XISAABAHA GAARKA U AH WASIIR SAMAALE EE UU KU DARSADAY MIISAANIYADDA-1
 


Waxa hore aan idinku sheegey sida iga soo gaadhay masúul wasaaradda maaliyadda ka tirsan sida uu Samaale uu miisaaniyaddii 2013 dhismaheeda uga dhigey mid aan cidi kale aqoon oo u u wasiir walba uu gaar ula gor gortamay siiyeyna inta isaga khuseysa oon wasiirna ogayn kan kale miisaaniyadiisa, taasina ay dhantaashay doodi laga yeelan laha miisaaniyad qaran oo u dan ah ummadda. Haddaba hadafka uu taas ka laha waxa ay tahay inuu helo xisaabo uu keligii miisaaniyadda gashado oon cidi ku ogaan. Waana kuwan qaar ka mid ah oon halkan idiinku soo gudbin doono.

Xisaabahaasi dhamman waa qaar uu Wasaiir Samaaale keligii Maamulo oon cid kale awood u lahayn kana war hayn sida loo bixiyo iyo cidda la siiyo toona. Waana mid ka baxsan habaka loo maamulaa nidaamka dawladda. Waxa Samaale uu Wasaaradda la yimid boob iyo dhac qaa wan oon cidina ku haysan. Waana mid ayaan darro ah in la waayo cid dhacan joojisa. Waxa muuqata inuu helay awood qarsoon oo uu ku jaahwareeriyey xukuumadda, hantidhowrkuna noqday mid wasiirka u shaqeeya halkuu noqon laha kan wasiirka xisaabiya.

IJAARKA GAADIIDKA, GURYAHA ...oo aha 270 milyan sanadkii 2012, waxuu ka dhigay 600 milyan SlSH korodh ah 330 MILYAN

KHRASHKA LACAG URUURINTA aha 600 milyan 2012, waxuu ka dhigay 1500 milyan korodh ah 900 milyan

LA-DAGAALANKA KONTRABAANKA aha 219 milyan 2012, waxuu ka dhigay 1150 milyan korodh ah 931 milyan

Xisaabaha kale ayaa ka cajiib badan oo qaarkood aad la yaabi doonto magaca ay sitaaan iyo khrashka ku jira, ee bal isu geeya korodhsiimada seddexdan xisaabood oo keliya. halkey 2012 ka ahaayeen isugeyn 1089 milyan waxuu ka dhigay Saamaale 3250 milyan una dhiganta koro dhsiimo 300% ah. Lacagtaas lama naaqishin Golaha Wasiirada, waayo lamaba keenin oo Saa male isaga ayaa Wasaarad kasta la xisaabtamay si gooni ahna u siiyey miisaaniyadda WAsaa radiisa oo keliya, tiisna cidi mey arag mana naaqishin xata Madaxweynaha waxba lagama wey diin.

Ma tahay wax macquul ah in sanad keliya khrash intaas leegi kordho , maxay asnsixiyeen Gol aha hurda ee Wakiiladu, bal wareysta oo heli mid keliya oo xata idiin qira inuu arkay lambarad an, is daa inuu naaqisho amba oggolaadee.

Waa ayaan darro ina haysata.
Waxaa inoo xigta xisaabo kuwana ka yaab badan ee la soco.

Madaxweyne waan kuu duceeya in Alle ku tuso halka maalkii maataada iyo danyarta laga uru uriyey halkey ku baxday. Waan kuu duceeya ee Alle ha ku siiyo caafimaad.
 

 


Cabdi Xaaji Axmed.
Hargeysawi@ymail.com