Xildhibaanadii caawa la kulmay madaxweyne Siilaanyo oo wax la’aan kaga soo laabtay

 


Hargeysa, (TNN)- Waxa caawa kulan ballaadhani uu dhexmaray madaxweyne Siilaanyo iyo kow iyo to ban xildhibaan oo ka kala tirsan wakiilada iyo guurtida, kuwaasi oo ka soo jeeda beesha Habaryoonis. Xubnahani waxa ay caawa madaxweynaha ay hor dhigeen dalab ah in jagadii gudoomiyaha maxkama da sare ee dhowaan xilka laga qaaday in dib loogu magacaabo shaqsi ka soo jeeda deegaanada xildh ibaanada laga soo doortay, waxana ay madaxweynaha hor dhigeen aqoonyahano ay la doonayaan in jagadaasi loo magacaabo, kuwaasi oo ay madaxweynaha ka codsadeen in uu ka xusho qofkii uu isagu doonaayo oo uu arko inuu xilkaa qaban karaayo.

Cabashooyinka kale waxa ka mid ahaa in uu madaxweynuhu uu wax ka qabto cabashooyinkii dhowaan ka soo yeedhay hogaamiye dhaqameedka galbeedka Burco, sidoo kale waxa ay cabashooyin ka muuji yeen in deegaanada laga soo doortay ee ay ka soo jeedaan ayna wax xil ah ku lahayn hogaanka sare ee ciidanka qaranka iyo ka booliskaba, waxayna ka codsadeen in si cadaalad ah loo qaybiyo qaybaha asi ay sheegeena in wasaaradihii ay xitaa hayeen xubno ka soo jeeda deegaankooda la qayb qaybiy ay oo wax laga wada jaray xaga aan kuwo kale aan la taaban.

Madaxweyne Siilaanyo oo si fiican hadalkooda u dhuuxaayay ayaa ku gacan saydhay in aanu jagada asi gudoomiyaha maxkamada sare aanu hada diyaar ula ahayn beeshaasi Habaryoonis isla markaasi na uu beel kale uu siiyay oo bixiyay jagadaasi, sidoo kale madaxweynahu waxa uu sheegay in cabash ooyinka kale ee ay tirsanayaan uu dib u eegi doono una seexan doono una soo toosi doono, oo aanu halkani waxba kaga aqbalaynin hadda.

Kulankaasi xaga madaxweynaha waxa ku wehelinaayay oo garab fadhiyay wasiirka madaxtooyada Xirsi oo aan weli la ansixin iyo wasiirka arimaha gudaha Dr Gaboose, madaxweynahu waxa uu ergadii xildhibaanada ahayd ee u tagtay uu diray faro madhnaan waxana markii uu arinku uu halkaasi taagan yahay hadalka la wareegay wasiir Xirsi oo sheegay in aan beesha Habaryoonis ayna waxba ka maqna yn oo ay rabaan sadbursi, isla markaasina ay haystaan xilalkoodii.

Taasi oo hadalka ku soo celisay madaxweynaha uu sheegayna in xukumadiisa ay beesha Habaryoonis ay kaalinta labaad kaga jirto xaga xilalka xaga beeshiisu ay tahay ta saddexaad beesha Awalna ay ku jirto kaalinta koowaad, kaftan dheer oo adhaxda la isu geliyay ayaa caawa lagu soo caraabiyay xildh ibaanadii cabashada u tagay madaxtooyada, iyada oo wasiirka arimaha guduhana uu hadalka ku soo gunaanaday in aan beesha Habaryoonis ayna mucaarid ku ahayn xukumada Siilaanyo.

Isku soo wada duuboo kulankaasi caawa loogu tegay madaxweynaha waxa uu ahaa mid aan waxba ka suurto gelin isla markaasna caawa suuqyada Hargeysa iyo Burco aad looga hadal hayey dadka qaarkoodna ay sheegeen in kulankaasi uu u dhacay sidii ay filayeen oo ay xukumada Siilaanyo markii horeba ay badheedhay oo sidan la iska wada ogaa.

Dhanka kalena waxa berrito kulan qado isugu imanaaya Hotel Ambasadoor xubnihii wakiilada ahaa ee u codeeyay in gudoomiyaha maxkamadu uu joogo kuwaasi oo ah mucaarid hor leh oo isu urursanaaya sidii ay u tashan lahaayeen.
 

Source:Qaran