Xisbiga Kulmiye La’aantii, Dalka iyo Dadkaba Dunidu way illaawi lahayd

 


Ku dayasho ayuu mudanyahay Xogyaha Arrimaha Dibedda ee Kulmiye,Prof/Dr. Moh ahamed Abdillahi Omar.


(Qaybtii 1-aad)

By: Eng/Architect Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr){The Netherlands & UK} Shaki kuma jiro in Xisbiga Siyaasiga ah ee Kulmiye kasbaday xushmad iyo ixtiraam uu ka helay dadweynihiisa reer Somaliland (gudaha & dibeddaba), bulshada caalamka, dal alka iyo ururrada deeq-bixiyeyaasha iyo dalalka qadiyadda Somaliland sida gaarka ah u daneeya.

Waxana ammaan iyo ku dayoshaba mudan Xoghaya Arrimaha. Dibadda ee Xisbiga Kulmiye Prof/Dr. Mohamed Abdillahi Omar, guulaha wax ku oolka ah ee uu dalkiisa, dadkiisa iyo xisbigiisaba u soo hooyay.

Xoghayaha arrimaha dibadda, Professor/Dr. Mohamed Abdillahi Omar waxa uu  deda al laxaad leh ka sameeyey xagga aqoonsi raadiska Somaliland. Waxa uu Somaliland u sameeyey xidhiidho caalami ah oo waaweyn, waxana uu ka soo hooyey guulo la  taa ban karo oo wax ku ool ah. Waxa uu gaadhay meelo ay xukuumaddu 7-daa sano ee ay talada dalka hayso aysan weligeed gaadhin. Waxa uu qadiyadda aqoonsiga iyo gooni isu-taagga Somaliland ka jeediyey, kaga dooday isla markaana ka difaacay xarumo aqooneed, shirar iyo madallo caalami ah, oo dunida looga arrimiyo, taasoo uu si cad u soo bandhigay dhacdooyinka iyo guulaha ay Somaliland kasbatay, kuwa asoo aan horeba Afrika uga dhicin.

Midhaha iyo maxsuulka ka dhashay dedaaladii la yaabka lahaa ee uu sameeyey  xo ghayaha arrimaha dibedda ee xisbiga Kulmiye waxaa ka mid ahaa xal u helidda  khil aafkii siyaasadeed ee dalka gilgilay, kaddib markii ay xukuumaddu laashay diwwan gelintii liiska codbixiyeyaasha. Waxa uu wadammada deeqbixiyeyaasha iyo dalalka Somaliland saaxiibka la ahba kala shaqeeyey inaan bulshada caalamku Somaliland takoorin oo aanay dhabarka u sii jeedin ee lagala shaqeeyo hirgelinta hannaanka dimuqraadiyadda ee dalka ka hirgalay iyo sidii ay doorasho xor iyo xalaal ahiba dalka uga dhici lahayd. Waxa uu deeqbixiyeyaasha iyo kuwa Somaliland daneeyaba hor dhiagay kalana shaqeeyey 6-dii qodob ee markii dambe xalka noqday ee soo afjaray khilaafka, dhammaanna la isku wada af-gartay.

Somaliland waa dal Afrikaan ah, sabool ah, welina aan haysan aqoonsi caalami ah.
Hadal-haynta Somaliland ee dunida iyo hanka beesha caalamku inoo qabtoba way yaraan lahaayeen, haddii aanu xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye qadiyadda iyo xaaladda siyaasadeed ee Somaliland mar walba heegan u ahayn oo aanu dhegaha iyo indhaha caalamka si joogto ah ugu baraarujinayn.

Waxa si cad oo muuqata loo odhan karaa in Xisbiga Kulmiye guud ahaan, gaar  ahaa na xoghayaha arrimaha dibedda ee xisbigu Prof/Dr. Mohamed Abdillahi Omar uu  ha yo xilkii iyo masuuliyaddii siyaasadda arrimaha dibedda ee dalkeena hooyo, kaasoo ay xukuumadda iyo xisbul-xaakimkuba hagradeen kana seexdeen. (Waxqabadka ballaadhan ee xoghayaha arrimaha dibedda /Kulmiye, la soco Qaybta 2-aad).

1. Hilin laba dhinacle ah (mutual gateway):

Wasaaradda arr. dibeddu waxay ka mid tahay tiirasha ugu muhiimsan ee dal kasta iyo dawladda ka talisaba ay ku tiirsan yihiin. Guud ahaanba dalalka dunida ee ay hannaanka dimuqraadiyaddu sida wacan uga hirgashay, wasaaradda arrimaha dibadda waxay siiyaan mudnaan iyo muhimmad gaar ah. Habka iyo hannaanka ay wasaaraddani u hawl gasho ayey dunidu ka dhex akhristaa nooca iyo nidaamka xukuumadda dalkaa ka jirtaa ay u shaqayso.

Waaxda arrimaha dibeddu waa muraayadda iyo muqaalka laga dhex akhrisan karo dal walba siyaasaddiisa iyo horumarkiisa.

Waxay ka warbixisaa mudnaanta iyo ixtiraamka uu dal dunida dacalladeeda ku  leeya hay iyo sida loogu hanweyn yahay loogagana dayan karo fikradaha, horumarka iyo waxyaabaha cusub ee dalkaasi dunida u gudbiyo. Waa hilin laba dhinacle ah (mutual gateway), oo dalku dunida u sii maro, duniduna dalkaasi u soo marto.
Waa haya’dda dal walba loo sii mariyo wixii mashaariic iskaashi, horumarin, difaac, aqoon, farsamo ama teknoolajiyadda ah. Qaabka iyo hannaanka ay waaxdani u hawl iyo loollan gasho, dalkana uga warbixiso ayuu dal ku hanan karaa ama ku lumin karaa saaxiibo ama xulufo ay dano, afkaar iyo iskaashiba ka dhexeeyaan.


Wahsiga iyo tabar-darrada ka muuqata waaxda arrimaha dibedda ee uu dallee yah ay, waxay markhaati cad u tahay inay dalkaa isaga ah ka jirto: maamul iyo talo - x umo, awood-qaybsi la’aan, keli-telisnimo, musuqmaasuq, cadaadis iyo cabudhin dadweyne.

Wadamada ay xaaladdan oo kale ka jirto, badanaaba wasaaradda(wasiirka)  arrima ha dibeddu ma laha fir-fircooni, go’aan qaadasho iyo xil-gudasho. Waxayna xukuumadda talada haysaa ku dedaashaa in aysan dunida kale la yeelan xidhiidh iyo siyaasad furfuran oo dibadeed. Dunida ayey dhegaha ka furaysataa, si aan dunida u ogaan waaqiciga dhabta ah ee dalkeeda ka jira.
Sidaa darteed, wasiirka iyo wasaaraddiisa toona lama oggola inuu noqdo mid fir-fircoon, maadaama aan la rabin inuu su’aalo badan oo dunidu weydiin doonto ka jawaabo

Dalalka aan lagaga dhaqmin hannaanka dimuqraadiyadda, ee aysan dadku  hoggaan ka dalka iyo dawladda midnaba dooran karin(sida Dunida Carabta, Afrika iwm), bal u fiirso magaca iyo culayska ay leeyiin wasiiradooda arrimaha dibaddu!! Keliya waa magac u yaal, ku khasban inuu rabitaanka hoggaamiyaha dalka u hoggaansamo.
Sidee lagu gartaa inay xukuumadi u hoggaansantahay rabitaanka dadkii soo doortay ee codkooda siiyey iyo in kale?

Xukuumad ku timid hannaanka dimuqraadiyaddu, inay habow tahay oo ay ka  leexat ay sifihii lagu soo doortay iyo sharciga dalka u yaal, waxaad ku garataa waa marka wasiirka Arrimaha Guduha (ama Maaliyadda) uu qabto shaqadii arr. dibedda, ee uu yeesho go’aanka iyo jaangooyada siyaasadda arrimaha dibedda. Waa marka uu wasiirka arr. Guduhu ugu baxo wefdiyo dibedda iyo booqasho caalamka ah, halka wasiirkii khaarajiguna joogo dalka gudihiisa!

Haddaba dawlad ictiraaf doon ah oo rabta in dunidu aqoonsato, miyey isku qaldi kartaa shaqada iyo xilalka wasiirrada Gudaha iyo Dibedda?
Haddii danta dalka iyo dadkaba xukuumaddu daacad ka tahya: Maya!



2. La jaan-qaadi kara dhacdooyinka ku xeeran dalka iyo xogaha ka maqan  dadweyn aha:

Waxa muuqata in Xisbiga Kulmiye uu si fiican u fahmay in dunidii kala dheeraan  (fog aan) jirtay, ay hadda aad isugu soo dhawaatay. Way yartahay hadda meel aan  du nida dacalladeeda 24 sacood gudahood lagu gaadhi karayn. Isku soo dhawaanshaha dunidu waxa uu abuuray fursado iyo khataro cusub labadaba. Xisbiga Kulmiye waxa uu si quman u fahmay in fursadahaa cusub ee abuurmay ay keeni karaan xidhiidh iyo wax isweydaarsi caalami ah, ha noqoto xagga dhaqaalaha, ganacsiga, gaashaan dhigga, horumarka aqoonta iyo teknoolojiyadda, ka hortagga colaadaha iyo kobcinta nabadda, daryeelka xuquuqda aadamaha, iwm.

Haddaba marka la eego aqoonta, waxqabadka, hannaanka maamul iyo hufnaanta shaqo ee ka muuqata waaxda iyo laamaha arrimaha dibadda ee xisbiga macaaridka Kulmiye, waxaad dareemaysaa inay tahay waax diyaar u ah hanashada xilka culus ee siyaasadda dibedda iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Somaliland ay u oomantahay.
Waxa hubaal ah in Waaxda Arr. Dibedda ee Xisbiga Kulmiye, oo uu horseed ka yahay Professor/Dr. Mohamed Abdillahi Omar ay la hanaqaadi karaan isbeddellada  siyaas adeed, dhaqan iyo dhaqaale ee gobolka, qaaradda iyo caalamka ka socda. Waxay si qoto dheer u fahansan yihiin qaabka iyo istraatejiyadda ay dawladahu waqtigan xaadirka ah wax isku dhaafsadaan danahoodana u kala fushadaan, taasoo keeni karta inay dalka iyo dadkaba si fiican ugaga wakiil noqon karaan xarumaha caalamka ee lagu gorfeeyo laguna jaangooyo siyaasadda iyo dhaqaalaha adduunka.

3. Waxyaabaha saldhigga u ah in Xisbiga Kulmiye hanto kalsoonida Bulshada:

Waxyaabaha saldhigga u ah in Xisbiga Kulmiye uu hanto kalsoonida dadka Somaliland iyo ta bulshada caalamkaba waxa la odhan karaa waxaa saldhig u ah:

Waxqabadka Xidhiidhka Dibedda & Qadiyadda Gooni isutaagga Somaliland:

Hannaanka iyo habsami u socodka Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Xisbiga Kulmiye iyo guulaha u soo hoyday xisbiga oo run ahaantii ku dayasho mudan, kuwaasi oo uu horseed ka yahay xoghayaha arrimaha dibedda ee xisbigu, Prof/Dr. Mohamed Abdillahi Omar.


Marka ay noqoto qadiyadda gooni isu-taagga iyo ictiraaf raadiska Somaliland, Xisbiga Kulmiye waxay ugu jirtaa kaalinta 1-aad. Afkaaraha haga Xisbiga Kulmiye ee uu ku hawl galo horseedkana uu ka yahay waa dadaalka iyo xilka uu iska saaray u ololaynta qadiyadda ictiraaf raadiska, taasoo dalka iyo dadkaba mudnaanta koowaad u leh.

Xagga Arrimaha Gudaha iyo Gudashada Xilka iyo Waajibaadka Qaran:

Xisbiga Kulmiye waxa uu dhawraa kuna dhaqmaa distoorka iy shuruucda aasaasiga ah ee dalka u dhigan; isla markaana waxa uu aaminsanyahay horseedna ka yahay hirgelinta iyo horumarinta hannaanka dimuqraadiyadda, sugidda xuquuqda  dastuuri ga ah ee muwaadinka, ilaalinta karaamada iyo sharafta dalka iyo dadka, difaaca iyo sugidda nabada qaranka, xorriyatul qawlka iyo saxaafadda madaxa bannaan.

Isagoo Xisbiga Kulmiye la yimid dulqaad, xilkasnimo, dal-jacaylnimo, dhawridda  dan ta dalka iyo ta dadka, isla markaana ka hortaga xalna u raadiya khilaafka iyo muranka siyaasadeed ama distooriga ah ee ay xukuumaddu badanaaba horseedka ka tahay.

Xisbiga Kulmiye oo leh barnaamij wax qabad oo cad iyo ajenda la taaban karo oo ku wejehan: Hanashada Hoggaanka Qaranka iyo Gudashada Xilka iyo Waajibaadka Bulsho ee Baaxadda leh. Barnaamijka wax qabadka ee X.Kulmiye waxa aasaas iyo  sa ldhigba u ah: caddaalad, maamul tayo wanaagsan, awood qaybsi, shaqo badan iyo hawlkarnimo, kobcinta dhaqaalaha iyo khayraadka dalka, dhiirri-gelinta maalgashiga iyo suuqa xorta ah, la dagaalanka musuqmaasaqa, kobcinta iyo wanaajinta tirade  iyo tayada adeegyada bulshada ee asaasiga ah, shicibka oo awoodooda iyo  xuquu qdooda dastuuriga ah gacantooda lagu soo celiyo, u sinnaanshaha hantida, dakhliga iyo faa’iidada dalka soo gala.


(Waxqabadka ballaadhan ee xoghayaha
arrimaha dibedda /Kulmiye, Prof/Dr. Mohamed Abdillahi Omar
la soco Qaybta 2-aad).

 

 


By: Eng/Architect Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr)
{The Netherlands & UK}