Xijaabka hubka raga ee galmada culimadu ma iibkiisa diidan tahay mise in aaqiibo lagu bixiyo?

 

 

Weriye Agoon oo fadhigiisu yahay laanta curdinka ayaa todobaadkan wuxuu waraysi la yeeshay Dabadhoonka meesiga ka hor taga cudurada dilaaga ah ee galmada la isku qabadsiiyo, faya dha wrka galmada meher ka horeysiiska, rimay diidka, dhalmo diidka, ka gaashaamashada wacallada, oo soo bandhigay waxqabad sannadeedkiisii tan iyo markii uu maamulka la wareegey.

Agoon: Warbixin sannadeedkii shaariciyada ayaad ku soo bandhigtay. Hawgal cinjir qaybanahay ayaa samaysay. Waxaad ku baaqaysey intaad hilaabta iska rogtey kaasaa bawlad lagu jarayaa maxaa ku kelifey? Maxayse culimadu arrinkan uga diday?

Agoon: Anigu intaan shaarica istaagey ma lahayn shanganboo shanganboo, Marana igama bayli hin oo maan lahayn kaasaa bawlad lagu jarayaa. Aniga xilbaa u gubaaya oo halista cudurka ayaa n uga digaayey barbaarta. Waxaan ku dhawaaqayey waa balaayo xijaab, waa bilaasha. Iib ma  ah ee waa aaqiibo.

Teeda kale adeer deeq bixiyayaashu xisaabcelin iyo caddayn bay doonayaan in aan waajibkee ay na saaree siduu ahaa u gudaney iyo inkale.

Sua’asha kale jaawaabtiiyoo kooban Culimadu didmada ummay dhammayn, waxan qaylinayey waa beelaha qaarkood.


Agoon: Oo waa kuwee?

Dabadhoon: La sheeg sheegi maayo, laakiin waxay u badan yihiin beelihii UDUB-tii xummayd la saf naa.

Agoon: Anigu miisaankaa beelaha garan maayo, Laakiin culimadu waxay ku doodeysaa in galma da loo wayseesto, bisinka la qabsado, ubad xalaal ah oo kheyr qaba lagu ducaysto oo labada qof ba xurmeeyaan galmadu waa nimcee, oo si sharaf leh oo diinta waafaqsan u wada baashaalaan. Ma ceebaa? Waxay farayaan barbaarta, sidii Rasuulkii csws ku dardaarmay oo ah in ay soomaan haddii duruuftu u saamixi weydo guurka xorta ah ee xalaasha ah, sida doorashooyinka Somalilan d . Waxay leeyihiin Ishaada ka adkow, ibitaada ka adkow oo adinkaaga ka adkow. Markaa xijaab aad xidhato u baahan meysid. Dawladahaa aan Islaamka ahayn muxuu ka taray xijaabku? Waad baahan tahay looma bahalo cunnee miyaanu arrinkaa culimadu waafi ahayn?



Dabadhoon:
Waa waafi iyo badh laakiin waxay ka war la’ yihiin in uu ka Itoobiya innoo soo muusa yo oo jaadka soo raacayo oo qasabada gaasda ee la dhigayo soo raaci doono.Baylaha badan ay aa jirta. Hawshayadu waa ka hortag iyo xakamayn. Waxaanu leenahay sidaa diintu tidhi ha lagu dhaqmo, laakiin haddaad sinbiriiraxooto, si allaba badane, ha moogaanin xijaabka lacag la’aanta. Iidhehna ummaanu samayn galmada meher ka horeysiiska ah.



Agoon: Saaka waxaan soo maray dhawr farmarsi oo culumo laga danbeeyaa mulkiilayaashooda yihiin. Waxay ugu wargeliyeen in xijaabka hubka raga ee galmadu suuqiisu xaami yahay, gaara ahaan xilliyada qurba joogtu soo xaggaa baxdo. Laakiin mar walba Alxamdulilaahi wuu naga baxa a. Mar aan weydiiyey ayaa u badan dadka iibsada ma barbaarta, ma wadaada, ma waran laha wuxuu iigu jawaabey haba kala reebin dadkaan ka iibiyaa waa wada muslin anna muslin baan ah, weligeena xabashi iyo gaaladan wadanka sulaaqaysa xabbad kama iibin. Mar aan weydiiyey xaga ad ka soo waaridaan. Wuxuu ii sheegay in debadaha laga keeno, laakiin inta badan ay Hay’adiin ana qiimo aan buuran ay ka siiso, maxaa ka run ah arrintaa?



Dabadhoon: Nacalaa aabahaa ku yaal, ma waxaasuu yidhi. Iisheeg waa kuma?



Agoon: Shashmiir xaaji, is qabooji. Lama magac dhebayo, oo haddii aan sidaa yeelo cid danbe w ar igu aaminimeyso.



Dabadhoon: Iska dhaaf waan garanayaa. Waa kuwaa xuxun ee UDUB-tii Xummayd weli la safan.



Agoon: Culimadu ma iib diid baa mise waa aqiib diid?



Dabadhoon:
Waa aaqiiba diid ee iib diid ma ah. Wadankoo dhan waa lagu iibiyaa maalin qudha ka may hadal. Dadkii masaakiinta ahaa ee aan iibsan kareen markaanu aaqiibo ku siinay ayay luqanta la soo kaceen.



Agoon: Oo miyaanad ka baqayn in afku ku qaloocdo haddaad sidaa culimada uga hadasho?



Dabadhoon: Culimadan casriga ahi il iyo cawritoona ma laha, ducadooda iyo habaarkooda midna ma kaco, waayo adduunkay ka jecel yihiin aakhirada. Waa kuwii hore kuwii shir iyo kheyrba lahaa ee adduunka ka saahidi jirey.



Agoon: Dadka qaarbaa waxay ku talinayaan in culimada lagu wareejiyo balayo xijaabka . Iyagaa ku fiican oo baarbaarta badankeedii gacanta ku haya. Weliba waxay leeyihiin cashuur dhaafna ha loo sameeyo. Taasi ma ceeb baa. Maxaad ka qabtaa?



Dabadhoon: Wallaahi talo xun ma ah. Culimadu aniga iyo Maxamed Xaashi Cilmi lid bay nagu yihi in. Miyaad aragtay baaq ay ku taageerayaan dugsiyada dawladda ee lacag la’aanta laga dhigay. Waxay moodayaan in uu duulaan ku yahay dugsiyada gaarka loo leeyahay ee iyagu mulkiilayaa sha ka yihiin ee ay maamulaan. Waxaase jirta dee xawaaladlayaasha ayaa iyaguna odhan doona qurbaha ayaanu ka soo xawilanaa oo biilka ayaanu soo raacinaynaa haddaanay odhanba warsha d soo saarta ayaanu Bebera ka dhisaynaa. Sikastaba ha ahaatee, haddii la isku raaco, qandraas ayaa lagu bixin doona oo waa loo tartami ciddii doontaa ha ku guuleysatee?



Agoon: Fariid. Waa mahadsan tahay. Xilkaad hayso ilaahay ha kugu guuleeyo hadduu ummadda kheyr u leeyahay. Laakiin dadweyne badani waxay jecel yihiin in Sucuudiga arrinta lagaga daydo inta deeq bixiyaasha South Africa iyo Uganda wax ka tari waayey loo hogaansami lahaa.

 

 

 

 

Hamud Duale