“Xildhibaanku waxa uu Sadexdii Biloodba mar uu Warbixin Siiyaa Cadowga Somaliland”



Xildhibaan Xariir Siciid Bulaalle



“Guddoomiye Uma Aha Gudida Khayraadka Dabiiciga ah, magacayagana kuma Hadli karo”


Hargeysa (TNN)-Xildhibaan Xariir Siciid Bulaalle oo ka mid ah Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa ku eedeeyay Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi oo ay ka wada tirsan yihiin Guddi hoos aadka Khayraadka dabiiciga ah ee aqalkaasi inuu ka soo hor-jeedo tallaabo kasta oo horu mar ah oo xukuumadda iyo qaranka Somaliland qaadayo.


Xildhibaan Xariir Siciid Bulaalle, waxa uu Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi ku eedeeyay inuu caado ka dhigtay inuu sadexdii biloodba hal mar cadowga Somaliland warbixin ka siiyo heerka horumarka Somaliland marayo iyo mashaariicda waaweyn ee dalka laga fulinayo.

Xildhibaanku waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi uu xalay siiyay Tifaftiraha Guud ee Wargeyska DAWAN Cumar Maxamed Faarax, waxaanu si adag u naqdiyay Mudane ay ka wada tirsan yihiin Gudida khayraadka dabiiciga ah oo uu ku eedeeyay inuu isku magacaabay xil aanay Gudidu u dooran.

Md. Xariir Siciid oo daba socday war uu saxaafada ku baahiyay Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi waxa uu yidhi “Waxa Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi saxaafada uu ku baahiyay warbixin joogto ah oo aan qabo inuu sadexdii biloodba hal mar uu siiyo cadowga Somaliland. Xildhibaankani waxa uu ka soo horjeeda wax kasta iyo tallaabo walba oo horumar ah oo xukuumadda iyo dalku qaaday. Waxa uu imika cambaareeyay qorshaha xukuumaddu ay ku doonayso in lagu soo saaro khayraadka dalka oo uu ku tilmaamay mid lagu fuliyo suuq madow, taasina waa gef iyo meel ka dhac uu ka galay Guddigayaga Khayraadka Dabiiciga waxaanu isku magacaabay xilka Guddoomiyenimo oo aanay jirin meel gudidu ugu dooratay.”

“Waxaan Ha’yadaha baadhista iyo Golaha Wakiiladda u soo jeedinayaa inay baadhis iyo dabo-gal ku sameeyaan cida uu warbixinta siiyo Xildhibaankan oo caadaystay inuu ka hor yimaado horumarka dalka,”ayuu yidhi Mudane Xariir Siciid Bulaalle.


Isagoo xildhibaanku hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Guddoomiyahayagii Gudida khayraadka dabiiciga ahi Mahdi waxa uu ku jiray afartii Xildhibaan ee Golaha laga saaray, sidaasi darteed Gudidayadu fadhi may yeelan oo Guddoomiye cusub may dooran. Waxaanu jecel nahay in marka imika Goluhu fasaxa ka soo noqdo aanu doorano Guddoomiye cusub.”


“Waxaan ummadda reer Somaliland u cadaynaynaa inaanu Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi ahayn Guddoomiyaha Gudida khayraadka dabiiciga ah ee Golaha Wakiiladda, kumana hadli karo afka iyo magaca Gudida,”ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Xariir.Bulaalle.

 



Source: Wargeyska Dawan