Xisbiga KULMIYE Oo Kulan Duco Iyo Xus Ah Hargeysa Ugu Sameeyay Marxuum- Cali Maarshaal
 


Hargeysa(Longlivesomaliland Newa)-Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE ayaa kulan duco iyo xus ah ugu sameeyay maanta Huteelka Maansoor ee  Magaal ada Hargeysa, illaahay ha u naxariistii Madaxii olalaha doorashada xisbigaasi ee gobolada Galbeedka Somaliland Marxuum-Cali Muxumed Guulleed (Cali  Maa rshaal), oo khamiistii ku geeriyooday shil baabuur ka dhacay dulleedka  Berb era, xiligaasi oo uu u socday soo dhawaynta Guddoomiyaha KULMIYE oo ka soo degayay madaarka Magaalo xeebeeda Berbara.


Xuskan Ducada iyo Baroor diiqda ah, waxa ka soo qeyb galay Hoggaanka  xis biga KULMIYE, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada, Taageereyaal ka tirsan Xisbiga KULMIYE oo shalay u yimid Hargeysa ka qeyb galka Aaska Marxuum-Cali Muxumed Guulleed, culimo iyo taageereyaal badan oo ka tirsan xisbigaasi.



Sh. Xasan C/Salaan iyo Sh. Maxamed Aadan oo ka mida culimada waaweyn ee dalka, oo xuskaasi ka hadlay ayaa marxuum- Cali Guulleed ilaahay uga  ba ryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo, waxaanay dadweynaha u soo  jeedi ye en in cibaadada iyo alle ka cabsiga ay laban laabaan. Waxaanay  sharaxa ad ka bixiyeen in adduunku uu yahay mid aan lagu nagaanayn oo hoyga u  ba a han in loo sahay qaataa rasmiga ahi ay tahay aakhiro.



Dhinaca kale, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed  Maxam uud (Siilaanyo) ayaa hadal uu ka jeediyay kulankaasi wuxuu faah-faahin ka bixiyay shakhsiyadii Marxuum Cali Guulleed, oo uu ku tilmaamay mid Halgan ugu jiray sidii dalkiisu u heli lahaa maamul toosan.



Md. Axmed Siilaanyo, wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay in  taageereya asha KULMIYE ay sii wadaan fikirkii iyo halgankii uu waday Marxuumka, oo uu illaahay uga baryay inuu u naxariisto, qoyskiisii,Xisbiga KULMIYE iyo Shacbi-weynaha Somaliland-na samir iyo iimaan uu ka siiyo.



Longlivesomaliland News Desk
Hargeisa Office/Somaliland