena ka dhacday, doorashooyinka ku dheeran maayo waayo dad badan ba ka warama y ama ka hadlay sidii foosha xumayd ee ay u dhacday natiijaii iyo boobkii doorashada, waxaan soo qaadanayaa labo dhacdo oo aad iyo aad u yaab badnaa oo ka mid ahaa dhacdooyinkii ugu cajiibka badanaa ee ka dhacay doorashada degaanka ee Somaliland ee November 2012.

1. Musharax ka mid ah Musharxiinti degaanka ayaa isaga iyo xaaskiisiba ka codeeyeen iskuul ku yaala xaafada u deganyahay oo ka mid ah meelaha uu u filayay codka ugu badan inuu ka hello, dabadeed markii la tiriyay iskuulkaas baa lagu yidhi wax cod ah kamaad helin halkan ee 0 (Zero ) baad heshay, dabadeed isaga oo arintaasi ku noqotay qaadan waa buu wuxuu yidhi waar bal dadkii kale oo dhan iska daa ee codkaygii aan anigu isugu riday ama aan anigu calaamadiyay mee?

2. Waxaa ka dhacday magaaladda Burco inay sanaaduqda la socdeen Bacaha madow ee qashin ka lagu rido oo ay ka buuxaan waraaqaha lagu codeeyo oo ay dusha kaga qorantahay codkan Kulmiye ayaa iska leh oo sanaaduqda dushooda saaran.

Labada magaalo ee ay dhibta ugu wayni ka taagantahay oo kala ah Saylac iyo Ceelafwayn.

1. Magaalada Saylac oo ilaa iyo maanta aad u cakiran oo dhimasho iyo dhaawacba ka dheecen oo Xildhibaanadii soo baxay iyo dadkii degaankaba ku kala qaybsameen xaaladeeduna aad u adagtahay oo ay dhici karto inay dhibaato intan ka wayn keento haddii aan xal laga gaadhin muranka maamuleed ee halkaas ka tagaan oo dhici karto inuu dhinacyada u fido, hadaba waxaa is waydiin mudan maxaa si adkeeya is marin waaga Saylac?

2. Magaalada Ceelafwayn oo xaaladeedu aad iyo aad u cakiran tahay oo ilaa iyo hadda la isku mari la yahay doorashada Maayirka iyo ku
xigeenkiisa oo ay 9 xildhibaan aqal hoosti ku doorteen Maayir iyo Maayir ku xigeen arinkaas oo ay diideen 8 xildhibaan ee kale taas oo keentay
in magaaladi laba qaybood noqoto oo ilaa ciidankii boliska kala baxaan oo ilaa maanta la isku hor fadhiyo.
Ceelafwayn waa degmo ka tirsan gobolka Sannaag, waxaana dega Ardaaga Sacad Yoonis oo ka tirsan Beesha Habar Yoonis iyo Ardaaga
Biciide oo ka tirsan Beesha Habar Jeclelo, labadaa Ardaa oo weligood ahaa gashanburta loo yaqaano Habar Lamaan oo xita dulimaadka
wada geli jiray oo guryahuun u kala soocnaayeen oo aad moodaysay ama ay ahayd inay iska xigaan dadka kala oo dhan.
Hadaba suaashu waxay tahay haddii ay sidaas ahaayeen maxaa keenay is mari waagan meesha adag gaadhay?
Xukumadeena waxaad moodaa inay meelkasta fara gelisay oo aanay meelna dhaafin, Fara gelintaas Xukumada ayaa dabkan dhex dhigtay
labadan Ardaa iyada oo adeegsanaysa habka qabyaalada oo ay kaga jawaabayso doorashadii Maayirka Ceergaabo Mujaahid Ismaaciil Xaaji
Nuur oo ay lug iyo farasba isugu taagtay inaan mar labaad Maayir nimada loo dooran taas oo ay baacin kari wayday.


Waxaa xusid mudan odayaal iyo wax garad ka soo jeeda Ardaaga Biciide iyo Ardaaga Sacad Yoonis inay ka soo horjeedan qorshahaas isku dhufashada ah oo ay Hargaysa u joogan sidii arintaas wanaagi iyo wax qaybsigii weligood ka dhexeeyay lagu qaybsado maamulka degmada oo aanay dhicin in qolo labada xilba isku darsatolaakin nasiib daro waxaa jira dad u dhego nugul qabyaalada oo la adeegsanayo, sida wararku soo sheegayaan Madax dhaqameed aad loogu
hanwaynaa inuu maanta dabkan isagu si aad ah uu wax uga hurinayo.


Waxaa arinta cirka ku sii shareeray markii odayaal ka soo jeeda Ceelafwayn ay hargaysa kula kulmeen wasirka Arimaha Gudaha oo ay ka codsadeen inuu arinta wax ka qabto, taas oo ugu jawaabay in Maayirkii iyo ku xigeenkiisiba la doortay si dhakhso ahna ciidan halkaas gaynayo cidii goaankaasna ka hor timaada cidankaasi talaabo ka qaadayaan, talaabadaas oo la filayo inay la mid tahay tii caruurta lagu laayay, arintaas oo aad iyo aad uga cadhaysiisay odayaash aas iyo dadwaynaha reer Ceelafwayn, lagana yaabo inay keento isku dhac ciidankaas iyo qayb ta diidan goaankaas lagu doortay Maayirka iyo Maayir ku xigeenka, cawaaqib xumana laga dha xlo.

Wasirka duulista iyo hawada ayaa isna fara gelin aad u xun ku haya loona tirinayaa inuu ka mid yahay raga dabka ka shidaya degmadda Ceelafwayn.
Hadaba akhristaw waxa aynu rajaynaynaa inaan halkaas wax dhibahi ka dhicin oo ay inagu fila n tahay inta ilaa hadda dhacday, laakin waxaan Xukumadeena u sheegayaa inay iyadu dhabar ka u ridanayso waxa aliyaale iyo wixii halkaa ka dhacah taas oo ay halis u tahay inay si dhakhs o ah ugu fido gobolada kale Sannaag,Sool,iyo Togdheer haddii aan ciidankaas ay dawladu ku sii wado Ceelafwayn aanay joojin arinkana farah ugla bixin dadkaa wada dhashay ee wada degan.

Madaxwaynaha waxaan leeyahay masuuliyada ugu wayni adiga ku saarantahay ee inta ay ari ntu wax ka qabasho leedahay si deg deg ah u soo fara geli haddi kale adiga ayaa hadhawto lagala xisaabtamaya.

Wasiiirka Arimaha Gudaha waxaan leeyahay haddii ciidankaasi dhibaato gaysto ama ay ka dhal ato adiga ayaa masuuliyada ugu wayn yeelanayo mid la isku saamaxayo ama la iskaga hadhayo ma ah, markaa waxaan kula talinayaa inuu ka fogaado inuu isku dayo inuu xoog iyo caga jugla yn xal bido, waxaa kalo oo aan leeyahay wasirnimada siilaanyo lagu raagi maayo oo iminkaba d urbaanka ayaa lagu tumayaa ee shacbkaga ha is seegin, arimaha cawaaqib xumada lehna yaan faraha lagu gelinin. Iminkana maxkamadaha aduunka ayaa la isa soo taagaa.

Wasiirka Dulista iyo Hawada waxaan kula talinayaa inuu faraha kala baxo dadkan wada dhash ay oo iyaku arinkooda dhamaysanayaan, adigana gobolkan Sannaag ee aad ka soo jeedo wuxu u kaa sugayaa wax qabad iyo horumar ee maanta lagaama fadhiyo inaad colaad iyo dhibaato k a huriso, waxaan kaa filayay inaad sida Cabdi Casiis Samaale uu maalin kastaba mashruuc dha gaxa dhigayo ama u furayo ee uu ka hirgelinayo Gabilay,Kalabaydh,Arabsiyo,Wajaale, iyo Allay baday inaad ku dayato oo Garadag,Ceelafwayn,Ceergabo, iyo Xiis iyo Maydh wax u qabatid,Bal hadda is waydii oo intaas oo magaalo oo ka tirsan gobolka aad ka soo jeedo maxaad u qabatay, wax qabad daayo adeer gobolku ( Sannag ) nabadgalaa. haddii Ismaaciil xaaji Nuur xurgufi idin dhaxayso Ismaaciil Ceergaabo ayuu jooga ee Ceelafwayn ma joogo.

Guddoomiyaha gobolka Sannag waxaan leeyahay waxaa fiican inaad magac iyo taariikh fiican kaga tagtid gobolka oo horaa loo yidhi WAARI MAYSID EE WAR HA KAA HADHO, oo waa lagu heesayaaye ee magac kaga tag ayaamaha yar ee ku hadhsan sidii gudoomiyahii gobolka saaxil ee Ramaax Cali Hayste.

Labada Ardaa ee Ceelafwayn wada degana waxaan leeyahay idinka ayaa ilaahay iskiin baday oo waxaydun magac iyo sharafba ku lahaydeen isdugsiga aydun is dugsanayseen, koone ama forn baydun degantihiin dhinacaas iyo Putland dab badan baa ka baxaya oo ma kala maaranta an ee arimahiina dhamaysta sidii aydun weligiin u dhamaysan jirteen.
Mashruucan isku dhufashada ahna dhinacaa iyo Burco ayuu ku soo horeeyay ,reer Burcona way iska garteen ee idina ka foojignaada maantana ma aha maalin aydun isugu dhacdaan Maayir iyo Mayiir ku Xigeen.

Hadaba akhristow iswaydiintu waxay tahay waa maxay sababaha keenay is marin waaga ka aloosan magaaloyinka Saylac iyo Ceelafwayn
a) Boobkii iyo ku shubashadii dalka oo dhan ka dhacday iyo is qancin laantii la yidhi la isu joojin maayo.
b) Deg degii iyo ka gaadhsiigi lagu doortay Maayirada iyo Maayir ku xigeenada iyada oo aan la bogsiin cabashooyinkii ka dhashay boobkii iyo ku
shubashadii baahsanayd ee dalka ka dhacday, iyada oo arinka Maayirad iyo ku xigeenada la geliyay xiisad iyo xamaasad ka daran tii  doorashooyinka oo ay wadeen xubno ka tirsn xukuma da iyo xisbiga kulmiye.
c) Fara gelintii qaawanay iyo Maayir boobkii Xukumaddu ku kacday, iyo xaalad abuurkii ay ku kaceen xubnaha xukumaddu
d) Cabudhintii iyo awood sheegashadii loo adeegsaday ciidamada kala duwan ee xukumadu adeegsatay.
e) Dilkii iyo dhaawacii dhalinyarad ee sida arxan daradah loola dhacay rasaasta
f) Golayaashi qaranka [ Guurtida, Baarlamaanka, Xukumada,iyo Maxkamadi qaranka ] Xisbiyadii qaranka iyo qaybaha kala duwan ee mushtamacu
ka kooban yahay sida Siyaasinta,Aqoonyahanada,Culimawadiinka, iyo Madax dhaqameedka oo mid kastaba qirayo ama sheegayo in khalad iyo
Fool xumo dhacday laakin arinkiisu aannay dhaafsananayn sheegista ayaa keentay inuu cidii dulmi tirsanaysay inay qabiil dabada geliso.

ALLA MAHAD LEH
 

 


Faisal Farafidiye