Xaflad Balaadhan oo Saaka loo Sameeyay Dhaliny ar ada Xisbiga Udub ee Bariga Magaalada Hargeysa.
 

Hargaysa  (TNN)- Waxa saaka Hotel Crown ee magaalada Hargaysa ka dhacay shir  balaa dhan oo ay isugu yimaadeen xisbiga UDUB iyo laba urur oo ka soo jeeda bariga magaalada Hargaysa, ururadaasi oo kala ah ururka dhalinyarada iyo aqoonyahanka bariga  caasima da Somaliland oo ay weheliyaan ururka C/raxmaan Founadation, kuwaasi oo ah ururo  bal aadhan isla markaasna saamayn weyn ku leh bariga magaalada Hargaysa.

Labadan urur ayaa si wada jir ah goobtaasi uga soo jeediyay warbixino iyo xaalada guud ee deegaanada ay ka soo jeedaan, iyada oo goobtaasi xisbiga UDUB madaxdiisii goobta joogtay iyo dhalinyaradu ay is waydaarsadeen weerar iyo weerar celin, halkaasi oo ay labada dhanba ay ka soo jeediyeen kulankaasi khudbado dhaadheer oo ay labada dhanba ku soo bandhigeen sidii ay halkaasi uga sii anba qaadi lahaayeen kulamadooda iyo wada shaqayntooda.

Kulankaasi maanta waxa uu ku dhamaaday jawi aad u wanaagsan isga oo kulankaasi uu ku furmay jawi xisaabtan iyo is qancin, taasi oo labada dhanba ay aad u soo dhaweeyeen loona balamay kulamo kale oo joogto noqon doona iyo sidii ay dhalinyarada bariga  Harga ysa ugu xidhnaan lahaayeen xisbiga UDUB.

Dhalinyaradani ayaa hore ula kulmay xooghayaha guud ee xisbiga UDUB iyo wasiirada  be eshooda ee ku jira xukumada, taasi oo maanta ay xubnahani la kulmeen madaxda kale ee xisbiga sida gudoomiyaha abaabulka doorashooyinka ee xisbiga UDUB mudane Cismaan C/laahi Cigaal iyo mudane Kayse Cali Geedi.

Waxa kale oo xalay guriga shaqaalaha ka dhacay kulan balaadhan oo ay wasiirada  Hawla ha guud iyo wasiirka duulista iyo hawada iyo wasiirka maaliyada iyo wasiiru dawlaha  ari maha dibada iyo xogahayaha guud ee xisbiga UDUB ay ka soo qayb galeen oo ay xagaasi kula kulmeen tageerayaal dhowr boqol gaadhaaya oo ka soo jeeda bariga Hargaysa oo ay ka mid ahaayeen dhalinyarada jaamacdaha ku jira ee ka soo jeeda bariga Hargaysa, kulankaasi oo aad loo soo qaban qaabiyay.

Dhanka kalana xisbiga Kulmiye ayaa maanta galinkii danbe uu shir balaadhan uga furmay Xarunta Gancsiga ee Kaah, kulankaasi oo ay isugu yimaadeen xubnaha xisbiga ee  taag eera xisbigaasi ee ku dhaqan bariga Hargaysa iyada oo dadka ka soo qayb galay  xaflada asi ayna ku koobnayn dadweynaha bariga Hargaysa, hase ahaatee tageerayaal kale oo ka soo jeeda xaafdaha kale ee magaalada ay ka soo qayb galeen kulankaasi oo hada  soc da, ayaa ay wararku sheegayaan in ay wasiirada ka soo jeeda beesha bariga Hargaysa qaarkood ay isku dayeen in ay is hortaagaan taasi oo shirkaasi uu u furmay sidii loo soo qorsheeyay, hadana uu gabo gabo ku dhawyahay, iyada oo aan wax is hortaagay aanay jirin, hase ahaatee xaga wasiirada wax hadal ahi kama soo baxin oo ku saabsan is  horta agaasi, hase ahaatee wararka hoose ee aanu helaynaa waxa ay sheegayaan in ay la  xid hiidheen maamulka Kaahh, in xafladaasi la joojiyo taasi oo maamulka Kaahna ay ku gacmo saydheen codsigaasi.

Goobtaasi uu kulanka galabta uu shirka ku qabsanaayo xisbiga Kulmiye ayaa ay ciidanka boolisku amnigiisa aad u adkeeyeen, taasi oo ay jirtay dhalinyaro wadada tagta  goobtaa si uu kulankaasi uu ka dhacaayay ay dhigeen taayiro ay gubeen iyaga oo ka soo  horjee day qabsoomida shirkaasi, dhalinyardaasi ayaa ay ciidamada boolisku markii danbe kala dareeriyeen iyada oo taayiradaasina ay meesha ka qaadeen dadweynaha xaafda, markii danbana ay ciidamada boolisku ay wadadaasi sugeen nabadeeda halkaasi oo ay caadi u mareen tageerayaashi ku socday shirkaasi oo u furmay jawi nabdoon oo ahaa sidii loogu talo galay.

Sida ay doontaba ha ahaatee waxa bariga Hargaysa ka bilaabmay loolan xoogan oo ka dhaxeeya xisbiyada UDUB iyo Kulmiye kuwaasi oo ku loolamaaya gacan ku haynta  taagee rada shacabka ku dhaqan, taasi oo xiliyadii danbe ay xisbiga Kulmiye dar dar culus  galiye en wacyigalinta dhalinyarada xaafada sidii ay quluubtooda u hantiyi lahaayeen, waxa aanad daqreemaysaa in ololaha noocaasi ah ay xisbiga Kulmiye kaga horeeyaan xisbiga UDUB, oo ay abaabulo isdaba joog ah ay ku qabtaan bariga caasimada taasi oo ayna samynin yaalaa xisbiga UDUB.