XAFLAD AAD U WEYN OO LOOGU SAMEEYAY MINNESOTA-USA MUSH ARAXA
MADAXWEYNE KU XIGEENKA UCID MUDANE C/RASHIID XASAN MATAAN IYO
WACDARIHII HALKAAS KA DHACAY
Minnesota: Habeenkii xalay ahaa ayaa lagu qabtay magaalada
Minneapolis ee gobolka Minnesota xaflad aad u weyn oo lagu
maamuusayay ku xigeenka musharaxa madaxweyne ee UCID, mudane C/rashiid
Xasan Mataan. Xafladaas oo ahayd mid run ahaantii aad iyo aad looga
soo shaqeeyay ayaa waxa iskugu yimid dadweyne aad iyo aad u tiro
badan oo ka kala socday dhamaanba qaybaha kala duwan ee jaaliyadda
Somaliland ee degen gobolkan Minnesota iyo weliba marti-sharaf kale
oo badan ka kala yimid goboladda kale ee dalkan Maraykanka si ay uga
soo qayb galaan xafladdan. Waxa kale oo iyaduna xusid mudan in ay
xafladan kasoo qayb galeen marti sharaf kale oo ka socotay dawladda
Maraykanka oo uu hor kacayay Senator Dan Hall oo ah Senator aad caan
uga ah gobolkan Minnesota isla markaana ka mid ah asxaabta
siyaasadeed ee aadka ugu ololeeya qadiyadda Somnaliland.
Xafladaasi oo ay ka soo qayb galeen dad aad iyo aad u tiro badan
ayaa la odhan karaa wax ay ka mid ahayd xafladdihii ugu waaweynaa ee
abid ka dhaca Minnesota ee lagu soo dhaweeyoi musharax siyaasadeed
oo ka socda Somaliland. Waxa halkaas ka hadlay marti sharaf badan oo
isugu jiray muxaafid iyo mucaarid, rag iyo dumar, dhalinyaro iyo
waayeel, wadaad iyo waranlehba. Run ahaantii waxa goobtaas la isku
dhaafsaday khaftan, talooyin iyo figrado caafimaad qaba.
Iyada oo run ahaantii aan la soo koobi Karin marti sharaftii iyo
madaxdii halkaas ka hadashay waxase xusid mudan qudbadihii wax ku
oolka ahaa ee ay halkaas ka jeediyeen: Qudbisamaan Imam Shiikh Sacad,
Siyaasi Axmed Ugaas Jaamac (Axmed Umad), Oday Cabdi Iimaan, Suldaan
Abubakar Wabar, Xoghayaha Arrimaha Dibedda UCID Mudane Yusuf Budle,
Senator Dan Hall, Former Congressman Dan Severson, Gudoomiyaha UCID
ee USA Mudane Xasan Yonis C/lahi iyo Professor Saleebaan Cige.
Senator Dan Hall oo halkaas ka hadlay ayaa aad iyo aad ugu
nuuxnuuxsaday sida uu ula dhacsan yahay horumarka ay gaadhay
Somaliland iyo weliba sida ay dadkeedu isagu tashadeen iyaga oo aan
cidnaba wax ka sugin ee u dhaqaaqay siddii ay iyagu dalkooda iyo
dadkoodaba ugu horumarin lahaayeen. Senator Dan Hall ayaa halkaas ka
sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu booqasho ku imandoono
Somaliland dhamaadka bisha Januari. Sidda uu sheegay Senatorkanu
waxa ay booqashadaas ku tegidoonaan caasumadda Somaliland iyaga oo
ka kooban saddex sarkaal ooMaraykan ah, ujoodadooda ugu weyna ay
tahay siddii uu usii fahmi lahaa qadiyadda Somaliland si uu u gado
qadiyadda Somaliland oo uu aad ula dhacsan yahay.
Qudbado badan kadib, waxa halkaas ugu dambayntii qudbad aad iyo aad
u qiimo badan ka jeediyay Musharax C/rashiid Xasan Mataan oo run
ahaantii aad iyo aad loogu qushuucay sida dheeliga tiran ee uu uga
xog waramay geedi socodka siyaasadda ee Somaliland. Musharax
C/rashiid waxa uu si fiican uga waramay qorshaha iyo ajendaha
siyaasadeed ee u yaala xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka ee UCID
isaga oo sheegay wax qabadka dhamaanba xukuumaddihii iskaga kala
dambeeyay maamulka Somaliland iyo kolba meeshii ay soo gaadhsiiyeen.
Waxa uu Musharaxu si aad ah uga sheekeeyay waxqabadka xukuumadan
hadda joogta iyo weliba waxyaabaha ay ka tagtay iyo waxa uu Xisbiga
Cadaaladda iyo Daryeelku ka bedelidoono marka uu ku guulaysto
hogaanka dalka.
Waxa aan la hilmaami Karin fanaanadda Caanka ah ee Hodan C/raxmaan
oo halkaas kusoo bandhigtay heeso si gaar ah looga soo shaqeeyay iyo
weliba hees cusub oo ay goobtaas bacda kaga jartay oo si gaar ah
loogu sameeyay Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka ee UCID.
Waxa kale oo aan marnaba la hilmaami Karin in la xuso mahadi ha ka
gaadhee Mudane Maxamed Maxamuud C/laahi (Shiine) oo isagu ahaa
qabanqaabiyaha xafladdan, isla markaana masuulka ka ahaa maamulka
iyo soo dhaweynta Musharax C/rashiid Xasan Mataan mudada uu
socdaalka ku joogo gobolkan Minnesota.
Xafladaas oo ku dhamaatay guul iyo is fahan ayaa ugu dambayntii lagu
soo gunaanaday musharaxa oo halkaas kaga jawaabay su’aalo toos ah oo
ay weydiinayeen dadweynihii kasoo qayb galay xafladaasu.
Fadlan la soco sawiro kale iyo kulanada kale ee uu Musharax
C/rashiid Xasan Mataan kula galay qaybaha kala duwan ee bulshada
Somaliland ee ku dhaqan gobolkan Minnesota.
UCID Media
|