Hargeisa: Xafladii Furitaanka Naadiyaasha Akhriska iyo Hal Abuurka jaamacada Lucy oo Xalay la isku Arkay:

 



Hargeisa (TNN)-Xaflad baladhan oo lagu daah furayay laba naadi oo kala ahaa naadiga  akhr iska Jaamacadda Lucy university iyo naadiga Hal abuurka jaamacada lucy oo xalay xaflad loogu qabtay hotel imperial ee magaalada hargeisa.

Xafladaasi oo ay ka soo qayb galeen Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha wakiilada Somaliland Sh.C/casiis Samaale,Abwaanka wayn ee Maxamed Ibraahin Warsame  hadraawi ,Gudoomiyaha ururka Socsa khadra kaliil Cabdi,Gudoomiye ku xigeenka jaamacada luzy  Max amed C/laahi Ducaale,Gudoomiyaha naadiga Akhriska Timacadde Mahdi Sh.Cabdi, Mujaahid Axmed muxumed Madar, Gudoomiyaha unuga Wadaniyada Somaliland, Hal abuuro Da,yar,, Ardayda jaamacada Luzy university College iyo marti sharaf kale farabadan.

Furitaankii Xafladaasi waxaa hadal kooban ka jeediyay Gudoomiye ku xigeenka jaamacada lucy Maxamed C/laahi ducaale oo ka waramay u jeedooyinka ay u fureen naadiga akhriska jaamacada iyo hal abuurka isaga oo sheegay in baahi loo qabay in jaamacadu yeelato Naadi akhris iyo koox hal abuuro ah oo ay iyaga oo dhiiri galinaya dhalinyarada qadariyeen fikirkan oo ay usoo soo jeediyeen ardayda jaamacada lucy.

Waxaa kale oo uu xasay gudoomiye ku xigeenku waxyaabaha ay jaamacadu kaga  duwanta hay jaamacadaha kale isaga oo sheegay mudada yar ee ay jaamacadu jirtay haddana ay ka midtahay seddexda jaamacadood ee ugu horeeya Somalilandtaasi oo uu xusay inay tahay dadaalka ay maamulka jaamacadu sameeyaan mudadaasi yar.

Maxamed C/laahi waxa kale oo uu ka waramay Asaaskii jaamacada lucy, waxaana uu  sheeg ay in jaamacada ay ka hawl galaan dhalinyarro aqoonyahano ah oo jaamacado kala duwan oo dibada ah ka yimi iyo qaar ajnabiya oo wax wayn ku soo kordhiyay Jaamcada luzy, isaga oo sheegay in jaamacada luzy ardaydeedu kaga duwanaan doonaan jaamacadaha kale  Akhl aaq wanaaga iyo habdhaqanka.

Xafladaasi oo si heer sare ah loo soo agaasimay waxaa hadal kooban ka jeediyay  G/xigee nka koowaad Baarlamaanka Somaliland mudane C/casiis Muxumed Samaale, waxa uu  xasuu siyay dadwaynihii ka soo qayb galay xaflada dilkii foosha xumaa ee loo gaystay marxmuum mujaahid Xasan Saleebaan wayne oo dhawaan lafihii maydkiisa laga helay deegaanka balay cabane isaga oo ilaahay uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo isaga iyo mujaahid haybe laanbad oo shalay magaalada hargeisa lagu aasay, c/casiis waxa uu ka sheekeeyay qiimihii ay dalka ku lahaayeen iyo kaalintii ay kaga jireen halgankii qadhaadhaa ee dalkan loo soo maray.


Gudoomiye ku xigeenka Golaha wakiiladu waxa kale oo uu ka waramay isbeddelka ku dhacay Afka somaliga isaga oo sheegay dadka mudan sida Abwaan Hadraawi oo kale in uu bulshada qiimo gaar ah ka mudanyahay, waxaana uu kula dardaarmay dhalinyarada in la ilaaliyo afka iyo hiddaha qaaliga ah ee somalidu leedahay.

C/casiis samaale waxa kale uu aad ugu dheeraaday Qiimaha Aqoontu leedahay, kaalinta  Qa linka iyo Qoraalka oo uu sheegay ta dunidu isku dhaafto in la qoro taariikhda dadka qiimaha leh iyo halganka umadi soo martay. Isaga oo tusaaleyaal badan u soo qaatay illaa iyo  wakh tigii illahay abuuray bani aadamka. Waxa kale oo uu sheegay in Aqoon la barto ugu qiimo  ba dantahay Aqoonta illaahay loogu dhawaanayo.

Mudane Samaale waxa kale uu ka waramay Wadaniyada iyo qiimaha ay leedahay isaga oo ku dheeraaday qiimaha wadanka hooyo leeyahay, dhalinyaradana ku dhiiri galiyay inay  aam inaan dalkooda oo aanay waxba kaga horaynin wadamada lagu yaacayo. Samaale mar uu ka hadlayay arinta tahriibta dhalinyarada waxa uu xusay in Aanay dhalintu sabab la,aan isaga tahriibayn iyaga oo Aqoon haysta, Shaqo haysta balse ay jirto sabab kale iyo cid ku  kalif aysa inay tahriibaan kuwaasi oo uu sheegay inay yihiin kuwa kuraasta ku gadhiya.

Samaale isaga oo Xukuumada dusha ka saaray Arimahaasi waxa uu yidhi “noloshu fahanbay u baahantahay, iyo in raad lagu yeesho, ma rabno isbeddel qof ku noolaado balse waxaan rabnaa is beddel umadi u noolaato, in badan baa la yidhaa dhalinyarada waxaad tihiin xoogii dalka, mustaqbalkii barito, goorma ayay dhalinyaradu noqonayaan mustaqbalkii barito? Qofka bani aadamka ahi in uu Taariikh ka tago ayaa loo baahanyahay”.ayuu yidhi Mudane Samaale

Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi oo madashaasi ka hadlay ayaa xalay halkaasi ka  jee diyay dardaaran aad u dheer oo wax ku ool ah, kaasi oo uu kula dardaarmay hal abuurka da,da yar ee maanta raba inay bulshada u soo bandhigaan gabayo, maansooyin iyo wixii la mid ah, waxa uu yidhi “umada aad doonaysaan inaad la hadashaan waxay leedahay  xee rar,dhaqan, shuruudo, iyo Taariikh soo jireen ah, waxa la diinka baahanyahay inaad  ilaalisa an dhaqankaa iyo xeerarka umadaasi ee soo jireenka ah, waxa la idiinka baahanyahay inaad dadka waayo araga ah aad wax waydiisaan, oo la idin tusaaleeyo, sidan iyo halkan ka saxa la idin yidhaa, si umada wax hodan ah aad u hor dhigtaan”.



Abwaan Maxamed ibraahin isaga oo hogo tusaalaynaya jidadka ay marayaan Hal abuurada yaryar ee maanta raba Inay Gabayo jeediyaan inay raacaan jidadkan:



* In aad barato umadda dhaqankeeda

* Inaad yeelato ereyo kugu filan oo aad ka gabaydo

* Aqoonta aad u leedahay Afka oo kaalin wayn ka qaadanaysa

* Xuruufaha afsomaliga ee laga gabyo uu u kala saaray seddex qaybood oo kala ah

1. Xarfo hodan ah sida, G, H, A, D, DH, B.

2. xarfo meel dhexaad ah, N,W iyo qaar kale

3. Xarfo Sabool ah.

Isaga oo xusay in ay ka gabyaan Xarfaha hodanka ah ka dibna ay dadka marka ay  dhagays taan bulshadu qiimayn doonto ka dibna aad ogaan doonta waxa kuu saxda ah iyo waxa kaa qaldan.



Abwaan hadraawi waxa kale oo uu sheegay in ay Muhiim tahay in Gabayga qofku tirinayaa Waafaqsanyahay Xaqiiqda Dhabta ah ee nolosha jirta. Abwaanku waxa uu tusaale u soo qaatay in wakhtiyadii laga gabyi jiray jacaylku qiimo lahaa oo inantu qiimo lahayd balse  maa nta hadii aad jacayl ka gabaydo aan cidi ku dhagaysanayn, isaga oo ku sababeeyay  Abwaa nku arintaasi hablaha si dhibta yar loo kaxaysanyo oo meesha ka saartay halgankii dheeraa ee loo soo mari jiray, waxaa laga bixin jiray inanta konton Geela oo ninku ku celin jiray xaqii iyo barbaarintii waalidka galiyay ilmihiisa.



Waxaa kale oo uu sheegay in konton sano loo hurdi jiray boodhka, waxa kale oo uu ka  war amay abwaanku Nacasnimada jacaylka oo uu tusaale u soo qaatay Cilmi boodhari isaga oo ka sheekeeyay markii cilmi hablaha loo keenay laabta u soo qaawiyay balse uu cilmi u joojin waaway oo ay u cadayd hodan. Waxaana uu sheegay in jacaylka uu daaweeyo kaliya qofka naburka gaystay.



Abwaan hadraawi oo xalay dhalinyarada wax badan oo waayo aragnimo ah u soo bandhigay ayaa sheegay in jacaylkii hore ee somalidu uu kala aahaan jiray laba nooc oo kala ah.

1. Jacayl lugooyo
2. iyo jacayl lexejeclo.


Waxa kale oo isaguna Madashaasi ka hadlay Gudoomiyaha Naadiga Akhriska Timacadde Mahdi Sh.Cabdi oo ku hadlayay Magaca naadiyada Akhriska Somaliland oo aad u soo dhaweeyay Naadiga Cusub ee jaamacada luzy yeelatay isaga oo Ku amaanay jaamacada Lucy tabaabada cusub ee ay ku soo kordhisay jaamacadaha Somaliland iyo dhiiri galinta akhriska iyo dhalinyarada waxaanu aad usoo dhaweeyay naadiga Cusub ee ku soo Biiray Masraxa Naadiyada Somaliland.isaga oo ugu Baaqay Xukuumada, hayadaha, Bulsho waynta Somaliland in la taageero Dhalinyarada Akhriska dhiiri galinaysa.

Masuuliyiinta kale oo Xafladaasi ka hadlay oo aad u tiro badnaaa ayaa waxaa ka mid ahaa Mujaahid Axmed Muxumed madar, Gudoomiyaha ururka Socsa Khadra kaliil Cabdi,iyo Gudoomiyeyaasha Naadiyada Akhriska iyo hal abuurka jaamacada Lucy. Iyo Gudoomiyaha unuga Wadaniyada Somaliland Waxay dhamaantood ka warameen qiimaha Akhriska iyo Aqoontu leedahay, Qiimaha Wadaniyada iyo taariikhda umaddu soo martay iyaga oo dhamaantood u mahad naqay Maamulka jaamacada Lucy.

Xafladaasi oo aan loo kala hadhin waxaa ciyaaro ku soo bandhigay Kooxda Ciyaaraha Dhaqanka ee ururka Socsa iyaga oo ku furay heesta Calanka jamhuuriyada Somaliland.

Naadigan oo ah Naadigii Tobnaad laga aasaaso Somaliland ayaa noqonaya Naadigii ugu horeeyay ee jaamacadi yeelato taasi jaamacada luzy Nasiib u yeelatay inay Arintaasi ka midho dhalisay iyada oo ay jireen jaamacado badan oo wadanka uga soo horeeyay.


Mustafe C/kariin Cali (Mustafe Future)
Timacadde News Network (TNN)
Hargeisa/Somaliland.
mccfuture@hotmail.com