Xasuuqii Galbeedka ,xaqdaro aan la qaadan karin ( Abiib Timacad, oo
Xabsiga loo taxaabay) CID , oo hawlgal balaadhan wada
Xasuuqa maatada iyo dadka aan wax danbiya gaysan waxa ka masuula
dawlada somaliland waana mid waajiba inay soo xidh-xidho dadkii ku
lug lahaa ma soconayso habeenkasta sadex nin ayaa sida adhiga qoorta
loo dheeraynayaa ayadoon tii horeba laga bogsan maaha in hadana dad
kale dhegta dhiiga loo daro malaa ragan wax laynayaa meel kale ayay
libin ka haystaan ee tani maaha mid maanta lagaa yeelayo.
Dadka kalmada xaqa ah waanu u sheegnaa waanu fahansiinaa midhkay ku
qaldan yihiin
haduu jiro nin maanta xaqa ka xishoonayaa asagay jirtaa
dilkan maanta loo gaystya maatada aan waxba galabsan hadii wax laga
qaban waayo
waxa dhacaysa in qofkastaaba caadaysto habeen mirka dadka la
khaarajiyo[ caawana xagaynu mirnaa]
Waxa amaan gaara leh maamulka dawlada oo ilaa imika ashkhaas badan
oo tuhunku soo galay
xadhiga u taxaabtay la taliyha madaxwaynaha abiib timacade ayaa
xabsiga lagu hubsaday
ka dib marki kooxda CID dabagal ku sameeyeen tuhun badan oo soo
galay
waxa kaloo ayaduna meesha taala in qof kastoo ku lug leh in la qabto
sharcigana la mariyo
Hadaan hadalka si kale u dhigo waxa dhawaan dalka sweden laga dhigay
mudaharaad
ay mawaadiniinta dalkaasu ku taageerayeen maamulka soomaliland iyo
in la aqoonsado
waxay dadkaasi sheegeen in s/land ay in badan nabad haysatay
dimuquraadiyadna samaysteen
dalkana doorasho xor ah oo xalaali ka dhacdo sida wadamada reer
galbeedkaba uga dhacdo
waxay muwaadiniinta reer sweden caalamka ka codsadeen in la
aqoonsado s/land waxna lala
qabto
akhristoow waxa arinkan reer sweden ka mudaharaadeen sii xoojiyay
markii dawlada masar
ay jawaab degdega ka bixisay ayadoo leh anaguna waanu taageerayna
maamulka s/land
laga bilaabo maanta waxaanu ka caawin doona wax kasta oo aanu
samaynkarno.
Hadaba waayaabe mr abiib timacde iyo kooxda tuhunku galay ma qaar u
adeegaya dano kalaa miyaan halkaasi ahayn mid la qoonsan karo.miyaan
xaalku ahayn waxa jira dad la adeegsanayo oo ah muwaadiniin u
dhashay s/land oo raba in dalka qas laga abuuro caalamkuna idhaha ka
leexiyo waliba sawir qaldan laga siiyo waxaad moodaa in s/land lagu
wado dagaal qarsoodiya oo si cilmiyaysan loo abaabulo
ugu danbaynsomaliland waan hubaa in ay leedahay aqoon yahan badan
iyo rag ila fahmi kara halkaan ka hadlaayosidaa daraadeed waxa
haboon in loo guntado dalka lagana hortago hagardaamooyinka iyo
shirqoolka lagu hayo shacabka somaliland iyo dawladnimadiisa iyo
dimuquraadiyadiisa iyo aqoonsigiisa markalana waxaan maamulka
dawlada ka codsanayaa in shacabka somaliland u sinaado sharciga
waxaan idinku taageerayaa in aad xidhaan dhamaan gacan ku
dhiiglayaasha iyo qaswadayaasha dadka masaakiinta habeenkii miraaya.
wabilaahi tawfiiq
Siciid
Cabdi Dheen
dheen@live.co.uk
London |
|