Xildhibaan Dhugad Oo Sheegay In Kooxaha Dhulbahante Ee Ku Hawlan Maamul Goboleedku Ay Riyoonayaan, Xuduud ahaSomalilandna Ku Tilmaamay Lama Taabtaan
 

 


Hargeysa (TNN) - Xidhibaan C/llaahi Ibraahim Xirsi (Dhugad) oo ka mid ah guddida joogtada Golaha Guurtida Somaliland, ayaa sheegay in kooxaha beesha Dhulbahante ee ku shiraya degmada Taleex ee ku hawlan maamu lka madax banaan Somaliland ay riyoonayaan, waxaanu intaa ku daray in xud uuda Somaliland aan meel kale loo rari Karin



Md Dhigad waxa uu uga digay siyaasiga Cali Khaliif Galaydh ee Somaliweyn u olalaynaya inuu beesha Dhulbahante colaaad iyo qalalaase u horseedo, isagoo Garaad Jaamac Garaad Calina hadalo ka soo yeedhay ku tilmaamay hadalo dhalanteeda oo riyo ku salaysan.



Xildhibaan C/llaahi Dhugad waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu xalay khadka Telephone-ka Haatuf ugu waramay, ugu horayna isaga oo shirkaasi Taleex ka hadlaya waxa uu yidhi “ Beesha Taleex ku shiraysaa muddo dheer bay qalalaase, dagaal iyo fawdo ku soo jireen oo ay shirar yeesheen wax n atiijo ahna lagama arag oo ay ka gaadheen, ilma Nabi Aadan wakhti hore ayaa dhulka loo qaybiyay, xariiqdaasi Somaliland halkay marto ayuun buu qarankani ku abtirsadaa, beeshaasina waligoodba qaar lagu soo ibtileeyay ayuun baa waalaya, Garaadka colaad iyo dagaal ka shaqeeyaa wax guula oo uu ka gaadhayaa ma jirto, xuduuda Somaliland-na maaha mid ay koox yari sumadeeda badali ka rto, maamul goboleed baa lagaga dhawaaqayaa Taleex ninka yidhina ee Garaadka ahina waa nin iska riyooday, waxaanu leenahay soo jeed halagu wada hadlo, ninka leh Somaliland baanu ka madax ban aanaynaa dhulku guuri maayee isagaa iska tagi, dhulka sumadiisu waa xuduuda, geelana sumad go oniya ayuu dadku u kala samaystaa, Cali khaliif Galaydhna waxaan leeyahay waar dadka ka daa cola ada iyo fawdada aad u horseedayso oo kaalay dalkaaga Somaliland wax ka noqo, haddii kalese adigu un baa iska tagi, Somaliland-na waa muqadas lama taabtaan ah”.

 

source:Haatuf