Xeer-ilaaliyaha Guud oo Ishortaagay Damaanad Max kamaddu Oggolaatay sii Daynta Tifaftiraha Wargeyska YOOL

 

Maxamed Cabdi Guuleed (Curad)

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mr. Xuseen Axmed Qaalib, ayaa horistaagay Maxkamadda Gobolka Hargeysa ku oggolaaday in dammaanad lagu sii daayo tifaftiraha wargeyska madaxabannaan ee YOOL Mr. Maxamed Cabdi Guuleed (Curad) oo maalintii afraad ku xidhan xarunta dambi-baadhista ciidanka booliska (CID) ee magaalada Hargeysa.

Tifaftiraha oo shalay la horgeeyey Maxkamadda Gobolka Hargeysa, si loogu soo oogo dambiga loo haysto, balse ayaanay jirin wax dacwad ah oo la dhegaysatay, ayaa loogu oggolaaday in dammaanad lagu sii daayo inta baadhista kiisku socoto, haseyeeshee waxa arrintaas ganafka ku dhuftay Xeer-ilaaliyaha Guud oo racfaan ka qaaday oggolaanshaha maxkamadda.

Dhinaca kale, Ururka Suxufiyiinta aan xuduudda lahayn, ayaa warsaxaafadeed ay shalay ka soo saareen xaruntooda magaalada Paris ee dalka Faransiiska waxay si kulul ugu xadhigga Tifaftiraha wargeyska YOOL Mr. Curad, kaas oo ay ku tilmaameen mid aan sharciga waafaqsanayn, maadaama aanay wax maxkamad ahi xalaalayn, sidaa awgeedna waxa ay xukuumadda Somaliland ugu baaqeen in si degdeg ah xorriyaddiisa loogu soo celiyo.

“Xadhiggani waa mid aan sharci ahayn, maadaama sharciga saxaafadda Somaliland dhigayo in aan la xidhi karin weriye aan maxkamad xadhiggiisa xalaalayn,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ururka suxufiyiinta aan xuduudda lahayn, waxaannu intaa ku daray, “Xaaladdan marka la eego, isla markaana aanay jirin wax maxkamad ah loo horgeeyey suxufiga, waxa lagama maarmaan ah in si degdeg ah xorriyadiisa loogu soo celiyo.”

Sidoo kale, Dalladda Midowga Suxufiyiinta Somaliland (USJ), ayaa xukuumadda Madaxweyne Rayaale ka codsaday inay xorriyaddiisa u soo celiso tifaftire Maxamed Cabdi Guuleed (Curad).

Warsaxaafadeed uu shalay soo saaray Guddoomiyaha Dalladda Suxufiyiinta Somaliland Mr. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), waxa uu isaga oo dhammaystiran u qornaa sidan:

“Midawga Saxaafadda madaxabanaan ee Somaliland (USJ) waxa uu ugu baaqayaa xukuumadda in xorriyaddiisa loo soo celiyo tifaftaraha wargeyska YOOL Mr. Maxamed Cabdi Guuleed (Curad) oo maalintii afraad ku xidhan xarunta CID-da ee Hargeysa, kaas oo aan la sheegin sababta kelliftay xadhiggiisa.

Mar kale waxa uu Midowga Saxaafadda Madaxabannaan ee Somaliland ugu baaqayaa xukuumadda in suxufiiyinta iyo saxaafadda lagu ixtiraamo mixnaddooda, haddii ay dambi galeen loo maro sida sharciga ah.”

Geesta kale, waxa xadhigga tifaftiraha cambaareeyey dhinacyo kala duwan oo caalami ah.





Jamhuuriya Online