Xaflad Si Weyn loo soo agaasimay oo lagu xusayay 18 May oo Xalay ka dhacday Qasriga Madaxtooyada

 

            

Xaflad balaadhan oo lagu xusayay maalinta xornimada ay Somaliland kala soo noqotay Soomaaliya 18/May/1991, ayaa xalay lagu qabtay qasriga Madaxtoo yada Somaliland.

Xafladan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, waxa ka soo qayb galay Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, Madaxweyne ku xigeenka Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, Ruug cadaaga reer laascaanood Axmed Cabdi Xaabsade, Wasiiro, Salaadiin, Xildhibaano ah Guurtida iyo Wakiilada, madax sare oo ka tirsan Xukuumada JSL iyo marti sharaf kale
Xafladan oo ahayd mid casho ah, waxa sidoo kale ay fanaaniin ay ka mid yihiin Fanaaka reer Jabuuti Cabdi Nuur Allaale, Nimco Yaasiin iyo Sahra Axmed ay ka qaadeen heeso ay u samayeen Somaliland, kuwaasi oo aad u so jiitay dadkii ka soo qayb galay xaflada.

Xafladan oo ahayd mid ka duwan kuwii hore, waxa ay fanaaniintu soo jeediyeen Riwaayad aad u xiiso badnayd.


SN