Xidhiidhka Cusub Ee J. Somaliland Iyo J. Djibouti!?

 

   


Dad badani waxay iswaydiin karaan qadiyadda ictiraaf-raadinka JSL iyo maqaamka ay Jabuuti ka taagan tahay oo ah su'aasha wayn ee saamaaynta ku leh xidhiidhkooda, haseyeeshee waxay illa tahay inay qalad ku tahay JSL inay waydiiso Jabuuti su’aashaa ictiraafka sababahan awgeed:

Somaliland waxa la jaar ah ka sokow Ethiopia iyo Somaliyaday ka soo goday, Jabuuti, dalka yar ee ku labeeya Somaliland dhinaca deganaanshaha iyo xasiloonida Gobolka Geeska Afriika oo ku sifoobay qalalaasaha iyo burburka dhamaan hadheeyay dalalka iyaga ah.

Marka laga reebo xidhiidhka sokeeyay ee ay wadaagaan labada dal iyo labada shacab, Jabuuti iyo Soamliland waxay ka dhex muuqdaan wadamada Geeska oo ay ragaadiyeen holaca iyo colaadaha marba marka ka danbaysa ku sii fidaya . Waxay labaduba kaga duwan yihiin inta kale nabada ay raasamaalka ka dhigteen.

Muxuu hadaba wakhtigan xaadirka ah qudbadii qaalia ahayd ee hanbalyada Madaxwaynaha Jabuuti u diray Somaliland iyo safarka wafdigii ka hor uu Madaxwayne Rayaale ku tegay dalkaas kabadali karaa amma ku soo birinayaan xidhiidhka yaalaa mar-marka badan mad-madowgu hadheeyay? Haddaynu si kale u dhigno, labada maamul ma ku talaabsan doonaan iskaaski dhab ah oo ay ka yeeshaan xaalada isba-badalka badan ee hadeer ka aloosan Geeska Afriika?

Iyaga oo ah laba dal oo Soomaali ah kana fayoow qalalaasaha ku habsaday Soomaalida kale iyo ta Geeska intiisa kale, ma dhici karta inay ku bahoobaan wax-wada-qabsi amma aragti midaysan oo ku waajahaan xaalada Geeska ee deganaanshahoodu lamaanaysiiyay?

Waxay illa tahay inay maanta furan yihiin wadiiqooyin amma aan idhaahdo iftiino badan oo dhamaantood u hayaamaya abaqaal-xidhiidh cusub oo dhex mara Somaliland iyo Jabuuti.


1. Iskaashi Dhinaca Nabadgalyadda


Kadib burburkii Somaliya, isbeddallada khariiradihii Geeska (Eritrea iyo Ethiopia) iyo degenaansho la’aanta gebi ahaan saameeyay dalalaka Bariga Afrika , Jabuuti iyo Somaliland waxay noqdeen labada dal ee keliya ee ka fayow qalalaasaha isaga ah. Waxa kale oo intaa u dheer iyagoo noqday qaybaha ka badbaaday, Soomaali ahaan , wixii laysku odhan jiray shanta soomaaliyeed marka la bar-bar dhigo waxa hadeer ka socda Kenya , Ethiopia iyo Somaaliyadii Talyaanigu gumaysan jiray.

Waxay Soomaalida- dalalka sadeexda qaybood ee danbe ka mid yihiin kuwo ay aafeeyeen qalaalaasaha ka soo burqanaya Somalia oo aad mooddo inaanay marnaba ka gaashaaman karayn:

- Waa dhinaca Kenya eh, ka sokow kumayaalka qaxootiga ee kaga imanaya Somalia , waxay hasmadu (Somali Crise) dalkaa ku yeelatay « ta’tiir » raadkeedu ka sii muuqdo qalalaasihii dhowaan dalkaas ka dhacay ( waxa la xasuusna yahay sidda cadaadisku u haysto dadka Islaamka ah oo badanaa u codeeyaya Xisbiga Mucaaridka ah)

- Xagga Ethiopia, faragalinta balaadhan (milatari iyo siyaasadeed) ee ay ku talaabsatay tan iyo dhamaadkii 2006 umma suura gelin inay ku naalooto xasilooni dalkeeda gudihiisa ah : waxa laba amma sadex jibaarmay cadaadiska iyo cabudhinbta dadka Soomaaliyeed ee Kilinka islamarkaana quwadaha iskacaabineed ee gudaha Ethiopia;

- Iyada Somaaliya waxaynu ka warqabnaa waxa ku habsaday: holoca, naarta, barakaca malaayiin dad ah, silica iyo darcumada ka aloosan.


Marka xaal cayn kaas yahay, Somaliland iyo dalka egu yar Geeska, waa Jabuuti eh waxay ka maquurteen aafooyinka ka holcaya deegaanadii dadka ku abtirsadaa af-soomaali kaga noolaayeen Geeska. Waa dhab, inay labada dal si kale duwan oo aan is-raacsanayn uga jawaabeen qalalaasaha nocan ah. Waa dhab, inay labada maamul iyagoo ka duulaya danahooda mar-marka qaar kood kala gedisan inay muujiyeen aragtio kala fog dhinaca arrimaha soomaaliyeed, siiba sida loo agaasimayo iyo guud ahaan dhinaca ay ka qabaan xasiloonida Geeska. Haseeyeeshee, biyo meel godan ayay isugu-yimaadaan: xasiloonida iyo nabada ay labaduba kasbadeen waxay labada dal u rarayaan inay xoojiyaan NABADA, is-kaashi wax ku oolana ka yeeshaan kobcinteeda, waayo iyaga ayaa ku keliyoobay maqaamkaa isaga ah marka la fiiriyo waxa ka alloosan Mandaqada.

Iyadoo saas arin yahay waxa ku soo kordhay Barnaamijka Argagixiso-la-dagaalanka, ururo-xag-jireedka…iwm oo maraya wadiiqo aad iyo aad u qalafsan oo loo baahan yahay in si-taxadir leh loo maareeyo.

Marka laga yimaado xurgufaha, is-afgarad la’aanta …iwm oo inta badan hadheeyay cilaaqaadkooda, labada dal waxa u furan fursad dahabi ah oo ay u qaadaan dhinaca hirgalinta nabada Geeska … waayo iyaga oo keli ah ayaa curin kara barnaamij kan oo kale. Cid kale oo xilkaasi saaran yahay kama muuqdo Geeska Afriika!

Muxuu ku Salaysnaan kara Iskaashiga Somaliland Iyo Jabuuti?

Kadib socdaalkii Madaxwayn Rayaale ku tagay Jabuuti iyo hanbalyaadii Ciidul fitriga ee Madaxwayne Geele u ku hanbalyeeyay Somaliland waxa cad maqaamka labada dal ku gooniyeeyay keli ahaan nabada iyo xasiloonida ay kaga duwan yihiin Mandaqada Geeska iyo sidda haday u guntadaan ay kaalin ugu yeelan karaan curinta nabada Geeska siiba ta Somaliya oo ah tan maanta loo caal-laayahay .



2. Xal-u-helida Mashaqada Soomaaliya

Cidda qudha ee xal u heli karta mushkiladda Somaliya waxay ila tahay inay yihiin Soomaalida fayow ee ka bad-qabta hasmada (Somali Crise) iyada ah. Waxay kaga duwan yihiin qaybaha kale ee Soomalidu degantahay iyaga oo ah dalal ay hoogaanka sare leeyihiin soomalidu halka labada qaybood ee kale (waa Kenya iyo Ethiopia) ay soomaalidu ka yihiin aqaliyad oo aan yaalaa raad wayn ku lahayn siyaasadda dalalkooda .Sidaa darteed, mashaqada iyo qalalaasaha ka aloosan Somalia waxay noqotay mid si gaar ah u dhibaysa Jabuuti iyo Somaliland oo ugu damqasho badan bulshada ku nool Geeska.


Hadaba iyadoo xaal saas yahay, siday labada dal u waajaheen xal-u-helideeda? Siday u agaasimeen mashaqada iyada ah? Ma ka yeesheen aragti midaysan amma maku kale duwanaayeen?


* Dhinaca Jabuuti

Tan iyo buurbuurki regiim kii Maxamed Siya Barre, 1991, Jabuuti waxay ahayd dal ka mid ah dalalka faraha badan ee isku taxalujiyay inay dhoor goor waxa ka qabtaan arrinta Soomaaliyeed. Waxay muujiyeen dareen walaatinimo iyo u-damqasoo dhibaatada haysata dadka walaalahood ah Dadka reer Jabuuti marnaba kama ay baaqan kaalintooda kaga aadan wax-ka-qabashada dhiilada iyo dhibaatada ku habsatay walaalahood. Inkasta oo wax midha-dhal aan lagu hayn talaabooyinka isdaba jogga Jabuuti ku talaabsatay ee arimaha Soomaaliyeed, hadana waxa hubaal ah inuu dalkan yari culayska badan ee u iska saaray arinta iyada ahi ka markhaati tahay kaalinta ay isu-dhigtay inay ku leedahay arrimha soomaaliyeed iyo xil gudashadeeda. Waxay reer Jabuuti qabaan inay dawladoodu uga fara dhuubantahay arinta iyada ah dalaka kale ee Geeska, haseyeeshay waxay ka gudbi Kari waayeen laba caqabadood:

- Waa middeh, habka ay u agaasimaan mushkilada Soomaaliyeed oo ku salaysan aragtida danaha Jabuuti oo yaalaa u hogaamisa waddo ka fog sifooyinka taariikheed ee Somalia _ oo laba ahaa_ kuna hana qaaday amma ay ku dhisnayd;

- Waa ta labaade, waxa Jabuuti hafiyay faragalinta dalalka shisheeyay ku hayaan Somalia kana awooda badan dalka isaga ah.

Isku soo wadaduub, waxa maanta la marayaa meel ay Jabuuti ka badbaadi Karilaadahay kaalinta ay ku leedahay wax-ka-qabashada mushkilada Somalia. Kalana kulmayso cadaawad farabadan oo ta u danbaysay tahay weerarka qaawan ee ay hadda ku soo qaaday Eritrea. Waxay Jabuuti mar qudhaa u baahatay hiil iyo hoo oo ah qaar ay ka rabto Soomaalida Fayow ama xasiloon sidda Somaliland oo ah kuwa ugu dhaw marka dhinac walba laga eego. Iyaba waa arin ka dhalatay is-badalada xawliga ku socda ee Geeska.


* Dhanka Somaliland

Tan iyo markay ku dhawaaqday madaxbanaanideeda, Somaliland iyadoo xasiloon oo nabad ah ayay goor walba hadana la tacaalaysay siday uga bad-baadi lahayd duufaanada kaga soo butaacaya Somaliyadii ay ragaadiyeen dagaalada sokeeyay. Waxa intaa u dheerayd Somaliland oo kolaba mujtamaca Caalamku aanu ka abaal-marin dedaalkeeda wax ku oolka ah oo isha laga laliyay. Waxa qudha ee Somaliland ku tuntuusatay waxay noqotay mid kali ah: nabad ay ku noolaato dhexdeeda iyo dalalka la jaarka ah oo ay xoojiso.

Iyadoo ka gaashaamatay dhamaan mawjadaha kaga soo butaacaya Somaalia iyo kacdoonada ka socda Ethiopiya, nabadda ay laasintay waxay Somaliland u hoogaamin kartaa inay curiso barnaamij siyaasadeed oo aasaas u ah sidii mandaqada nabad loogu soo dabaali-lahaa.

Xil-gudashada kaalinta noocaasi waxay faraysaa Somaliland inay is-kaashi kala yeelato Jabuuti oo iyana door ku leh arrinta. Waxa kaloo u dheer labada dal lada gaalanka argagaxisada oo ah siyaasad socota oo mid kaas-taaba iskii- ugu- talaabsaday seh aanu jirin taxaalufkii looga baahnaa.

Dad badani waxay iswaydiin karaan qadiyada ictiraaf-raadinka Somaliland iyo maqaamka ay Jabuuti ka taagan tahay oo ah suaasha wayn ee saamaaynta ku leh xidhiidhkooda, haseyeeshee waxay illa tahay inay qalad ku tahay Somaliland inay waydiiso Jabuuti su’aashaa sababaha awgeed:

- Waa marka hore, waxba uguma filna aqoonsiga Somaliland ee Jabuuti maadaama uu yahay dal yar oo aan marnaba la xigan karin. Ictiraafku waxa curiya dawladaha waa wayn oo arrintoodu noqoto mid la xigto oo ah “tusbax furmay.”

- Waa marka labade, Jabuuti oo ah dal dhinac ka soomali ah, isuma arkaan in loo arko “cid kala goynaya dalkii la odhan jiray Soomaaliya” waa arin iyana meesha ku jirta marka loo eego taariikhda fog ee soomaaliyeed. Qarnaqsigu waa arrin inoo danbaya!

Hadaba marka taa laga gudbo, Somaliland waxa la gudboon inay ula dhaqanto Jabuuti sidda ay tahay oo ay qiimayso Maqaamka ay kaga jirto Geeska. Waxay illa tahay inaanay Somaliland il-duufin oo aanay cid-kasta waydiinin ictiraaf. Ha ogaato, inay Ictiraaf la’aanteed dalal badan la macaamili karto sidda Jabuuti oo ay dano gaarihii ka dhexeeyaan. Maqaam wax-ku-ool ah ku leedahay Geeska oo tixgalinteeda leh!


La soco xadadka dambe, iskaashiga ka dhaxayn kara Somaliland iyo Jabuuti iyo meelaha loo baahan yahay inuu xidhiidhku ka xidhmo!



 

 


Waxa qoray Dr Yuusuf Kariye,
Cilmi-baadhe deggan waddanka France