Xanee ku hadh: Axmed cali (idaajaa) ayaa xaal doonaya, Maxa med Cali Samatar-na waa eedaysan yahay, Saado cali-na ereygeedii marag iyo markhaati bay u heshay.
Xamud Ducaale


 

Sedexdaa ilma cali ee aan ku xusay halku dhegey maqaalkan, waa caanbaxyaal Somaliyeed oo sedexdaba lagu soo barbaariyey oo lagu ababiyey “shantood is weheshaday wacnayd calan in ay wadaagaaney wacnaydaa” iyadoo taasi la barbar weydey anaa kaa abroon iyo abtirsiimo qabiil oo iyaga iyo qayrkood lagu qiimanayo qabiilka ay ka soo jeedaan oo la yaso hibadooda iyo qiimaha ay leeyihiin qof ahaan.

Xalay (habeen hore) waxaan ka daawaday waarbaahinta la iska arko ee Caalamiga ah ee af-somaliga ku hadasha, shir lagu qabtay magaalada Neyroobi ee dalka kiniya. Shirkani wuxuu ahaa mid ay ku kulmeen bulshada rayidka ee Somalidu oo lagu qaadaa dhigayey dhibaatada Somalida oo qiiro somaliyeed iyo mid diineed ka muuqatey.

Haddaba nin ka mid ah aqoon yahanka Somaliyeed oo aqoonta uu u leeyahay suugaanta somalida iyo dadaalka dheeraadka ah ee uu geliyey dabagalakeed iyo baadhitaankeeda aan ku tixgeliyo, ayaan la yaabay hadalkii ka soo yeedhay, kaas oo ah Axamed Cali Idaajaa, oo aan muddo dheer xiisayn jirey cilmi baadhisyada uu ku sameeyo suugaanta iyo af-somaliga, welina aan u hanweynaha, darjiidhada siyaasadeed ka sakow.

Idaajaa markuu minbarkii uu baxay waxaan moodey in uu soo bandhigi doono suugaan nabadeed dadka iyo dalkuba u ooman yihiin oo nadir noqotay, markaas ayaan dhegteydii ballaadhiyey oo u raariciyey oo aan dhukaygii ka saaray.

Waa yaabe abwaanku intii lana maqashiiyey amma xubintii hadalkiisa, suugaan nabadeed kumuu soo qaadin, laakiin waxaa ka soo yeedhay hawraar xilligeedii laga soo gudbey islamarkaana ka gar naqaysa wixii dhacay, naxlina aan ka fogeen, dhegtaydiina dhukaygii hore eek u jirey mid kale ku sii daray.

Wuxuu yidhi: “kuwii qaranka dumiyey weli xaal iyo cudur daar midna kama hayno. Waan in xaal la noo keeno”.

Hadalkaas waan la yaabay oo waxaan garan waayey cidduu xaalka u doonayo iyo ciddu u ka doonayo iyo cidda isaga u igmatey in muduciigii iyo garsoorihiiba noqday oo xukun rido, isaga oo dhinac u doodaaya dhinacana daadufeenaaya.

Su’aalo badan ayaa igu soo dhacay, waxaan is idhi toloo ma abwaanadii ay murmi jireen ayuu xaal ka doonayaa, Ma reer hebel ayuu xaal u doonayaa, haduu u doonayana waa heerkee, ma heer jilibaa, mar heer qabiilbaa, ma heer Somaliyeedbaa? Ma Alshabaab buu xaal ka doonayaa, Ma Maxaakiimta ayuu xaal ka doonayaa, Ma xusbul Islaam ayuu xaal ka doonaya? Ma gurigii madaxtooyada ciddii fadhida ayuu xaal ka doonayaa? Mise wixii mooraduug dhacay iyo inta isbedelo dhacday wuu ka baraad laayahay oo wuxuuu u gar naqayaa SNM, USC, SSDF iyo Nidaamkii Siyaad Barre oo uu maamul ahaan iyo qabiil ahaanba isbidayo?

Waxaan leeyahay Mudane Idaajaayow, haddii aad reer xaal u dooneyso waad qabtaa oo waxaad ka heli kartaa wixii iyo wax u eg, adiga oo aan meel kale aadin, Garbahaarey oo uu ku duugan yahay Madaxweynihii u danbeeyey ee jamhuuriyadii Somalia. Midhihii ka dhashay tala xummaantii qaybtaadii wad guratay oo maanta garbahaarey waxaa ku sugan Itoobiya, Alshabaab, Itixaad iyo xusbul Islaam, sida goboladii kalaba ay ugu haqab beeleen.

Haddii aad Xaal u dooneyso nidaamkii Siyaad Barre ee isdumiyeyna, waa la bixiyey xaalkii oo cidna kuma lihid oo ummadda Somaliyeed kuma baaqan. Bal day Somalilandan xaalka loo siiyey mukhlisiintii nidaamkii Siyaad Barre iyo Nabad sugistiisii oo hawlihii kacaanka halkii ka sii wada, waa maxay xaalka ka weyn ee aad ka sugeysaa. Siduu Jeclaa nidaamkii Siyaad Barre amma uu ku dhaqmi jirey ee uu ku taami jirey miyaan qaybi oo xukun, laga hirgelin gobolada oo dhan. Miyaan raguu soo gardaadiyey ee uu tababaray qabqablayaal dagaal iyo hogaamiyayaal dalka ka ahayn. Miyaan Gaashaanka lagu dhufan guutooyinkii soo dagaalamay oo aan tolka aad u tirinaysaa ku gadoodin, habkii ay u soo dagaalamayeen, miyaan laga doorbin kii kacaankii barakaysnaa oo aan laga dhigin xaal gola joog ah. Miyaan dadkii adooma looga dhigin Suldaano iyo Caaqilo cartamaya oo aanay ahayn nidaamkii Siyaad barre gaarka u lahaa ee uu ku caano maal kuna caanbaxay. Miyaanad arag gobolada oo dhan inta boqor doobineysa ee aan dabadood la hadal. Miyaanu ahayn maamulkaad xaalka u dooneyso, kan la ballaadhiyey ee u gogol xaadhe gardarada sokeeyaha oo diin loogu soo gabado.

Miyaanad arag tafiirtiisii in ay tiro beeshay.

Ina cumar qadhoonee adduun qaalo bixi waaye, adigaaba qalab doonaya quusey faransiis ayaa Cabdi Gahayr laga soo weriyey, isaga oo xaaskiisa u caqli celinaya. Axmedow adigaaba xaal doonaya, jabhadihii waa hore ayay quusteen oo sibiq dhaqaaqeen. Adigaaba reernimo luqanta taagaya oo reeraha aad u dhiganto la xisaabtamaya eh, ninkii bahda yaaraa ee amar la siiyo mooyee awood buuran lahayn, Jaalle Sareeye Guuto Maxamed Cali Samatar denbibaa lagu oogey oo keligii lagala dhex baxay Mukhlisiintii nidaamkii Siyaad Barre. Denbi kasta oo ay galeen kuwii reeraha waaweyn ka dhashay, sidaada oo kale, maanta hadduu ugu liito waa madax beeleed, waxaase ay u badan yihiin oo ku andacoodaan in ay yihiin madax qaran, ka aan ahaynina dalka iyo qurbaha ayuu iskaga dab qaadaa. Wax dhib ah ma qabaan.

Axmed Cali Idaajaayow saaxiib waxaad istustay kuwa aad ku xaalka aad mudan tahay, laakiin sidan aad u hadaashay haddii la raaco, Cali Samatar ayaa xaal weyn kugu leh oo aad soo adeegsatay. Hadalkaaguna wuxuu cadeeyey in aad shalay iyo maantaba ka awood badan tahay oo aad ka dhiiran tahay isagan bah yaraan aad ku baqomaaleysey.

Waxse aan kaaga tegey, hoobaladii Saado Cali ayaad u marag furtay oo iyada oo aan cidna gef ka gelin ayay sheegtay meeqaanka aad kala joogaantaan labadiinan ilma cali, waxay sheegeysey ayaad uga ka marag kacaday oo adiguna xaal gola jog ah ayaad dooneysaa, isaguna gorada ayuu laalaadinayaa oo denbiyad kacaanka ayaa isaga lagu oogayaa. Allaa i leh siday hoobaladu ka dhawaajisayarrintiinu waa kaaf iyo kal dheeri.

Somali haddaynu nahayna oo aynu tol nahay ha la isku tago oo Cali Samatar waxba yaan xaal la siine, oo talo wax laga siin, laakiin sidaad kuwii kalaba u cafiseen u cafiya oo sidii qayrkii laga yeelay iyo Idaajaa ha laga yeelo, Saado Cali-na waa muraayadii fanka laga daawanayey, Waa daadihiyayaashii isbedel doonkee hore iyo ka immikaba, ayaan runta lagu nicin hana u daymo la'aan in ay xaq u leedahay in ay ra'yigeeda dhiibato. Waar darmaantaa xaal ha la siiyo oo hana la isdaayo waa wada qabnaa daawasho iyo ceebe.



Ku nasta oo ku nagaada dhegaha ugu raaxeeya: “Waa xaal innaga weynow, xagga samada lagu qorayee—haa-haaaa- Xirsiguna innoo xidhan, xirsiguna innoo xidhan.”