Xafladii Qallinjabinta Dufcadii 8aad Ee Jaamacada Hargeys a+A rdeydii ugu tirada badneyd Jaamadaha Somaliland Oo Qal lin j abiyey_Jawigii Madasha,Hadaladii Masuuliyiinta Iyo Farxadii iyo hambalyadii ardeyda qallinjabisey.

 

 

Hargeysa (TNN)-Xaflad aad u ballaadhan ayaa lagu qabtay barxadda xafladaha ee jaamacadda Harg eysa, waxana loo dhigay ardayda dufcadda 8aad ee ka qalin fusha jaamacadda Hargeysa oo ah tan ugu ballaadhan jaamacadaha Somaliland.

Waxa madasha joogay madaxweynaha Somaliland, wasiiro ay ka mid yihiin wasiiradda waxbarasha da , madaxtooyada, arrimaha debeda, iyo kuwo kale. Waxa iyaguna madasha fadhiyay axsaabta qa ranka madaxdooda, xildhibaanno labada gole ka tirsan, waalidiin, aqoonyahan iyo martisharaf kale. Dadweynuhu aad bay u badnaayeen, waxana buux dhaafay barxaddii xafladdu ka socotay, laakiinse nidaamku ma lumin oo waxay u socotay xafladdu hanaan qurux badan. Xidhiidhaya xafladda ahna h ormoodka kulliyada Sayniska ayaa shaaciyay in xafladdan aan loogu talo galin wax siyaasad ah sida as darteedna madaxda goobta ku sugani ka hadlaan oo kaliya wixii aan siyaasad ahayn.


Bilawgii hore ee xafladda


Ammaanka ayaa aad loo sugay, waxana la mamnuucay in gawaadhida la dhigto afaafka hore iyo dayrka jaamacadda, waxana jidadka jaamacadda soo gala ku sugnaa qaar kamid ah ciidanka boolis ka oo dadka u sheegayya halka gaadiidka la dhiganayo, isla markaasna kala hagayay baabuurta faraha badan ee kusoo qulqulayay jaamacadda. Xafladda oo la filayay inay bilaabanto ugu danbayn 8.30 subaxnimo ayaa dib uga dhacday saacad iyo dhawr miridh, taas oo ay sabab u ahayd habsan ku yimi weftiga madaxweynaha laakiinse ma jirin wax daal ah ama caajis ah oo dadka ka muuqday, taasoo ay sabab u ahayd xiisaha gaarka ah ee ay lahayd xafladdu.

Imaatinkii waftigii madaxweynaha


Madaxweynuhu markii uu soo gaadhay xarunta jaamacadda abbaaro 9.45 subaxnimo waxa uu salaam sharaf ka qaatay ciidanka baamboyda, waxana uu usoo dhaqaaqay madasha xafladda oo ay dadku u sare kaceen isla markaana sacab aan kala go’ lahayn lagu soo dhoweyey. Madaxweynuhu waxa uu xafladda ku sugnaa ilaa 1.30 duhurnimo, waxana la socday wafti culus oo masuuliyiin badan leh.

Agaasinkii xafladda


Xafladda waxa loo agaasimay qaab aad u heersarreeya, waxana ardayda qalin fushay oo qoloba dhar gaar ah ku jeeni qaarnayd la fadhiisiyay meel u gaar ah, waxana marka hormoodkoodu hadlayo u heesayay koox fananiin da’yar ah oo ka socday ururka SOCSA, kadibna waxa kacayay ardayda kulliyadaas. Waxa sannadkan lagu soo kordhiyay madasha xafladda dhisme hoos ah oo loo sameeyey xafladda, kaas oo ay aad usoo dhoweeyeen ka qayb galayaashu. Mid ka mid ah ardayda jaamacadda ka baxday oo aan la sheekaystay intaan ku sugnaa xafladda ayaa ii sheegay in aanu waligiis tan oo kale arag, isaga oo intaas ku daray inuu aad uga mabsuuday hannaanka loo agaasimay.



Khudbadihii xafladda & Ballan qaadyadii madaxda


Guud ahaanba hormoodada kulliyadaha kala duwan ee jaamacaddu waxay ka hadleen horumarka kulliyadahooda iyo guud ahaanba kan jaamacadda iyaga oo sidoo kalena dul istaagay baahiyaha jira oo ay usoo bandhigayeen xukuumadda iyo shirkadaha waddaniga ah. Waxa taas barbar socotay baaqyo ballan qaadyo ah oo kazoo yeedhay badi shirkadihii yo masuuliyiintii goobta joogtay, waxana ka mid ahaa in shirkadaha waddaniga ah ee Somtel ay labada arday ee kulliyada ICT-ga ugu sarreyey shaqaalaysiinayso, iyo sidoo kale in shirkaddu ballan qaaday dhisidda macmal ama lab loogu talo galay “Quality Control” ama xakamaynta tayada, kaas oo loo dhisayo kulliyada Sayniska. Ballanqaadadii kale ee goobta waxa ka mid ahaa in shirkadda Telesom aya iyaduna dhisayso oo qalabanayso laba hool oo haatan dhismahoodu ka socdo isla jaamacadda. Sidoo kale shirkadda Dahabshiil ayaa iyaduna ballan qaad halkaas ka jeedisay halka fariin uu soo gaadhsiiyay taliyaha ciidamada booliska Somaliland uu ballan qaaday in shan araday ay qaadanayaan oo shaqo siinayaan.



Gudoomiyaha Jaamacada Hargeysa Muuse Aadan Axmed oo Munasibadaasi hadal ka jeediyay ayaa ka warbixiyay Taariikhihii kala duwanaa ee Jaamacadu soo martay, waxana uu ku dheeraaday Sababihii keenay in la aas aaso jaamacada isaga oo ka hadlayaana waxa uu yidhi “Waxa Weeye in la Horumariyo, Aqoonta, Waxa weeyeen in ay Jaamacadani kaalin Weyn ka Qaadato Sidii uu dalkunu u noqon lahaa mid Taaba gala, haday ahaan lahayd Horumar dhaqaale,Caafimaad, Waxbarasho iyo mid kaleetoba.

Jaamacadan waxa dhigta Qayaha kala duwan ee Bulashada haday ahaan lahayd, kuwa ku jirra Xukuumadda, Ururadda Bulshadda, Ganacsatadda, Shaqaalaha Dawladda, Ardeyada ka soo baxada Dugsiyadda Sarre iyo Waliba Qaybaha kala duwan ee bulshadda.

Gudoomiyaha Jaamacada Hargeysa waxa uu sheegay in ay Ardeyda dhigta Jaamacada iyo kuwa ka qalin jabiyayba ay si weyn uga Qayb Qaataan horumarka dalka, waxana uu tilmaamay in Ardeyda Jaamacadu yihiin kuwo Si mug leh uga Qayb Qaatay Diwaan Galintii ka dhacday Dalka iyo Waliba Doorashaddii Qabsoontay Sanadkii aynu Soo dhaafnay isaga oo ka hadlayaana waxa uu Yidhi “ Ardeyda Jaamacadu waxa Si Mug leh uga Qayb Qaateen Diiwaan galintii iyo Doorashooyinkii ka dhacay Dalka, waxana ay Hawshaas u guteen si xaq ah oo cadaalad ah , waxana ay Suurta galiyeen In doorashadaasi ay u dhacdo si xaq iyo xalaal ah”

Gudoomiye Ku xigeenka Xisbiga UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin oo isna Madashaasi ka hadlay ayaa kula dardaarmay Ardeyda Qalin jabinaysa inaanay Marnaba u Hanqal Taagin Tahriib waxana uu u soo jeediyay in ay ka faa’iideystaan Dhulkooda Hooyo isaga oo arimahaas ka hadlayaana waxa uu yidhi “ waxaan halkan ka soo jeedinayaa Dardaaran Xaga Ardeyda ah, waxa ILAAHAY inigu saliday waxa weeye Tahriib, oo la moodo inaan ku dhalnay Lafteeda Tahriibta, Kolay Maamulkii Horre UDUB Waa lagu Ceebayn jirey, laakiin waxaaan lee yahay waa arin Soo jireen ah, oo waligeedba aynu socon jirnay, waxaad arkaysaa Nin Miyi ku ladan oo ka Guuraya oo Magaalo u guuraya, waxaad arkaysaa Nin Soconaya oo aan Isba Taageyn.

Dabcan Anigu Waan Soo Maray Mucaarad iyo Muxaafid wuxuu yahayna waan Garanyaa bal maanta waxa la doonayaa Muxaafid iyo Mucaarad in Miis layskugu keeno oo Annagu (UDUB) waxaanu ahayn niman gaariday oo la garaaci jirey Markaa Maanta , Faysal (Faysal Cali Waraabe) uun Baan Marin Muxaafidnimadda ee Axmed (Axmed Siilaanyo) wuu Garanayaa waxay tahay Muxaafadnimadda iyo Mucaaradnimadu, Mucaaradnimadda waxa ku jirra inyar oo Xaasidnimo ah Marekaa waxaan lee yahay ha laysku soo yara Dhowaadoo Arimaha meelo dhexdheexaad ah ha layskugu keeno”.

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, oo ka hadlay Xafladaasi ayaa isna dhankiisa Xusay Inaanay Jamaacada Hargeysa lahayn Maamul toos ah oo loogu soo hagaago, waxana uu sheegay in laga gaabiyay Habkii loo sameyn lahaa Maamul toos ah oo ay jaamacadu yeelato waxana uu yidhi “Jaamacadda Camuud waxa ay hoostimaada Gobolka Awdal, kuwaasi oo gacanta ku haya, jaamacada gobolkaTogdheer waxa gacanta ku haya Gudida Horumarinta Gobolka Togdheer, Jaamacada Hargeysa, ilaa iyo Hadda waa Mar Saddexaadka aan ka hadlay Meel ay ku Abtirsato garan mayno, Jaamacad aan lagaranayn cida loo raacoba iyo cidd u hiilinaysa oo ka naxaysaa Jaamacad Noqon mayso, waxan soo jeedinayaa in jaamacad la dhigo jaamacad wanaagsan oo ay Dawaladdu la Wareegto, waxa weeye Jaamacaddu way balaadhatay waa caasimaddii Jaamacaddu ku shaqayn mayso Yuu ALLE waxa u dhiibey , mar hadday dawaladdu soo magacaabayso cidiin madax ka ahaan lahaa waa inay dhaqaalaheedana qayb libaax ka qaadataa”

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlay Xafladaasi ayaa Ardeyda ku Amaanay in ay si Baaxad leh uga Qayb Qaateen Doorashooyinkii ka Qabsoomay Dalka Sanadkii la soo dhaafay isaga oo ka hadlaayana waxa uu yidhiii “waxaan idiinka mahad celinayaa sidii adkeyd ee dulqaadka lahayd ee aad uga qayb qaadateen in uu dalka ka dhacdo Doorasho iyo diwaan galin , haddii aanay Ardeyda Jaamacaduhu Arintaas Qabanin maanta Sidaas ma aynu ahnayn waxaad muujiseen Mustaqbalka sida aad dalka ka dhigi doontaan waxaad muujiseen Aaminaadda Xilka iyo sidda laysku aamini karro,”

Wasiirka Wasaaradda waxbarashadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo Ka hadashay Madashaasi ayaa ka warbxisay Hababka kala duwan ee Jaamacadaha Dalka, waxana ay Tilmaamatay in Jaamacadda Hargeysa ay ka mid tahay Jaamacadaha ugu Faca weyn ee Dalka.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ugu Danbeyntii ka hadlay Munaasibadaasi ayaa isna dhankiisa Maahadnaq Balaadhan u soo jeediyeey Dhamaan Ardeyda Qalin jabisay waxana uu yidhi “waxa aan marka ugu Horeysa Hambalyo aad iyo aad u balaadhan usoo jeedinayaa Ardeyda Qalin jabisay iyo Dhamaan Shaqaalaha Jaamacada iyo walidiinta, waxan idin lee yahay in tiina qalin jabisey Hambalyo.


Jaamacada Hargeysa waa Jaamacad Qaran, waa Jaamacad Taariikhiya waa Jaamacad ay ku Faanayaan Dadka reer Somaliland waxaan u rajeenayaa in guusha ay maanta Marayso ay ka sii sarayn doonto, “

Madaxweynaha Somaliland ayaa Balan Qaadayn in ka Dawladda ahaan ay Gacan weyn ka geysan doonaan Horumarka iyo Taaba Galinta Jaamacadda.



Bixinta shahaado sharafyo

Waxa madaxweynuhu shahaado sharaf munaasibadda ku siiyay arday reer Somaliland ah oo kaalinta koowaad u galay kulliyad caafimaad oo ku taala dalka Ethiopia isla markaana uu hore raysal wasaaraha Ethiopia u guddoonsiyay billad dahab ah. Ardaygaas oo la dhaho Axmed Saxardiid waxa uu ka mid ahaa ardaydii deeqda waxbarasho ka helay jaamacadaha ciidanka ee Ethiopia waxana uu kaalinta koowaad u galay kulliyada caafimaadka.

Waxa iyaguna halkaas shahaadooyin lagu siiyay siddeed arday oo ugu sarreeyey jaamacadda kaas oo uu ka mid yahay Khadar Maxamuud Gahayr oo ah ardayga sannadkan ugu sarreeyey jaamacadda Hargeysa, waxana uu ka tirsan yahay kulliyada Statistics ama xisaabaadka, wuxuna keenay dhamaan maadooyinkii “A”.



Gunaanad:

Jaamacadda Hargeysa waxa sannadkan ka qalin fulay 538 arday oo ah tiradii ugu badnayd ee abid ka qalin jabisa jaamacadaha Somaliland, waxana hablo ah 150 halka ay wiilashu yihiin 388 arday. Waxa tiradani muujinaysaa kordhka hablaha qalin jabiyay sannadkan oo noqonaya 27% taas oo aad uga badan kuwii sannadihi hore ka qalin jabin jiray. Jaamacadda Hargeysa waxa ay ka kooban tahay toban kulliyadood iyo machad lagu barto dib u heshiisiintai yo adkaynta nabadgelyada.

Guud ahaan ardayda qalin fushay waxa u rajaynaynaa guul iyo mustaqbal fiican, waxanan leenahay hambalyo.

 



Axmed Maxamed Shaqalle

Wariye Madaxbanaan {Freelance journalist}
Shaqalle02@gmail.com
Hargeysa Somaliland