XIRSI OO KU NOQNOQDAY HALKUU JILICSADAY IYO HAWSHII SAMAALE OO UU LA WAREEGEY

 


Golaha Wakiiladu maanta heys furdaamiyo oo maruun ummaddan ha ka farxiyo, ha diido cashuurtan ka baxsan nidaamka xukuumadda.

Seddex cisho gudaheed ayuu Wasiir Xirsi u talaabsaday isagoo laafyoonaaya dhinaca Golaha Hurdada iyo Sacabka, doorkan waxuu iska tuuray nidaamkii ka muuqaday boqoshadii hore, waayo waxuu aragy sida uu uga ilmo dhalay booqashadii hore. Waxuu iska tuuray Wasiir Qurbajoog ee loo magacaabay Golayaasha Aadan Axzmed Warsame ooy ahayd inuu la socdo, halkiisii waxuu keenay saaxiibkii oo u heelanaa inuu qayb ka ahaado sacab tunka waa ninkii xilkan hore u hayey oo haddana ah Wasiir Xigeenka Ganacsiga. Yaab! shir guddoonkii ay ahyd inay arrintan is hortagaan waxay noqdeen qaar sidoodii iska qosla oon arrintan nidaam darrada ah ee ku lidka ah barootakoolka mabay dareemin.

WAsiir Xirsi waxuu la yimid arrin ka baxsan shaqadiisa oo waliba ah tan ugu muddan ee ay u xil saaran yihiin ilaalinteeda. WAxuu ka hadlayaa cashuur iyo cashuur iyo cashuur. Waa waajibaadkii Wasaaradda maaliyadda. Wasaarad kasta arrinta ay wadato ee ku sabsan cashuurta waxay u gudbisaa Maaliyaddda oo iyana ku darta Miisaaniyadda oo Golaha horkeenta. Arrintana waxay jideynaysaa burburka Wasaaradda Maaliyadda, oo waxa iman doonta inay Hawlaha Guud iyana leesamada idin horkeenan, iyo in cashuurta beeraha ay la timaado Wasaaradda beerahu. Waxa is weydiin leh halkuu jira Wasiir Saamale oo maxaa aamusiiyey? Jawaabtu waxa weeyi inuu la ogyahay oo arrintu tahay sidii loo fududeyn lahaa dhaca iyo boobka oo nidamka yar oo taagta daran ee maliyadda loo maro gabigiisaba meesha laga saari, lacagtanina noqoto mid aan cid ka hadal oo toos Xirsi ayna cidi ku wehelin, Saamalena noqdo ninka ugu shaxaadka badan si uu u helo lacag uu ku kala jabiyo KULMIYE siduu u n qaybiyey Sacad Muuse.

Waxa talo u taala Golaha Wakiilada. Waayo berrito hadday ansixiyaan Xirsi waa ceeb ka saliim, dulmiga iyo boobka dhacana waa mid ay iyagu xalaaleeyeen, if iyo aakhirana ay dambigeeda qaadi doonaan. Xirsi waxuu keeney wax baal marsan sharciga laakiin hadday iyagu ansixiyaan noqonaaya sharci. Cidda kolkaas dambigeeda lihi ma aha Xirsi ee waa Golaha Wakiilada.

Maxa iyada ooy dhawday Miisaaniyaddi maxaa keeeney in la horkeeno cashuur aan ku jirin miisaaniyadda, maxa keeney cashuur ayna soo qadimin Wasaaradda Maaliyaddu, maxa keeney cashuur ka baxasan xisaabaha hoos yimaada xisaabiyaha guud iyo Hantidhowrka..

Ma tahay cashuur ku baxasysa sifo nidaam ah. Ma atahay mid jidadka la dhisaayo ay noqon doonaan qaar ku baxa tartan iyo qandaraas. Maya oo hore ayaaba cid loo siiyey. Wasiirka sheegey in la siiyey shirkadii uu adeerka u yahay Madaxweyne Siilanyo ee Madaarka dhistay bila tartan iyo bila xisaab. Ma sidaas ayaad Qoslaayow Cod ummadda kaga rabta, ma sidaas ayaad Samaalow aad raali uga tahay. Ma sidaas ayaa Golahu oggolaan. Aan eegno waxa ay ku dambeyso.

Rag kala bax, oo maanta waxa muuqataya in ninka dhalinyarada ah ee Ina Mahdi Buuba yahay xildhibaan waajibkiisa gutay. Waxa la tabayaa raggii adkaa ee mee Siciid Cilmi Rooble, Mee Qabile, kaalintii Marxuum Axmed Weyne ayaa buuxiyey. Reytow waxan maqlay inaad debedda joogto laakiin aamuska dhaaf oo TVga ka hadal waxaad tahay nin ummadda wax fahamsiin kara.

War Golahu Wakiiladu maanta heys furdaamiyo oo maruun ummaddan ha ka farxiyo.

Madaxweyne waan kuu duceeya in Alle ku tuso qaladka ay ku heshiiyeen Xirsi iyo Samaale iyo Qoslaaye.

 



Cabdi Xaaji Axmed
hargeysawi@ymail.com