Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Ba'an U Weeraray Wasiir Cirro

 

       

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee koomiishanka Doorashooyinka Qaranka, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo dhawaan laga sii daayay xabsi uu muddo bil ah ku xidhnaa ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu maxkamad sharci la tiigsan doono Wasiirka arrimaha gudaha Md. Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro), oo markii la xidhay ku eedeeyay inuu ka tirsanyahay oo uu xidhiidh la leeyahay shabakadda Al-Shabaab ee ka dagaalanta dalka Somaliya.

Md. Xirsi, oo xalay shirjaraa’id ku qabtay Hargeysa, waxa uu hadalka Wasiir Cirro ku tilmaamay mid aanu ka fiirsan oo meel ka dhac ku ah xaqiisa muwaadinimo, “Waxaan doonayaa inaan ka hadlo xadhigaygii iyo eedayntii la ii soo jeediyay, ee aan xidhnaa 30-ka cisho, runtii xadhigaa aan xidhnaa sida aad ka wada war qabtaan waxa la i qabtay 04-08-2008-da, waxaana la igu qabtay tuulo ka shishaysa Burco aniga oo si caadi ah u dhaafay kaantaroolka Burco iyo ka Beereedba, oo aanay Bilaysku i joojin, ayaa gaadhi Laanguruusal ah oo Siikaawi saaran yahay iga daba yimid,.

Sida caadado tahay Laydhka iima ridin haduu doonayo inuu i joojiyo, manuu samayn Hoonka inuu garaaco, oo uu igu ogaysiiyo inuu i doonayo, gaadhigu wuu iga danbeeyay oo anigu maan garanayn inuu I doonayo, markaana waxay igu rideen laba xabadood oo rasaas ah, oo la idulmariyay, markaasaan gartay inuu gaadhigu I doonayo, ka dibna waan isku taagay si caadi ah waxay igu yidhaahdeen waanu ku doonaynay oo waa naloo kaa soo diray, ka dibna waxaan ku idhi waad I haysaan hadaad I doonaysaan, waxaan u soo raacay si caadi ah, waliba aniga u dhiibay qorigaygii iyo Baaskooladaydii oo sharciyaysan, waxay I keeneen Burco salaadii cishaa’i ka bacdi, waxyar markii aanu joognay ayaa gaadhi la ii keenay dabadeedna guure ayaa la igu keenay Hargaysa.”

Xirsi oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in mar la geeyay Maxkamada Gobolka Hargeysa, si loogu qaado kiiska, balse ay Maxkamadu horjoogsatay soona saartay qaraar sheegaya in ayna iyadu xaq u lahayn “Sidii maalintaa la ii xidhay ilaa maalintii aan soo baxay wax Hay’addaha garsoorka ah oo la igeeyay ma jirto, marka laga reebo maalintii koobaad ee ay I geeyeen Maxkamadda Gobolka Hargaysa, taas oo waydiisay in la igu qabtay fal-dambiyeed iyo in kale, kadibna ay ku jawaabeen CID-du fal-dambiyeed aanu ku qabanay ma jirto, waxay waydiiyeen waaran iyo meesha la iga soo qabtay, waxayna u sheegeen in la iga soo qabtay Burco, kadibna Maxkamadu waxay ku tidhi Buro haddii laga soo qabtay Maxaa loo soo dhaafiyay? Dabadeedna Maxkamadii waxay soo saartay qaraar ay leedahay meeshii laga soo qabtay ayaa xaq u leh ee anaga dhankayaga way ka baxsantahay, maalin dambe maxkamad la imagaynin ilaa intiina waxaan ku xidhnaa CID-da.”

Mudane Xirsi oo Hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in uu xadhigiisu la mid yahay kuwii hore ee ay xukuumadu u xidhay haldoorka shacabka, “Xadhigayga runtii waxaan ku fasiri karaa uun sidii in badan oo haldoorka bulshada ka mid ah ay ku fasileen in uu ahaa aargoosi siyaasadeed, oo la iga daba joogo Komishanka Doorashooyinka markii aan ka tagay iyo haddaladii adkaa ee aanu is waydaarsanay xukuumadda ayuun baan filayaa.

” Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxa kale oo sheegay inuu xadhigan u dareemay inuu ahaa aargoosi siyaasadeed oo la xidhiidha hadalo ay hore isku waydaarsadeen xukuumada, isaga oo arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Waayo, su’aalihii ay iwaydiinayeen CID-du waxa ay u badnaayeen waxii ka horeeyay 15 May iyo asbaabihii aan uga tagay Komishanka iyo wax la mid ah, markaa runtii waxaan dareemayaa midhkaa ay bulshada haldoorkeedu ku fasileen oo ah inay ahayd aargoosi siyaasadeed, mana aha wax kow ah ee xukuumada hore ayaa looga arkay mar iyo lababa, laakiin xadhigo mushkilad ma leh oo ragu wuu gayaa oo rag badan oo iga shafar badan oo karaamo badan aya la xidhay, laakiin xadhigu haduu noqdo xadhig aan xaq kugu ahayn xasuus buu kugu reebayaa” Xirsi oo shirkiisa jaraa’id kaga hadlay dhinacyo badan oo la xidhiidha xadhigiisa, ayaa eedaynta Wasiirka ku tilmaamay wax layaab leh “ Runtii waxa ka sii mihiimsan in aan caawa ka hadlo oo mihiimada koowaad ii leh eedayntii Wasiirka Arrimaha guduhu ii soo jeediyay ee ahayd in aan Al-shabaab xidhiidh la leeyahay, wax layaab leh bay ahayd.

Runtii waxa igaga filan in aan caawa anigu isku sheego caynkaa ma ihi, waxa ka muhiimsan waxa bulshadu kugu sheegto, bulshaduna way ku dafirtay, ilaa iyo xukuumadda halka ugu saraysa way ku dafireen in ay la qabaan wasiirka eedaynta uu ii soo jeediyay, waxay ii sheegeen odayaal ka soo jeeda beeshayda oo la kulmay Madaxwaynaha in uu xaal ka siiyay arrinkaa Cabdillaahi Cirro, oo uu yidhi isaga ayay ku koobantahay, xukuumadduna Xirsi uma haysato in uu yahay Al-shabaab, taana waxa sii cadaynaysa iminkaba in la isii daayay iyada oo aan Maxkamad iyo meelnaba la imarin.

Waxaan ku fasili karaa hadalka Cabdillaahi Cirro hadal aanu ka fiirsan oo muujinaysa god-dalooladiisa, ama la odhan karo masuuliyadda uu qaranka u hayo sida aanu ugu fiirsan, masuuliyaddana qof uma hayo ee qaran buu u hayaa, masuuliyadda uu qaranka u hayo ee aanu ka fiirsan maxay keeni kartaa, waxaan isleeyahay malaha Cabdillaahi Cirro shaqadiisu waxay ahaan jirtay NSS, markaa luuqadii basaasnimada mooyaane luuqadii dublamaasiyadeed ee uu u baahnaa xafiiska Arrimaha Gudduhu ee dibad iyo gudaba saamaynaysay malaha umuu dhug yeelan, waxaan odhan karaa Cabdillaahi Cirro iyo rag badan oo Wasiiro ahi, waxa ku kalifay, waxaanay garanayn waxa uu doonayo Madaxwayne Daahir Rayaale mayaqaaniin, waxaana ku adag ama aanay awood u lahayn in ay ka dhaadhiciyaan waxa ay doonayaan, taas ayaa kaliftay in uu wax sii sheego aanu garanayn in ay yihiin wax shacabka iyo xukuumadda raali gelinaya loona helayo wax daliil ah.

Waxaan odhan karaa Cabdillaahi Cirro arrintaa Al-shabaab ee uu yidhi, anigu waxaan u arkaa in uu iigu talo galay shirqool, waana shirqool shaqsi ah, markaa waxa aan u dib dhigi doonaa in aan wakhtiga ay gaadho Maxkamad iyo dariiqo sharci ah oo lagu kala sad qaado ay yimaadaan oo ku haboon in aan waydiiyo, kamana hadhi doono, waxaanan la socodsiiiyay iminkana la socodsiinayaa wax badan oo ka mid ah Hay’addaha Caalamiga ah iyo adduunyada ciddii u fiirsata waxyaabaha noocan ah.

Anigu Al-shabaab meelna kama soo galo, lama xidhiidhin, waligay ma noqon, waxna nagama dhexeeyaan, bulshaduna way itaqaanaa, ilaa iyo 1987-kii oo aan u talaabay SNM, ilaa intii ka dambaysay waxaan ku noolaa wadanka gudihiisa. Hadalkaasina waa hadal uun ALLE ka sii qaaday Wasiirka.

Wasiirka sida ka muuqata markan uu hadlayay iyo marar badan oo kale, marka uu saxaafadda hor yimaado ayuu malaa khalkhalaa oo ay iskaga darsantaa, oo dabadeeto waxa u sahlanaatay in uu yidhaahdo waa Al-shabaab, ma aaminsani qof Al-shabaab ah in uu joogo Somaliland, aniga iyo qayrkayna daa, Haddaan anigu ahay Al-shabaab waxa iswaydiin leh oo aanu Wasiirku ka fiirsan, nidaamkii dawliga ahaa ee aan ka tirsanaa ee Komishanka Qaranka, muddo afartan cisho ah ayaan ka maqnaa, waxa isoo magacaabay Xisbiga Kulmiye, waxa iswaydiin leh Kulmiye ma Al-shabaab ayuu soo magacaabay, waxa magacaabistii dhabta ahaas isii magacaabay oo Baarlamaanka ii gudbiyay Madaxwaynaha, Madaxwaynuhu ma Al-shabaab ayuu magacaabay, dee isagana isku kiis ayaanu nahaye waa in isagana la yidhaahdaa waa Al-shabaab, Golaha Baarlamaanka 54 mudane ayaa ii codeeyey, waxaan filayaa in ay iyaguna kiis gelayaan, waxa ka daran, waxa madaxwaynaha hortiisa ugu dhaariyay Maxkamadda sare ee wadanka, waxaan ka sii gudbay intaa Komishanka oo Hay’ad qaran ah waxa ay ii doorteen Guddoomiye-ku-xigeen, intaas oo dhami ma qof Al-shabaab ah ayay doorteen oo ay meesha keeneen, haddii uu Cirro ka fiirsado wuu ka joogsan lahaa, markaa hadda maalintii la isoo daayay waxaa laga joogaa 7 maalmood, waxa ii yimi ergo, la ileeyahay Wasiirkii wuu ka noqonayaa mawduucii noocaas ahaa, waan sugay oo waxaan is idhi jaanis sii oo ninkii masuulka ahaa yidhi waan ka noqonayaa, intaa waan sugayay kamanuu noqon, taas ayaa keliftay in aan anigu ka hadlo oo haddii uu cadayn waayay isagu aan anigu caddeeyo in aanan meelna ka soo gelin Al-shabaab, bulshadana u meel dhigo, haddii uu ka noqon lahaana sharaf iyo karaamo ayay u noqon lahayd, taasina malaha rag badan way ku adagtahay.

Waxaan leeyahay haddii uu Wasiir Cirro ku tababartay nidaamkii Siyaad Barre ee qabta iyo ii haya, xidha, wuu xujoobay iyo xabad ku dhufta, haddii ay tii tahay, halkani waa Somaliland, xisaab baa ka dambayn doonta, waana la is waydiin doonaa, weligiina kursiga ku fadhiyimaayo, godobaha siyaasadeed ee noocan lagu galaa waa ta Afrikaanka ku kelifta in uu kursiga isku sii dhejiyo, ee uu isaga oo xor ah mari kari waayo banaanka aad aragto, wasiirka waxaan leeyahay ha isku gelin godobaha siyaasadeed ee noocan oo kale ah ee ka digtoonow.

Waxa kale oo layaab lahayd oo masuuliyad darrada wasiirka ka mid ah, markii la isoo daayay ee la yidhi orad iska tag, illaa hadda gaadhigaygii, Mobile-kaygii, Qorigaygii iyo baaskooladaydii sharciga ahayd ee aan anigu shakhsiga u lahaa way xidhan yihiin, wasiirku waxa uu yidhi waraaqdii Madaxwaynuhu soo qoray oo cadaynaysa meesha la iga xidhay in ay madaxtooyada ahayd, kumay qornayn gaadhiga iyo Mobile-ka siiya ee Madaxwaynaha ha la soo waydiiyo, qofka maxbuuska ah iyo alaabtiisuna ma kala hadhaan, waana waxyaabaha layaabka leh, sidee buu masuuliyad qaran u qaadi karaa qofkaa la sii daayay alaabtiisi raaci, waanay ku maqantahay ilaa hadda, waana masuuliyad darrada wasiirka ka haysata wasaaradda Daakhiliga. Waxaan bulshada uga tacsiyadaynayaa hadalka qadhaadh ee ahaa in caalamka indhihiisa lagu soo jeediyo iyo in dadka mudanka ah la yidhaahdo waa Al-shabaab maalinba qof inta la qabto, waana arrin fool xun.

Xirsi Cali Xaaji Xasan, markii uu shirkiisa jaraa’id dhammeeyay waxa la weydiiyay su’aalo kala duwan oo u dhacay sidan:

Xirsi waxaad sheegtay in xadhigaasi uu yahay mid xasuus kugu reebaya, markaa dacwadda aad furanayso ma xukuumadda hadda jirta ayaad u gudbinaysaa, mise waxaad la sugaysaa in xukuumad kale dhalato, mise marka isaga xilka laga qaado ayaad isaga oo shicib ah aad dacwaynaysaa, bal caddee?

Xukuumadda hadda jirta ayaan u bandhigayaa dacwaddiisa, haddii ay suurtowdo in dacwaddiisa si xaq ah oo xalaal ah u qaadaan, dadka xukuumadda ku jira oo dhami ma wada xuma, markaa waan u bandhigayaa xukuumadda jirta, waanan ku qancayaa haddii ay si xaq ah u qaadaan. Haddii ay qaadi waayaana waxaan la sugaa ciddii ku haboon.

Xirsi waxaad sheegtay in Wasiirku kugu shaambadeeyay wax gef ku ah shakhsiyadaada, isla markaana aanad ka hadhayn, markaa talaabadan ta xigta ee aad uga gudbaysaa maxay noqonaysaa?

Waxaan u bandhigayaa Hay’addaha Garsoorka, haddii ay tani [xukuumadani] wax ka qabanwaydana dawladdii ay suurtagal noqoto in ay dacwadayda qaadi karto ayaan u bandhigayaa.

 

 



Source: Wargeyska Geeska Afrika