Xildhibinaada wakiilada oo kordhistay bil fadhi aan ahayn ah


Hargeisa (Longlivesomaliland News) Fadhigii maanta ee golaha wakiilada Somaliland ayaa mudanayaashu ay ansixiyeen in muddo bil ah ay ku sii  sh aqeeyaan fadhi aan caadi ahayn.

C/raxmaan Max’ed C/laahi ( C/raxmaan Cirro) oo guddoominayay fadhigii maanta ayaa mudanayaasha u soo jeediyay mar hadii fadhigii hore ee  go luhu uu dhammaaday isla markaana ay hawlo badani golaha hor yaalaan ay sii shaqeeyaan muddo bil ah.

Mudanayaashii maanta ka soo xaadiray fadhiga oo ay tiradoodu  dhamma yd 43 mudane isla markaana u badnaa mudanayaasha mucaaridka ah ayaa waxa ogolaaday soo jeedinta guddoomiyaha 39 mudane cid ka diiday may jirin waxana ka aamusay laba mudane, guddoomiyuhuna ma codayn.

Arimaha ay u kordhisteen mudada fadhigooda ayaa loo malaynayaa in ay ka mid tahay in ay tallaabo ka qaadaan M/waynaha Somaliland iyo  masu uliyiinta komishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland hadii ay fullin  wa ayaan soo jeedimihii maanta ay soo saareen.


 


Mustafe Future

Longlivesomaliland News Desk
mccfuture@longlivesomaliland.com
mccfuture@hotmail.com
Hargeisa/Somaliland
00252-2-4423109