Xamareey xushmadaadiyo xaynti kugu hoos nool ayd xer aan naxayn siyaasi xaaran ku naaxa

xididada ma jareen

Xamar waa magaalo madaxda dalka Somalia, waa magaalo qarni iyo badh xushmad iyo tixgalin ku lahayd Afrika iyo caalamkaba.

Magaaladan xamar waa halkii lahayd hogaamin iyo talo siinba ku lahayd ururka AU Afrikan Nation.


Sidoo kale Xamar waxay ahayd halka ay ka soo maaxday abuurida urur gobaleedka Igad ee ay ku midooben wadamada bariga afrika iyo udoodida dalka China in uu ka mid noqdo xubin beesha Caalamka, Xamar waxay halgan dheer u soo gashay xornimo siinta dalal badan Afrika ah, waana kuwa maanta aan ogalayn nabad ku soo dabaalida magaalo madaxda dalka Somalia.

Xamar iyo maanta xaynti ku hoos noolayd xushamadi iyo qadarintii ay ku soo caano maashay ma xer aan naxayniyo siyaasi xaaran ku naaxa miyaa xididada halbawlaha ku jiray.

Maxaa Xamarey maantidi kugu hoos noolayd dhiigoodu dhulka iyo haada siiyay, maxaa kalifay u sacaba tunka hadba ka bari halbawlaha ku jari.

Xamarey walaalkeed ma garatay, saaxiibkeed ma garatay danteed ma fahantay , hadba dabinka loo dhigo ku dhacdaay maxaa aqligi iyo taladii kaa qaaday, meeday nabadi dadnimadi dawladnimadii?


Xamarey hadmaad ka bixi fulinta dano shisheeye, goormaad garan doonta dantaada iyo daryeelka shacabkaaga rasaast iyo macaluushu dishootay baduhuna soo tufaayaan maydadkooda sharaftoodina garan in aad soo celisid caano daatayna dabadeed la qabaye.

Xamarey hadmaad ka xiisa dhici u hanqal taaga dano shisheeye oo aad hoos u eegi shacabka iyo hantidaada docdaada dayacan in aad dayr nabad iyo horumar aad dugsi uga dhigi hadmaad hogaamin doonta dawlad sharaf ku leh caalamka iyo rabiba.

Waxaan ku soo gunaanadi tixdan xamar loo hibeeyay.


Cabbanaanta kaa muuqatiyo, caajis la’idaada

*Casar iyo dharaar dhiilladaad, la cartanlanaysid

*Caaqibo ninkii lihiba wuu, ku cibro qaataaye

*Waxay kugu canbaaraynayaan, waa ca’ aan jirine

*Adigoo custiin iyo gargaar, ugu ciraabaaya


*Citiqaadka xumi waa waxay, kugu colaadsheene

*Hayeeshee cibaarada adduun, haw ciyoon dudine

*Rasuulkiiba qaar caasiyoo, caaradaa jiraye

*Xamarey kelyaha ciirso waa, caynkii oo kale’e


*Cudud kula dhaqaaqdiyo Allaa, ciidan kuu fidinine

*Anna caafimaad talo qabtaan, ku callimayaaye

*Culuumtayda maqal waa mid aad, ka cabbi doontaaye


*Xamarey carriga baaba’iyo, cawska gubanaaya

*Carruuraha barooranahayoo, adiga kuu ciiqle

*Jeer cirirku naafaha beddelo, caato haw noqone

*Ragga lagu camiiqtoobey baa, kuu cashiira ahe

*Qabuuraha cusayb ahi waa, curaddadeenniiye

*Xamarey waxay ciirsadaan, cuurka aan nahaye

*Xamarey inaad cosob arooreed la so kacdaa , kaa codsanayaaye

*Xamarey sabcaallo cusub baan, ku cirfin doonnaaye

*Xamarey tub ciirsila’ ah oo, caaddan baad mariye


*Xamarey cirbaha kabaha karo, calafi waa liide

*Xamarey cagaag baa jiree, suumanka u ceeji

*Xamarey curuuqdiyo lafaha, caabbi waa socode


Talo iyo taagero ka timid muwaadin Somalilander ah.

 



 


Qormadi: Abdifatah O. Abdi (
Abdi kling king)
kling_king@hotmail.com
Hargeisa Somaliland