Xirsi: Ma wasiir madaxtooyaa mise madaxweyne idman:
- Maxaa keenay in Xirsi ka duwanaado ku dhawaad tobankii wasiiro
madaxtooyo ee dalka soo maray 15kii sano ee u danbeeyay.
- Maxaa keenay in Xirsi ku ag nabnaado madaxweynaha goor kasta iyo
goob kasta
- Maxaa keenay in Xirsi ka hadlo hawl kasta oo xukuumaddu wado.
- Maxaa Keenay in Xirsi waxna magacaabi karo waxna eryi karo.
Waxaynu beryhan oo dhan ku dhago barjownay Xirsi. Xirsi baa sidaas
yidhi. Xirsi baa sidan sameeyay. Xirsibaa halkaa xadhiga ka jaray.
Xirsibaa meeshaas soo kormeeray. Xirsibaa safarkaa ku wehelinayay
madaxweynaha ama wasiir hebel… Xirsibaa…Xirsibaa…… Hadaba tolow
Xirsigan umaddii jaqaaq kaga siiyay ee dadkii oo dhan yar iyo wayn
hadal hayaan muxuu ahaa. Bal Adba……
Xirsi Xaaji Xassan waxay ahayd markii ugu horeysay ee la maqlay ee
uu ka soo muuqday saaxadda siyaasadda Somaliland markii uu xisbiga
Kulmiye u magacaabay in uu noqdo xubin Komishanka Doorashooyinka
qaranka la tirsan. Muddo badan xilkaasi muu hayn waxaanu uga tagay
si aan qurux badnayn. Waxa xigtay in wakhtigii Daahir Riyaale
madaxweynaha ahaa loo xidhay falal argagixiso iyo abuurid qalalaase,
ka dib markii lagu eedeeyay in uu baabuur qoryo ku rakibayay. Muddo
koobanse ka dib waa la sii daayay.
Xirsi wuxuu saaxadda siyaasadda dib ugu soo noqday markii Madaxweyne
Silaanyo loo doortay kursiga waddanka laga maamulo sannadkii
2010kii. Xirsi waxa lagu magacaabay xil loo waayay wax lagu sheego
Afsomali ahaan oo ahaa “Chief of Cabinet” oo markaa ahayd wax ku
cusub xukuumadda, waxaanu isla markiiba noqday qof saamayn badan ku
leh madaxtooyada iyo hawlaha xukuumaddaba.
Xirsi wax yar ka dib waxa loo magacaabay wasiirka madaxtooyada.
Hadaba sida la wada ogyahay xirsi ma aha wasiir madaxtooyo oo
shaqadii wasiirka haya, balse wuxuu qabtaa shaqooyin badan. Su’aasha
aan markasta isweydiiyo ee dad kale oo badanina ila qabaan waxay
tahay sababta uu Xirsi uga duwanaaday intii wasiir madaxtooyo ee soo
maray Somaliland intii ay jirtay. Waxa la isweydiin karaa Xirsi
miyuu ka aqoon badan yahay xubnahaasi – waa maya, miyuu ka khibrad
iyo waayo aragnimo badan yahay – waa maya, miyuu ka karti iyo dedaal
badan yahay – iyaduna waa maya, mise tolow wax kale ayaa meesha jira.
Sida runta ah Xirsi isagaa ugu hooseeya xaga aqoonta intii wasiir ee
soo martay wasaaradda madaxtooyada. Isagaa ugu khibrad yar, isagaana
ugu karti iyo dedaal yar, hadii aan laga hadlayn fudaydka, indha
adayga iyo xishood la’aanta aanu waxba xeerinayn. Hadaba maxay ku
dhacday in Xirsi noqdo Xirsigan awoodda badan, Xirsigan meel walba
taagan, Xirsigan wafti walba la socda, Xirsigan cid walba u
jawaabaya. Jawaabta su’aalahaasi hal arrin ayay ku soo ururaysaa oo
ah in Xirsi madaxtooyadu adeer u tahay ama adeerkii fadhiyo qasriga,
lana siiyay awooddo aanu xaq u lahayn wasiir ahaan iyo kalsooni
buuxda oo uu ku samayn karo wixii uu doono. Xirsi maanta wuxuu yahay
ama u dhigmaa madaxweyne ku xigeen awood badan. Shaqooyinkii
madaxweynuhu u wakiilan lahaa madaxweyne ku xigeenka iyo qaar kale
ayuu Xirsi hayaa. Xirsi wuxuu qaabilaa dhamaan dadka u socda
madaxweynaha. Wuxuu door wayn ku leeyahay magacaabista xubnaha sare
ee xukuumadda. Wuxuu dusha ka maamulaa hawlaha xukuumadda guud ahaan
iyada oo uu wasiirada oo dhan la xidhiidho isagoo isticmaalaya
shaadhkii madaxweynaha.
Marka aynu eegno sida uu yahay qaabdhismeedka xukuumaddu, wasiir
kastaa wuxuu u xil saaran yahay shaqo gaar ah. Ma jiro wasiir ka
sareeya wasiir kale, balse mid waliba shaqadiisa ayuu u madax
bannaan yahay. Waxa wasiiradda la xisaabtamaya madaxweynaha ama
madaxweynee ku xigeenka hadii madaxweynuhu maqan yahay ama uu u
igmado xilkaasi.
Nasiib darro Somaliland maanta waxa ka jira wasiir ka sareeya
wasiirada kale. Wasiir waxna eryi kara waxna magacaabi kara. Wasiir
la xisaabtami kara wasiirada kale. Wasiir taagan meel kasta oo
madaxweynuhu taagan yahay. Wasiir haysta doorkii madaxweyne ku
xigeenka oo waliba awood uu u siiyay madaxweynuhu.
Badi muranada siyaasadeed iyo khaladaadka xukuumadeed ee dhacay
intii madaxweyne Siilaanyo xukunka hayay, waxa lug ku lahaa ama
sameeyayba Xirsi. Sidaas oo ay tahay hadana ma jirto wax la iska
waydiiyaa.
Hadii madaxweynihii aanu qaban Karin shaqadii qaranka uu u hayay ama
ay culays ku tahay waxa dastuurku uu caddeeyay in uu madaxweyne ku
xigeenka u igmado inuu ka caawiyo. Balse maanta Somaliland waxaad
moodaa in madaxweynihii laga boobay shaqadiisii, isaguna uu ku farax
san yahay in cid kale waddanka iska maamulato, isagana laga dul
qaaday culayskii. Sababaha aan u daliishanayo in madaxweynuhuu
hawlihii qaranka uga hadhay cid kale oo Xirsi hormood u yahay waxa
kow ka ah may dhicin in madaxweynuhu u baxo safar aanu Xirsi
wehelinayn. May dhicin in madaxweynuhu galo kulan ama shir aanu
Xirsi ku jirin. May dhicin in madaxweynuhu booqdo xafiis ama ka
hadlo madal iyada oo aanu Xirsi ag taagnayn. Miyaynaan markaa odhan
karin, madaxweynaha waxa loo isticmaalaa muuqaal ahaan keliya balse
shaqadiisii waxa haya cid kale oo Xirsi kow ka yahay.
Madaxweyne Siilaanyo wuxuu ahaa hogaamiye soo jeeda, dadka la hadla,
bulshada ka warhaya, dareensanna xaaladda guud ee qaranka, nasiib
darro madaxweyne Siilaanyaha maanta fadhiya kursiga madaxtooyadu
maaha siilaanyihii aynu naqaanay. Waa Siilaanyo muuqaal ahaan uun u
jooga, balse ruuxdiisii aan la garanayn meel ay ku maqan tahay.
Guntii iyo gabagabadii, hadii ay jirto duruuf madaxweynaha u saamixi
wayday in uu daboolo masuuliyadii laga rabay, ha ku keeno xanuun la
soo gudboonaaday ama duruuf kalabee waxa qurux badan in madaxweynuhu
qaybo ka mid shaqadiisa u igmado madaxweyne ku xigeenka. Hadii ay
xaaladdu tahay mid aanu madaxweynuhu gudan Karin masuuliyadiisa guud
ahaanse, waxa muhiim ah in sida dastuurku dhigayo looga wareego oo
xilka lagu wareejiyo madaxweyne ku xigeenka inta doorasho waddanka
ka dhacayso.
Allaa Mahadleh,
Yousuf Cabdillahi Cali
Yousufcade@yahoo.com
Nairobi, Kenya
|