Xildhibaan Cabdiqaadir Ismaaciil Jirde Oo Ku Baaqay In Si Ku-Meel-gaadh Ah Wakhti Shuruudo Lagu Xidhay Loogu Kordhiyo Xukuumadda Madaxwey ne Rayaale

 

Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirdde oo ka tirsan  Mudanaya asha Golaha Wakiillada Xisbil-xaakimka UDUB ugu jira, lagana soo doortay Gobolka Hargeysa, ayaa maanta si adag uga hadlay muddada Xukuumadda  Madaxw eyne Rayaale ee dhamaanaysa iyo heshiis la’aanta ka dhex jirta Xisbiyada iyo Xukuumadaas, iyada oon wax doorasho ah weli la qaban, sidaa  daraad eedna ay Mucaaridku ku doodayaan in dawlad ku-meel-gaadh ah la soo dhhiso, halka dawladduna kaga doodayso in ay xilka ku wareejin karaan Madaxweyne iyo Ku-xigeenka la soo doortay. Hase ahaatee, Xildhibaanku waxa uu soo jeediyay in dawladda wakhtigan talada haysa muddo ku-meel-gaadh ah loo kordhiyo, balse lagu xidho Shuruudo adag, sidoo kalena la xaddido awoodda dawladnimo ee ay leedahay.

Md. Cabdiqaadir Jirdde, oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Huteel  Hadhwan aag ee Magaaladda Hargeysa, waxa uu sheegay in ay waajib tahay in Xukuumadda Madaxweyne Rayaale ee muddadu ka dhamaanayso lagu qasbo inay talaabo kasta kala tashato Hogaamiyayaasha Xisbiyada  Mucaa ridka ah ee KULMIYE iyo UCID oo uu ku tilmaamay Madxweynayaal kayd ah.

“Markay arrimahan oo kale yimaadaan laba hab ayaa furan, labadaa siistam waxa weeye, waxa loo kala raacaa dawladdaha Baarlamaaniga ah iyo kuwa teenan oo kale ah. Dawladda Baarlamaantariga ahi waa ta had iyo jeer dhacda, ama kalsoonidii hawaydo oo hala yidhaahdo dawladaasi way dhacday ama doorasho halagaga helo iyada waa la yaqaanaa oo waa qaynuun yaala oo dawlad ku-meel-gaadh aha ayay noqotaa. Dawladdaas ku-meel-gaadha ahina qawaaniin iyo xuduud bay leedahay, waxa weeye wax badan baa ka reeban oo muhiimadda kale ee muddadaas loogu kordhiyay waxa weeye inay doorasho dalka gaadhsiiso, wax kale oo ay qabanaysaa oo aan hawshaa cadiga ah ahayni ma jirto, siyaasadda wax ka bedali mayso. Wax cusubi haddii ay yimaadaan oo ay duruuf cusub oo ah in deg-deg wax looga qabto, qasab waxa ku ah ileen dawlad soo socota ma garanayso’e waxa jira Axsaab kale oo la tartamaysa, illeen Xisbi waliba dawlad buu soo wataa hadduu helo’e, waa inay la tashato oo ay tidhaahdo arrintaa maxaynu ka yeelaa, taa waxba ku fogaan maayo oo waa dawladdii habka Baarlamaaniga ah ku dhisnayd.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirdde.

Xildhibaan Cabdiqaadir oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi, “Innagu habka Madaxweyne la soo doortay ayaynu leenahay, laba arrimood ayuun baa la yeeli karaa, horta wax meel innooga yaalaana ma jiro, qodobkan 83-aad arrintaa ma khuseeyo, 83-aad qaabkan uu u qoran yahay ciwaankiisa ayaad ka garanaysaa waa habka doorashada ayaa la yidhaahdaa taytal, dhawr farqadood buu leeyahay, farqadahaasi waxay dhamaantood tilmaamayaan oo ay ka wadahadlayaan xaaladaha caadiga ah, waxa kaliya ee goonida ahi waa marka nabadgalyo-darro iyo Masiibo dabiici ahi dhacdo.”

“Markaa farqadan la adeegsanayo ee 83-aad ee la adeegsanayo waa tii saddexaad, Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka hore ayaa sii wadi doona hawlaha ay u xilsaaran yihiin illaa madaxweyne iyo ku-xigeen cusubi kala wareegayaan bil gudaheed, taasi waa xaaladaha caadiga ah. Markay xaalad qayrulcaadi ahi timaaddo talaa loo baahan yahay waa wax cusub oo loo baahan yahay in talo laysaga yimaado, taladaasi laba ayuun bay noqon kartaa, meelo badana way ka dhacday, in ummadda, Axsaabta iyo Hay’adaha qaranka ee arrintaa u xilsaarani ku heshiiyaan in Xukuumaddan shaqada laga fadhiisiyo, oo dad cusub oo kooban oon siyaasadda shuqul ku lahayn oo la ogyahay inaanu Xisbina ku jirin, oo la ogyahay inaanu isa soo sharixi doonin ayaa loo dhiibaa, Bangaalaleesh ayay ka dhacday.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaanku.

Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Marxaladahaasi waxay yimaadaan markay is aammin-darro xoog lihi timaado meesha ee kalsoonida lunto ayay timaadaa, laakiinse shardi waxa ah in laysla ogolyahay, ka jooga ee xilku ka dhamaaday iyo kuwa soo socda. Maanta waxaad ogtihiin Madaxweynana wuu jooogaa, laba Madaxweyne oo kayd ahina way innoo joogaan, oo Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe, maanta way ka soo gudbeen marxaladdii ay Guddoomiyayaasha Xisbiyada ahaayeen, waxa weeye Musharixiin rasmi ah karaamo gaar ah ayaa fuushay, waana Madaxweynayaal kayd ah. Markaa Madaxweynaha jooga ee dalda haya iyo Madaxweynayaasha soo socdaa inay isla qaataan weeye, haddii lagu tashado in cid dhex-dhexaad ah loo dhiibo, Shuruudda ciddaasina waa inay noqotaa cid dhex-dhexaad ah oo aan Axsaabta midna ku jirin, oo aan siyaasadda hunguri dambe ka haynin, oo muddadaas doorashada uun gaadhsiinayaan.”

Md. Cabdiqaadir Jirdde mar uu ka hadlayay qodobka 83-aad ee Xukuumaddu had iyo jeer ku dodo in uu dhigayo in ay Xilka ku wareejin karaan Madaxweyne iyo ku-xigeen la soo doortay, waxa uu yidhi, “Qodobka 83-aad ee kordhinta ah wax kale marka la waayo, in dib loogu noqdo, laakiinse waa laangadhe’e la kabo, waayo sidan uu yahay ku shaqayn maayo. Macnuhu maaha in Xukuumadda wakhtigii xilku ka dhamaaday, kordhintu yay u muuqanin abaal-gud loogu abaal-gudayo Xukuumadda maanta jirta, kordhin Shuruudi daba socoto weeye, haddii loo kordhiyo, taasi Guurtida ayay u taalaa waxay ka yeelayso, laakiin Guurtida waxaan xasuusinayaa, inaanay kordhintaasi noqon abaal-gud loogu abaalgudayo maamulkan maanta ee eedda wax ku leh doorashadaa inoo qabsoomi wayday, inkastoo lala wadaago.”

“Haddii saddexdaa aan sheegay lagu heshiin waayo oo Madaxweynaha jooga iyo labada Madaxweyne ee kaydka ahi ay ku heshiin waayaan, waxa yaalaa waa qodobka 83-aad, laakiin qodobkaasi waa mid aad u diciif ah. Haddii arrimahaas laysku mari waayana waxa uu odhanayaa in Guurtidu Shuruudo ku dartaa qodobka 83-aad, xilka kaliya ee loo dhiibi karo haddii loo kordhiyo Xukuumadda maanta jirto waa socodsiinta doorashada, wax ka baxsan oo aan ahayn adeegidda ummadda oo ay gali kartaana ma jiraan. Wixii waxaa ku soo kordha ee cusub ee loo baahdo, waxa qasab ay Shuruudda ku-meel-gaadhka ahi ay qasab kaga dhigaysaa inay kala tashato labada Madaxweyne ee soo socda, waayo talaabooyinka ay qaadaysaa haddii ay Madaxweynaha soo socda dabar ku noqonayso looma baahna. Wax kasta oo soo kordha oo maamul u baahanna waa inay talo ku yeeshaan Axsaabta Mucaaridku.” Ayuu hadalkiisa ku sii ladhay Xildhibaan Cabdiqaadir.

Xildhibaanku waxa uu sheegay in Xukuumadda loo aqoonsanayo Madaxweyne Ammaano haye ah, isla markaana qodobo iyo xeerar lagu heshiis yahay lagu hirgelin karo, sidaa daraadeedna ay u baahan tahay in Guddi dabagasha qodobada ay Xisbiyadu ku heshiiyaan, kuwaasoo uu soo jeediyay Xildhibaanku in ay ku fiicnaan lahayd in lagu daro Guddigaas Xoghayayaasha saddexda Xisbi.

Md. Cabdiqaadir Jirdde, waxa uu sheegay in loo baahan yahay in awoodda Wasaaradaha qaarkood la wadaago. “Xiliga doorashada lagu jiro saddex Wasaaradood ayaa hawlbawle ah, saddexdaasi waxa weeye Wasaaradaha Maaliyadda, Arrimaha gudaha iyo Warfaafinta, saddexdaa wasaaradood waa in la helaa wixii lagu xakamayn lahaa Afkooda iyo Addinkooda Sharciyan loogu xakamayn lahaa waa in la helaa muddadaa la kordhiyay ee doorashada loo diyaargaroobayo. Xakamayntaasi waxay noqon kartaa cid Shaadhaw-garaysa oo Wasaarad walba hawshii loo dirtay ay waddo oo aanay awooddii dawladda doorashad ku leexininaynin, oo Idaacaddii loo siman yahay, oo Nabadgalyadii loo siman yahay oo Maaliyadda eegta inaanay galayn hawshii Xisbiga iyo ololihiisa. Middi waxay noqon kartaa Madaxweynayaasha kaydka ahi nimankay u magacaabi lahaayeen Wasaaradahaas magacaabo oo yidhaahdaan Wasaaradahaas shaqadooda inoo illaaliya oo nin waliba Wasiirka uu Maaliyadda u magcaabi lahaa yidhaahdaa waxaad shaadhawgaraynaysaa Wasiirka ee illaali. Markaa saddexdaa Wasaaradood in la qaybsado, oo ay timaaddo taas aan sheegayaa oo la helo ciddii saddexdaa Wasaaradood la xakameeyo,.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaanku

“Muraadka kaliya ee aynu u soconaa waa doorasho, doorashada Axsaabtu malaha ee dadka aya iska leh, innaga ayaa leh, saddexda Hogaamiya maaha, waxaad mooddaa dadweynihi inuu jaahwareegay oo uu dhaga-barjoobay, maanta doorashadaasi haddii ay innaga qaloocato oo ay innaga xumaato, waad aragteed dalalka Afrika, horumar iyo Ictiraaf iyo waxbaad ka hadlaysaana jiritaankeena ayaa hali galaya, talaabo kasta oo doorashadaa lagu badbaadin karana in laga xishoodo maaha, waana ta maanta kaliftay inaan mawqifkayga adkeeyo, Suuqa waa laysugalaa oo cidbaa fidmo wadda iyo cidbaa wax ridaysaa waa hadal raqiis ah, waar doorasho ayaa loo socdaaye sidii nin waliba damaanad-qaad u heli lahaa doorasho xor iyo xalaal ah u dhacayso ayuun baa la rabaa, sidii taa loo suugagelin lahaana waa talaabooyinkaa aan soo sheegay, damaanad-qaad bay rabaan Xisbiyada Mucaaridka ahi, xaqna way u leeyihiin, waa laga yaabaa hadallo taagtaagan inay ku hadlayaan, laakiin hadaladaas taagtaagani waxay meesha ka baxayaan marka damaanad qaadka helaan.” Ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiqaadir Jirdde.

Waxa uu Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde, sheegay in aanay suuragal ahayn in lagu heshiiyo dhismaha dawlad ku-meel-gaadh ah oo cusub oo ta aan hadda jirta ahayn, hase ahaatee, Xukuumadda imika wakhtugu ka dhamaanayaa lagu heshiiyo inay sii waddo inta doorashada la gaadhayo, iyada oo shuruudo adag lagu xidhayo. Waxa kale oo uu Mudanayaasha Golaha Guurtida u soo jeediyay inaanay ku deg-degin cod u qaadidda iyo ansixinta Digreetadada uu Madaxweyne Rayaale kaga codsaday Guurtida inay is waafajiyaan wakhtiga doorashadu qabsoomayso ee Komishanka doorashooyinku u muddeeyay ee 31-ka 2009-ka, isla markaana kordhin u sameeyaan, maadaama wakhtigii hore ee Guurtidu u kordhisay Xukuumadda Rayaale ku egtahay 6-da April ee 2009-ka.

Ugu dambayntii waxa uu xildhibaanku soo jeediyay in sida ugu dhakhsaha badan laysugu yimaaddo, guud ahaanba golayaasha qaranka iyo aqoonyahanka dalku, isla markaana laga wadatashado sida danta dalkan iyo dadkan Somaliland ku jirto, ee lagu badbaadin karo in doorasho xor iyo xalaal ah la qabto.

 


 


Hadhwanaagnews