Xildhibaan Cabdiqaadir X. Ismaaciil Jirde, oo ka tirsan Mudaneyaasha xisbiga UDUB kaga jira Golaha Wakiilada Somaliland

 

Xildhibaan Cabdiqaadir X. Ismaaciil Jirde, oo ka tirsan Mudaneyaasha xisbiga UDUB kaga jira Golaha Wakiilada Somaliland

, ayaa si kulul u cambaareeyey ciidamo laxaad leh oo Maanta lagu wareejiyey xarunta Dhexe ee xisbiga KULMIYE, waxana uu ayaan darro ku tilmaamay in ciidamo awoodaas leh la dul dhigo xisbi sharci ah oo Nabadgelyo ah ay masuuliyiintiisu ugu sugan yihiin xaruntooda.

C/Qaadir Jirde, oo Maanta ka hadlayey munaasibad lagu xusayey sannad guuradii 28aad ee ka soo wareegtay aasaaskii ururkii SNM, taasoo lagu qabtay barxada hore ee xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE ee Magaalada Hargeysa.

Guddoomiye-ku-xigeenkii Golihii hore ee Wakiillada, Xildhibaan C/Qaadir X. Ismaaciil Jirde oo hadda ka mid ah mudanayaasha laga soo doortay Gobolka Hargeysa, waxa uu yidhi; “Wallaalayaal waxaan markii aan halkan soo galayay aan arkayay Ciidamo tiro badan oo Boolis ah, waxaan leeyahay waa ayaan darro in KULMIYE oo ah xisbi qaran oo sharci ah in la dulkeeno ciidamo aanay dalban. Xisbigu isagaa is nidaaminaya markaa uu u baahdo ciidan isagaa soo dalbanaya.”.


Md. C/Qaadir Jirde, waxa uu sheegay in muddadii sannadka ahayd ee hore loogu kordhiyey Madaxweyne Rayaale ay ahayd waqti loogu tallogalay in uu ku diyaariyo hawlaha Doorashada, balse aanu Madaxweynuhu xaq u lahayn in uu awoodo kale isticmaalo, sida magacaabida masuuliyiin cusub, Daacaada lacagta, iibka hantida ummada iyo gelida heshiisyada caalamiga ah, waxana uu xusay in Guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ee KULMIYE iyo UCID ay yihiin Madaxweyneyaal kayd ah, waxaanu tilmaamay inay qasab ku tahay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin inuu la fadhiisto oo ay ka wada heshiiyaan xaalada dalka xilligan ka jirta.

“Somliland waxay ku soo caana-maashay in talada aan la maroorsan ee dhulka la dhigo oo la wada hadlo oo aan Ilaahay ka baryayaa in Madaxweynaha Shalay fadhiya iyo labada Madaxweyne ee keydka ah asmaddaa [dhibaatadaa] sidii looga bixi lahaa iyagu go’aan ka gaadhaan, Ilaahayna in uu innooga dhabeeeyo, waana in la oggolaadaa talo-maroorsiguna ma fiicna ciddii taladaa bixinaysaana waa cid booraan-hadimo ka tuuraysa nidaamka. Tartankaas la galayo waa in natiijada ka soo baxda la oggolaadaa, madaxweynaha Shalay talada dalka haya ee ku-meel-gaadhka ah inuu dheeraysto maaha, waayo haddii muddaba la kordhiyo madaxweynuhu waa ku-meel-gaadh, madaxweynaha Shalay joogaana waa ku-meel-gaadh iyo laba madaxweyne oo kayd ah. Ilmaadeerayaalow; wada fadhiista, ninka diidana waa la khasbayaa.”. Ayuu yidhi mudanuhu, isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu intaas sii raaciyey.

“Somaliland doorasho wax aan ahayn ku socon mayso in doorashada laga war-wareego maaha, madaxweyne halkaa doorasho la’aan ku fadhi karaa ma jiro, anigu waxaan soo jeediyey immikana aan soo jeedinayaa oo axsaabta mucaaridka aan ku baraarujinayaa waar kordhintaasi innagama hadhayso waanay innagu soo noqnoqonaysaa, kordhintaasi in aynu xeer ka yeelano oo baarlammaankii waa kuwane la yidhaahdo maxaa meel inooga yaala? Oo mooshin baarlamaan ay noqoto labada golena marto oo mar danbe innagu soo noqone sidaas innooga hadho. Cabdiqaadir Jire waxa uu difacaay in Siilaanyo xaq u leeyahay in uu rayigiisa si salmiya ku cabiri karo oo aan cidna looga baryi Karin, isla markaana ay fool xummo weyn tahay in ciidamo aanu dalban la dul keeno.

Afkaarta waa laysku khilaafi karaa, laakiin xaq wuxuu u leeyahay [Siilaanyo] in uu rayighiisa dhiiban karo Tv-ga iyo joornaalka oo shirar qabsan karo rayigiisana ka hadli karo, taas nina looga baryo mayo cidna ergo looga noqon mayo, qaynuunbaa siiyey dhammaanteen waa in aynu ku dagaallanaa inuu xaq u leeyahay rayigiisa in uu si salmiya ku cabbiro. KULMIYE, waa xisbi qaran oo xuquuqdiisa distoorku qayaxayao, cidi loobaryayaa ma jirto, ixtiraambuu leeyahay, halkaa askarbaan ku soo maray, askar aan xisbigu dalban in halkaa la keenaa waa xaaraan, waa fuulxomo weyn, waana meel-ka-dhac.”.




 




Golisnews