WAR-SAXAAFADEED

 


Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka ee UCID waxa uu cambaaraynayaa tacaddiga ay xuk uumadu joogtaysatay inay kula kacdo muwaadiniyiin aan wax danbi ah faraha kula jir in iyo tumashada ay xuuqda muwaadiniyiinta kula dhaqmayso.

Waxa aanu cambaaraynaynaa xadhiga xaq darrada ah ee ay xukuumadu xabsiga ugu taxaabtay ugu horayn:

1.Xoghayaha xanaanada xoolaha ee xisbiga wadani.
2.Dhallinyarada tirada badan ee gobolka Awdal.

Waxa aanu cadaynaynaa inaan muwaadin aan fal kula jirin faraha qunyar inta loo cag a jugleeyo xabsiga laysaga taxaabi karin sida ku cad dastuurka.Balse xukuumada tala da dalka haysaa ay si sharciga baal marsan muwaadiniyiinta xabsiga ugu taxaabto, ta asina ay tahay awood sheegasho shuruucda xaquuqda muwaadinka baal marsan.

Waxa aanu ugu baaqaynaa xukuumada iyo masuuliyiinta ay khusayso inay si dhakhso ah oo aan shuruud lahayn ugu soo celiso xorriyada xogahayaha x.xoolaha ee xisbiga wadani iyo dhallinyarada xaqdarada ugu jira xabsiga.

Waxa kale oo aanu ogaysiinaynaa cid kasta oo ka mid ah masuuliyiiinta xukuumada h aday mar danbe ku tacadido xuquuqda iyo xorriyada muwaadiniyiinta aan faraha kula jirin wax danbi ah inaanu sharciga hor keeni doono,waxa ummada u ballan qaaday shareecada islaamka,dastuurka iyo xeerarka dalka u yaala.

Mar labaad waxa aanu leenahay waa in si dhakhso ah loogu soo celiyo xorriyada dham aan muwaadiniyiinta xabsiyada ugu jira sifo sharciga ka baxsan.


Allaa Mahad Leh

Xuseen Xasan BadmaaxHuman Rights SecretaryJustice and Welfare PartyUCID