Xildhibaan C/raxmaan Aw Xoog Oo Ugu Baaqay Wasiirka Arimaha Guduhu In Uu Is Casilo 

 


Hargysa Feb 25, 2011 (TNN)- War-saxaafadeed uu soo saaray xildhibaan C/raxmaan Aw Xoog oo laga soo doortay bariga Hargaysa ayaa saxaafada isga oo la hadlaaya galabta waxa uu  warsaxaaf adeedkiisaasi ku dhaliilay hadalo afkala qaad ku noqoday shicibka Somaliland gaar ahaan kuwii  aqal adooda lagu gubay ee xaafadaha new Hargaysa oo uu Gaboose uu sheegay in ay yihiin cooshado iyo buulal la gubay oo ay dadku been sheegayaan oo aan waxba laga gubin, xildhibaanka hadalkiisa waxa uu ku bilaabay sidan .

Aniga oo tixraacaya hadal isugu jira quudhsi iyo dafiraad oo uu wasiirka daakhiligu siiyay  warbaahi nta maxaliga ah ( warbaahinta gudaha) iyo ta caalamiga ah (warbaahinta debedda). Hadalkaa oo uu ku sheegay in guryaha ku gubtay xaafadda New Hargeysa ay ahaayeen 19 cooshadood (buul) oo ka sameysan baco iyo kartoonno . Iyada oo 19kaa cooshadood laba keli ahi ay ahaayeen  sanda qado. Wax dhismayaal daaro ahina habayaraatee aanay ku guban xaafadda New Hargeysa.

Waxa aan halkan ka caddeynayaa in Wasiirku aanu xog ogaal u ahayn aafadan ku habsatay  xaafad da laga iga soo doortay ee New Hargeysa oo socotay laga soo bilaabo 13kii Feberuary 2011. Waxa uu ku soo hanbabaray wasiirku barakicinta loo geysanayo xaafadda,toban maalmood ka dib  taariik hdaa ay bilaabantay gubista guryahu oo ku beegnayd maalintii dadweynaha ku dhaqan xaafaddu ay mudaaharaad ka sameeyeen waddada isku xidha Berbera iyo Hargeysana ee taayirada ku gubeen. Halkii ay ahayd in uu u baroordiiqo dadweynaha masiibadu ku habsatay,la qeybsado dhibaatda hiil iyo hooba,soona qabto cidda geysatay iyo cidda ka masuulka ah faldambiyeedkan abaabulan  (orga nised crime),maadaama uu madax ka yahay wasaaradda qarankan uga mas'uulka ah amniga ayuu wasiirku hadalkaa aan soo sheegay shalay isla soo taagay saxaafadda horteeda. Hadalkaa deel-qa afka ah ayaa kacdoon horleh maanta oo jimce ah dadka geliyay,mudaaharaad taayiro lagu gubayna dhallinyaradu ku kacday. Wasiirku waxa soo diray Toban gaadhi oo buuxa oo bileys ah kuwaa oo dhallinyaradii mudaaharaadeysay ka sii cadheysiiyay. Arrintii oo cirka isku shareertay oo meel xun gaadhay ayaan imi goobtii mudaaharaadku ka socday,hogaankii hawlgelinta (Mr Fadal ) ayaan ka codsaday in uu ciidanka naga dulqaado oo aniga oo xildhibaanka ah,Suldaan Yuusuf,odayaasha iyo taliyaha saldhigga noo daayo dejinta xaaladda cakiran, wuu iga aqbalay Fadal arrinkaa waanu ku mahadsan yahay.

Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa si xun wax u sheeg sixir ka daran, hadalkaa wasiirku waa mid runta aad uga fog oo marin habaabun ah (misinformation).. Warka runta ah ee aanu soo ururinay waxaan ku ogaanay in guryaha gubtay ay afartan aqal oo u badan sandaqado ka sameysan jiingad iyo loox,hoostana lagaga xardhay siliig aad u qurux badan. Waxa uu ku sheegay cooshadaha  wasiir ku ee aynu u naqaan aqal Soomaaliyadu waa faro ku tiris. Daaraha ku shufbilayna waa lix daarood.

Waxa aan leeyahay hadalkaa ka soo yeedhay wasiirka arrimaha guduhu waa hadal gef iyo meel ka dhac ku ah dadweynaha hantidoodii ku shufbeeshay Xaafadda New Hargeysa. Waxa kale oo ay  de elqaaf iyo niyad jab iyo gef aan la qaadan karin ku tahay askarta ciidanka qaranka ee ka soo jeeda Xaafadda New Hargeysa iyaga oo ku hawlan,hadh iyo habeenna u soo jeeda difaaca qaranka iyo  da lkooda hooyo. oo loo soo weydaartay aqaladoodii, xaasaskoodii iyo caruurtoodiina lagu riday welwel iyo argagax maskaxdooda muddo dheer oo mustaq balka ah aan ka bixi doonin.

Haddii uu ku jiro wasiirku fooq sabbad ah, dadweynahan danyarta ah waxa fooq sabbadd ah u ah buulashooda iyo sandaqadahooda. Wasiirka ayaana Nabadgelyada ka fiqiirka ah, iyo ka wax haysta labadaba ka mas'uul ah. Waxa aan ku soo gebogebaynayaa Waasaaradda amnigu waa ku  fashila ntay ilaalinta nabadgelyada dalka ee Wasiirka iyo Taliyaha booliskuba ha iska casileen jagooyinka ay ummadda u hayaan.