Xafladii Furitaanka Xafiiska Xisbiga Wadani ee Minnesota

 

 


Minnesota (TNN)-Xaflad aad u heer saraysa oo ay soo diyaariyeen taageerayaasha Xisbiga Wadani ee gobolka Minnesota ee cariga Maraykanka oo loogu wanqalay xafiiska Xisbiga Wadani ayaa maaliin tii Sabtidii ee bishu ahayd 28 Janaayo (January 28, 2012) ka dhacday gobolka Minnesota . Xafladaas wanqasha ahayd waxaa kasoo qabgalay bulsho waynta reer Soomaaliland ee ku dhaqan gobolka Minn esota oo ay ka mid yihiin, taageerayaasha Xisbiga Wadani, xisbiyada kale ee wadanka sida Kulmiye, Ucid, iyo Udub, odayaasha dhaqanka, aqoonyahano, dhalinyaro, haween, iyo culimo-awdiin kuwaas oo dhamaan si diiran oo farxadi ku dheehantahay usoo dhaweeyey furitaanka wanqasha xafiiska Xisbiga Wadani.

Waxaa hadalo isugu jira wacyi, taariikh, waano, siyaasad, iyo dhaqanba ka jeediyey shakhsiyaad sha raf iyo magac dheer ku leh jaaliyada reer Somaliland ee Minnesota . Waxaa ka mida dadkii hadalada dhaxalgalka ah goobtaas ka jeediyey: oday Maxamed Xasan Xayd, Axmed Umad, Rashiid Axmed Weli Sheekh Muuse, Dr. Jama Hiirad, Safiya Ibraahim (Gette) iyo Eng. Cabdilaahi Xaaji Bulaale oo xidhiidhina yey barnaamijka.

Hadaladii qiimaha badnaa ee laga jeediyey xafladaas waxay si hufan oo suuban u falanqeeyeen horu marka siyaasadeed, dhaqaale, bulsho, waxbarasho, iyo caafimaad ee ay maanta Somaliland gaadhay oo ay ku dheeraadeen oday Maxamed Xasan Xayd iyo siyaasiga ruug cadaaga ah ee Axmed Umad Waxaana si gaara loogu nuux-nuuxsaday taariikhdii Gudoomiyaha Xisbiga Wadani ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), wax qabadkiisii, shaqsiyadiisii, iyo kartidiisii oo uu si gaara uga hadlay Dr. Jama Hiirad. Waxaa kale oo iyana laga hadl ay taariikhda Xisbiga Wadani iyo muhiimada uu u leeyahay umadda iyo hogaanka Somaliland. Waxaa iyana dhinaca wax qabadka dumarka si hufan uga hadashay Safiya Ibraahim (Gette) oo sharaxday kaalinta muhiimka ah ee dumarku ku leehayan horumarinta dalka dhinac walba.

Xafladan wanqasha Xafiiska Xisbiga Wadani oo runtii si heer sare ah u dhacday, waxay kusoo gaba g ebowday farxad aad u saraysa oo dadka reer Soomaaliland ee Minnesota kusoo dhaweeyeen Xisbiga Wadani.


Xafladan Waxaa sooqaban qaabiyey Haweenka ururka wadani


1-Samiira Yaasiin X. Maxamed
2-Cosob Jamac Farah
3-Sureer Adan Warsame
4-Ayan Osman (Idifle)
5-Amran Ali Hassan
6-Faisa Abdi Askari
7-Shukri Muuse Qoryaale
8-Kiin Ibraahim
9-Safiya Ibraahim (Gatte)
10-Faadumo Cilmi Muuse
11-Aniisa Yuusuf Faarax
12-Saynab Maxamed Falastiin
13-Raxma Ahmed Xoogdoon
 

 

 


Abdirahman Hussein Daud
Timacade News Desk
Minneapolis , Minnesota