XAFLAD BEESHA REER XAAD KU BEENINAYEEN INAY KA KABAXEEN XISBIGA KULMIYE OO LAGU QABTAY HUTEL ASKAR

 

Xafladan oo ay kasoo qaybgaleen odayaal dumar dhalinyar tiro badan oo ka mid ah beesha

Beesha reer xaad ayaa habeenkii xalay ahaa isugu yimiday xaflad si heersare ah losoo abaabulay oo ay ku beeninaayeen in ay ka baxeen xisbiga kulmiye oo lagu qabtay hoolka shirarka ee huteel askar.


Xafladan oo ay kasoo qaybgaleen odayaal dumar dhalinyar tiro badan oo ka mid ah beesha reer xaad ayaa dhamaantood waxay si adag ubeeniyeen in xafladan habeen hore lagu qabtay huteelka askar oo lagu sheegay in beesha reer xaad kagabaxeen xisbiga kulmiye. Waxay cadeeyeen in beeshaasi wixii halkaa laga sheegay ay been abuur cad ahyad.

Xafladaasi waxa hadalo kajeediyay gudoomiyaha dhalinyarta beesha reer xaad ee xisbiga kulmiye ku cabdi xaashi aw jaamac oo sheegay in beesha reer xaad aanay ahayn beel lagu ganacsado ee ay ka balaadhantahay waxaanu yidhi “waxaan caawa halkan kubeeninaynaa inayna matali karkin beesha reer xaad shaqsiyaad gaara oo xisbiga udub wax kaga doonaya, beeshuna waxay leedahay mawqif iyo maamul beeshana mawqifkeedu waa xisbiga kulmiye”.

Cabdi xaashi wuxuu hadalkiisa raaciyay in dirawal dawlada hoose ahi iska hadlay oo uu ku hadlay wixii afkiisa kusoo dhacay. Waxaanu ku taliyay gudoomiyaha dhalinyarta beeshu inaan la iska hadlin ee wixii caqliga galaaya lagu hadlo, isagoo arintaa ka hadlayana waxaa uu yidhi “dadka oo dhana lama qancin karo hadii dirawalkaasi afka loo buuxiyay waxaan odhan lahaa lacagi waydhamataa laakiin sharaftaa ka qiimo badan”.

Waxa kaloo xafladan ka hadlay sh cabdisamad axmed cismaan oo isaguna si ba,an ubeeniyay hadaladii laga sheegay xafladii habeenkii dhawayd lagu qabtay hoolkan waxaanu yidhi beesha cid gaara oo ku u gaadhsan kartaa ma jirto beeshu waa beel wayn oo magac iyo maamuus le markaa anaka (beesha reer xaad ) nama matalaan shaqsiyaadkii sheegtay magaca beeshu, beeshuna markii hore waxay ahayd xibiga kulmiye, imikana waa kulmiye."

waxa kale oo hadal kulul oo cadha leh kasoo jeedisay gudoomiyaha garabka haweenka xisbiga kulmiye ee beesha reer xaad Ayaan c/rasaaq mukhtaar oo sheegtay in aanay dumarka reer xaad jeclayn xisbiga udub ee ay mar kasta ba hiil iyo hooba la garab taaganyihiin xisbiga kulmiye.


dhalinyaro tiro badan oo iyaguna halkaa hadalo kasoo jeediyay ayaa  shee gay in xafladii habeenkii dhawayd laga been abuurtay dhalinyarta beesha ree xaad, markaa dhaliyartu waxay sheegtay in xisbiga ay taageersanyihiin aanay u matalayn, wasiir, gudoomiye, oday. Waxaanay mowqifkooda ku sheegeen in ay si buuxda u taageersanyihiin xisbiga kulmiye .

Xafladaha been abuurka ah ee ay xisbiyada dalku ay samaynayaan ayaa mu dooyinkan dambe sii badanaysa tanina maaha tii ugu horaysay ee  nooce eda ah. Inta la sameeyo urur aan jirin ayaa xaflad loogu qabtaa hudheelada waawayn ee dalka lacagna lagu kharash gareeyaa, kadibna loo sameeyaa magac urur kasoo baxaya xisbi hebel oo kusoo biiraya xisbi kale iyadoo  xisbi yada dalka ka jiraa siyaasadooda aan la kala saari Karin oo dadka intooda badani ku taageeraan beel beel beel ee aan xisbi mowqif lagu raacaa aanu jirin.

 



Gabiley.net