Xildhibaan
Wakiilada oo ka hadlay Safarka Madaxweynaha
Burco
Md. Cali Xasan Maxamed (Cali
Mareexaan) oo ka tirsan mudanayaasha Gol aha Wakiillada ee laga soo
doortay Gobolka Togdheer, ayaa dadweynah a reer Burco ugu baaqay in
aanay dheg jalaq u siinin balanqaadyo cusub oo uu madaxweyne Rayaale
u sameeyo, maadaama oo aanu buu yidhi waxba ka hirgalin
balanqaadyadii hore ee uu ku galay ololihii madaxweynenimada loogu
doortay oo ay ugu muhiimsanayd bedelaada lacagta Giimbaarta ahi.
Sidaana waxa uu Cali Mareexaan kaga dhawaaqay xogwaran ku waajahan
uu ku naqdiyey socdaalka madaxweyne Rayaale ku joogo Burco oo uu sha
lay Jamhuuriya iyo telefishanka HCTV ku siiyey xarunta Golaha
wakiilada Somaliland,isaga oo xildhibaanku taxay balanqaadyo badan
oo madaxwey naha iyo xukuumaddiisu u balanqaaday togdheer oo
ay waxba ka fulin wa y day,isaga oo arrimahaa faahfaahinayana waxa
uu yidhi;
“Maanta oo ay doorashadii billo yari ka hadheen, ayaa waxaynu
ognahay in Madaxweynihii booqasho ku tagey Gobolka Togdheer,
waxaanan doona yaa in aan dadweynaha reer Togdheer ee i soo doortay
aan u sheego, ha ddiiba uu Madaxweynihii Burco tagey kolayba
ballanqaadyo iyo faan buu idiinla imanayaa, su’aashu markaa waxa
weeyaan toddobadii sannadood ee uu xilka hayay ballanqaadyadiisii
hore wax ma laga qabtay ee Madxwe ynaha iyo xukuumaddiisu
gobolka u ballanqaadeen.
Waxaan doonayaa in aan iftiimiyo sideed qodob oo ka mid ahaa
waajiba adka waaweyn ee xukuumaddu ballanqaaday in ay wax ka
qabanayso oo aan ilaa hadda waxba ka hirgalin.
Ballanqaadka koowaad wuxuu ahaa beddelaada lacagta giimbaarta ah ee
ka shaqaysa Gobolka Togdheer, saddex ama afar jeer ayayna
Madaxw eynaha iyo xukuumaddiisu ballanqaadeen in ay lacagtaa ka
beddelayaan, waxaynu ognahay inta jeer ee lagu soo daray
miisaaniyadihii Wakiilladu ansixiyeen, waxaynu ognahay
dhaqaale-xumada lacagtaa Soomaaliya ee Giimbaartu ku hayso gobolka,
ballanqaadkaasina in aanu ilaa hada waxba ka socon waynu ognahay,
iminka oo uu Madaxweynihii tagayna wuxuu arki doonaa lacagtii
giimbaarta ahayd, reer Burco-na way waydiin doonaa n, wuxuuna ku
odhan doonaa waan idinka bedelayaa, waxaan markaa reer Burco
leeyahay hadii Madxweynuhu ballanqaadyo idiila yimaaddo in
garaadkiina la caayayo oo wixii uu todobadii sannadood ee uu xilka
idiin qaban waayay waxaad ogaataan in aanu labada bilood ee u hadhay
aanu fulinayn, reer Burco-na waxa lagu yaqaanaa in ay yihiin dad
markiiba hore wax u fahma oo aan la siri karin.
Ballanqaadka labaad waxa weeye, Burco oo ahaan jirtay xaruntii
xoolaha ee ugu waynayd dalkii Somaliya la isku odhan jiray, ayaa
waxa uu madaxweynuhu ku balan qaaday in uu horumar ku samayn doono
xoolaha iyo sayladeeda, si xoolaheenu ay ula tartamaan kuwa
addyunyada, iska daa wax horumarin ah oo loo qabtee maanta sayladii
Burco way xidhan tahay oo taasna waxay la qabtaa dalka oo dhan,
kolaybana waxyaabaha reer Burco waydiinayaan way ka mid tahay, hana
ogaado in aanay reer Burco ka qaadaynanayn balanqaad laba bilood ah
iyo sayladii baan dib u furayaa.
Balanqaadka ku xiga ee aan ilaa hadda la fulin waxa weeyaan jidkii
isku xidhayey Oodweyne iyo Burco ee lagu galay ololihii lagu doortay
Madaxw eynaha ee cagaf cagafyada la geliyey, balanqaadkaasina ilaa
hada waxba kamay fulin jidkiina sidii buu u burbursan yahay, laakiin
waxa iminkana la soo celiyey ballanqaadka laftiisii iyo
cagafcagafyadii mudadaa todobada sanno ah lagu fulin waayay.
Ballanqaadka afraad waxa weeye, magaalada Burco oo ah caasimaddii
lab aad ee dalka, waxay leedahay madaar la dhisay 1921-kii, waa
halkii lagag a duulay ee laga qorsheeyey weerarkii dhanaca
cirka ah ee lagu qaaday Sayid Maxamed Cabdala Xasan, intaasoo dhanba
waa la isticmaa layey marba itaalkuu ahaadaba, iminkana
waxaynu ognahay muddadaa toddo bada sanno ah ee xukuumadda
Rayaale dalka xukumaysayba in madaarkii caasimadda labaad ee Burco
uu xidhan yahay oo aanay diyaar adina ka soo degin,
diyaaradina ka kicin, dadkii degaankaasina intay madaarka Hargaysa
iyo meelo kale ka soo deggaan ayaa baabuur iyo kharash kale ku baxaa,
imikana kolayba ballanqaadyo ayuu samayn doonaa oo wuxuu odhan
doonaa waxaan ka dhigayaa madaar diyaara daha jet-ka ahi ka
duulaan oo casri ah, ama wuxuu odhan doonaa wixii cabasho ah
xoghayntayda iigu dhiiba, markaa waxaan u sheegayaa in toddobadiisii
sanno ku dhammaadeen madaarkii oo xidhan iyo in aanay ballanqaad
dambe ka soconay oo aanay dadweyaha reer Burco ka maqlayn.
Ballanqaadka shanaad waxa weeyaan dalkeenu waxa uu u badan yahay
reer guuraa iyo xoolo dhaqato aan ka maarmin meel biyo leh,
abaaruhuna way soo noqnoqdaan, dhibaatada ugu weyn ee laga
cabanayaana waa biyo la’aan. Waxa jirta in dawladda Imaaraadku dhowr
jeer Somaliland ugu deeqday ceelal riiggag ah, kuwaas oo ilaa
muddadaas Gobolka Togdheer oo ah mid aad u ballaadhan waxba lagama
qodin, sidaana waxa maamulay Madaxweynaha iyo Wasiirkiisa Macdanta
iyo Biyaha, dadkaa reer miyiga ah ee dhibaataysanina waxay ka caban
doonaan biyo la’aan iyo abaaro, arrintaasina waa mid ay ku ceebaysan
tahay xukuumadda Rayaale madaxda ka yahay.
Ballanqaadka lixaad, wuxuu dhowr jeer Madaxweynuhu ballanqaaday in
xabsiga Burco oo la dhisay dhowr iyo afar sanno ka hor oo loogu
talogalay inuu qaado 150 maxbuus uu dib-u-habayn ku sameeyo,
ballanqaadyadii horena waxba kamay fulin oo weli xabsiggii lama
dhisin, waxaanad arkaysaa xabsigga oo maxaabiistii is dul tuulan
tahay. Waxaan markaa odhan lahaa siddeetankan laankuruusal ee isdaba
yaacaya ee uu Burco ku tagey inuu afartan uga yimaaddo booliska
xabsigga.
Ballanqaadka toddobaad, waxa dalka jooga hay’ado aynu ka helno
caawimooyin fara badan oo ilaa toddobaatan hay’adood bay ku dhow
yihiin, waxay ahayd inay hay’adahaas Burco deggaan oo xafiisyo ka
furtaan oo ay cidi u joogto, siyaasaduu doono Madaxweynuhu ha ka
lahaadee hay’adihii oo odhan Burco waa laga dhaariyey oo hay’adda
keliya ee joogtaa waa Save The Children oo waqtigii Maxamed Xaaji
Ibraahim Cigaal la geeyey Burco oo waxbarashada ka hawlgasha, xataa
nabadgelyo ahaan in aanay seexan karin oo ay habeenkii ka yimaaddaan
ayaa la qoray oo lagu heshiiyey, taasina xukuumaddu kamay hadal,
iminkana hadduu yidhaahdo hay’ado ayaan keenayaa waxaasi ka socon
maayaan.
Ta ugu dambeysa ee siddeedaad, xagga caafimaadka Burco dalka oo dhan
ugu liidataa oo inkasta Hargeysa iyo gobollada dalka oo dhammi la
qabaan oo cusbitaalkii Hargeysa oo madaxtooyada agteeda ah waynu
arkaynaa dayaca ka muuqda, dalkana musuqmaasuqa ka jira. Cusbitaalka
Burco-na in badan waxbaanu ka qabanaynaa bay ballanqaadeen, waxbana
kamay hirgelin. Markaa anigu waxaan ku soo ururinayaa waxa weeye,
maanta oo ay doorashadii laba bilood ka hadhay haddaad cagaf-cagafyo
soo jiido iyo haddaad tidhaahdo Burco ayaan horumarinayaa oo
Togdheer baan malab ka dhigayaa, wixii aad toddoba sanno u qaban
weyday Togdheer nacasnimo ayey noo tahay inaad noo sheegto oo aannu
annagu kaa dhagaysano, reer Togdheerna farriintaas ayaan
gaadhsiinayaa, balanqaadyadaas xad dhaafka ah ee uu kaga baxayna
haday ay qaar kale ka dhegaystaan garaadkooda ayay cay ku tahay.”
Intaas kadib su’aalihii suxufiyiintu weydiiyeen iyo jawaabihii uu
Xildhibaan Cali-mareexaan uu ka bixiyey waxay u dhaceen sidan:
Maxamed Ilig, HCTV: Guulaha ay xukuumaddu ka gaadhay Gobolka
Togdheer waxa ka mid ah inay magaalada Burco ka dhigtay xaruntii
warshadaha Somaliland, taasi miyaanay ahayd horumar xukuumaddu
gaadhay inta aad dhaliilayso?
Xildhibaan Cali-mareexaan: Horta xaq baad u leedahay inaad dhinicii
kale difaacdo, maadaama oo aan dhaliilo badan sheegay oo mihnadaada
saxaafaddaa caynkaas kuu sheegaysa, waxaanan ku leeyahay iska daayoo
inay dhiirrigeliso warshadaha Burco’e caqabad bayba ku tahay
xukuumaddu, iskamana eedaynayo, guddigii iskaa wax u qabso ee
magaalada Burco xukuumadda ayey ka socon weyday oo caqabad ku
noqotay, arrinta warshadahana waxa soo jiitay ee warshadaha waaweyn
looga dhisay waa biyaha, warshadahanna Burco oo keliyaata malaha ee
reer Somaliland oo dhan baa saamiyo ku leh. Qodobka labaadna waxa
weeyaan had iyo jeerba dawladdu waxay ku faantaa daaraha dhaadheer
ee shacabku dhistay, iyada wixii loo dhiibtay ee masuuliyaddeeda
ahayd ee ay ummadda u haysay way gabtay.
Maxamed Ilig, HCTV: Inta badan mucaaradku waxay Madaxweynaha ku
eedeeyaan inuu yahay nin guri uun ku jira oo meel fadhiya oo aan
noloshii bulshada ka warhaynin, haddii uu kormeer ku tagay
gobolladii dalka micnaheedu ma waxa weeyaan olole uu bilaabay, mise
waa inuu soo ogaado xaaladda dalka uu Madaxweynaha u yahay?
Xildhibaan Cali-mareexaan: Waxaynu ka hadlayaan Madaxweyne la doort
ay 2002-dii ee ka hadli mayno sida Barack Obama afar ama shan bilood
xilka hayey, waxaynu ka hadlaynaa waa Madaxweyne toddoba sannadood
xilka soo hayey oo iminka uu ka sii dhammaanayo, kolba dhinac u
cararka iyo ballanqaadyada, dhaliishiisuna cid walba way isaga
muuqanaysaa haddii uu yahay muxaafiyo iyo mucaaridba. Aniga 2005-tii
ayaa la i doort ay, muddadaas malaha labaatan jeer way ka badan
tahay intaan dalka soo maray si aan xaaladda dalka u soo ogaado,
waxaan qaban karayey way iska koobnaayeen, laakiin inaan dadka iska
soo dhexmaro oo aan la soo sheekayso oo aan xaaladooda soo ogaado
waa waajibkii la ii soo doortay, laakiin haddii aan bisha u dambeysa
xilkayga aan soo warwar eega aniga ayaa wax isku dhimaya ee
waxba soo kordhin maayo, markaa waxay ila tahay waa ciyi waa ka
baryey Madaxweyne doorashadii billo uga hadhsan yihiin oo kolba meel
soo wareegaya.
Maxamed Cirro, Jamhuuriya: Ballanqaadyadan faraha badan ee aad
shee gtay inay xukuumaddu u fulinweyday Togdheer, waxa ugu muhiimsan
waa lacagta giimbaarta ah, markaa taasi miyaanay foolxumo ku ahayn
qaranka iyo idinka oo xildhibaannadii laga soo doortay Gobolka in
caasima ddii labaad ee Somaliland ay lacagtii Soomaliya ka shaqayso,
laakiin idinku xildhibaan ahaan iyo aqoonyahankii Gobolkuba si
midaysan ma uga hadash een in lacagtaa la idinka beddelo?
Xildhibaan Cali-mareexaan: Horta beddelaada lacagta Burco xoog baa
looga hadlay, qodobadda aan is dul taagayna ma kala muhiimsana ee
waa isku wada mid oo madaarkii caasimadda labaad ee dalka oo xidhani
qaranka foolxumo ayuu ku yahay, salayladii xoolaha ee dalka ugu
weynayd oo xidhanina qaranka foolxumo ayey ku tahay, waxan oo
dhammina waa wada muhiim, lacagta giimbaarta ah ee laga qaato
Gobolka Togdheer ama gobollada kale ee bariga ka sii xigaba qaranka
oo dhan ceeb ayey ku tahay, lacagtuna waxay ka mid tahay astaamaha
uu qaranku leeyahay oo waa sida caalanka oo kale, taas waa mid dalka
oo dhan ku fadeexad ah, laakiin qofka Burco jooga ama meelaha kale
ee lacagta giimbaarta ah laga isticmaalo, isaga xil kama saarna ee
cidda waajibkeedii gudanweyday ee masuuliyaddaa lahayd ee ceebtu
fuuleysaa waa cidda talada haysay ee xukuumadda ah, wax ma laga
qabtay marka la yidhaahdana in badan baa laga hadlay oo haddaanu
nahay Golaha Wakiillada, dabagal, miisaaniyad ku darid iyo
wacyigelinba waannu ka bilownay sidii lacagtaa loo beddeli lahaa,
marka la ansixiyo ee ay u tagto Madaxweynaha ayaa wax la waayey
noqotaa.
Maxamed Cirro, Jamhuuriya: Waxa jirtay dhowr jeer oo aynu maqalnay
in la soo daabacay lacago loogu talogalay in giimbaarta lagaga
beddelo Burco, iyadinku dabagal ma ku sameyseen oo ma ka warhaysaan
xaggey lacagtaasi ku dambeysay?
Xildhibaan Cali-mareexaan: Lacagtan bangigu wuu soo daabacay oo waxa
ugu dambeysay 2009-kii, waatii lacag badan la keenay, markastana
lacagta soo socota ee diyaaradda soo guuxaysaa sido ayaa ah tii
lacagta Burco lagaga beddelayey. Nuxurku waxa weeye waxba lagama
beddelo, lacagtaasina waxay ku baxdaa siyaasad iyo ololayaal xisbi,
musuqmaasuq aan xad lahaynina wuu jiraa oo dhaqaalihii inuu kordho
ayuu u diidayaa, markaa lacagtaasi way timi waxayna ku baxday sifo
aan ahayn sifihii loogu talogalay.
Maxamed Cirro, Jamhuuriya: Waxa jirtay in dhowaan Guddoomiyaha
Gobolka Togdheer uu sheegay inay magaalada Burco joogaan kooxo
argagixiso ah iyo Al-shabaab, arrintaas sideed u aragtaa?
Xildhibaan Cali-mareexaan: Maalintii dhoweyto Badhasaabka iyo madax
gobolka ah, ayaa waxa lahaayeen gobolka waxa jooga argagixiso, nin
masuul ah oo hadalka noocaas ah bixinayana adduunyada kale iyo dadka
kale ee caalamku sax bay u arkayaan oo run bay u qaadanayaan, qofka
argagixisada ah inuu booliska u diro oo uu soo qabto oo uu hay’adaha
sharci u gudbiyo ayey ahayd, laakiin may ahayn in jaraa’id lagu qoro
argagixiso ayaa joogta Burco, mana aha markii ugu horreysay ee
waxyaabahaas oo kale ka soo yeedhaan madaxda oo hore wasiirro iyo
rag kale ayaa u sheegay, markaa Madaxweynaha oo iminka Burco fadhiya
ayey u taalaa inuu sharraxaad ka bixiyo waxay ula jeedaan argagixiso
ayaa joogta Burco
Jamhuuriya
|