Daawo Sawiradii Madaxweynaha oo Ka Qayb galay 10 guuradii Akaadamiyada iyo Kormeer uu ku tegay Miisk

Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa maanta ka qayb galay xaflad lagu xusayay toban guuradii ka soo wareegtay aasaaska Akaadamiyada Nabada iyo horumarinta ee Somaliland.
Xafladan waxa kale oo ka soo qayb galay Shirgudoonka Golaha Guurtida Somaliland , Hay’addaha la shaqeeya Akaadamiyada , Gudoomiyaha Xisbiga UCID, Wasiiro, Xildhibaano, Madaxda Akaadamiyada iyo marti sharaf kale.

Dhinaca kale , Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu kormeer kedis ah ku tegay Xarunta Miiska Saraakiisha , halkaasi oo uu warbixin ka dhagaystay Taliyaha Ciidanka Qaranka.


Source: SN