Xisbiga Kulmiye oo
Dacwad u Gudbiyey Xeer Ilaalinta Guud ee JSL
Warsaxaafadeed uu ku saxeesan
yahay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Axmed Siilaanyo oo uu
dacwad ka dhan ah nin la yidhaa MAXAMAD XUSEEN KHALIIF uu u gudbiyey
Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka JSl Ayaa isagoo Dhamaystirnaa u
Qornaa sedan:-
Waxaanu la socodsiinaynaa Xeer Ilaalinta Guud in ninka la yidhaahdo
Maxamed Xuseen Khaliif uu rasaas ku riday madaxda iyo taageerayaasha
Xisbiga Kulmiye oo isu soo bax salmiya ka samaynayey xafiiskooda
hortiisa taariikhda 13 April 2009.
Ninkaasi oo horseed ka ahaa shirqool lagu damacsanaa in lagu dilo
qaar kamida masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye waxaa gacanta ku dhigay
ciidamda booliska ee goobta ku sugnaa waxaana loo gudbiyey Xarunta
Danbibaadhista ee C.I.D. ee Hargeysa, iyadoo aanu filaynay in
baadhis lagu sameeyo dhacdadaasi iyo ciddii ka danbeysay
shirqoolkani.
Waxaanu muddo yar kadib ogaanay in la sii daayey eedaysanahaasi,
iyadoon dembigaas aan la baadhin oo wax la nala weydiiyey aanu jirin
iyo iyadoo la hayo markhaatiyaashii goobjooga ahaa.
Xeer-ilaaliyaha Guud waxaa kaloo aanu la socodsiinaynaa, inuu
falkani ahaa mid abaabulan oo lasoo qorsheeyey marka laga eego
qaabka uu u dhacay iyo sida fudud ee loo sii daayey eedaysanaha.
Hadaba waxaanu ka codsanaynaa Xeerilaalinta:-
1.In marka hore lasoo qabto eedaysanaha
2.In loo saaro guddi madax bannaan oo heer qarana oo baadhitaan ku
samaysa falkani.
WA BILLAAHI TAWFIIQ,
AXMAD MAXAMD SIILAAYO
GUDDOOMIYAHA XISBIGA
|