Xisbiga KULMIYE oo shaaciyay shir Waynihiisii Golaha Dhexe oo Qabsoomi doona14 Bishan April.

 

 



kulankii lagaga dhawaaqay xiliga uu qabsoomayo shirweynaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmi ye


Hargeisa (TNN)-Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE Md. Jaamac Ismaaciil Cigge (Jaamac Shabeel) oo shir jaraa’id maanta ku qabtay xafiiska Xisbiga ee Caasimadda Hargey sa, waxa uu Gudoomiyuhu ku wargaliyay dhammaan xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga ee ku sugan dalka gudihiisa ay sida ugu dhakhsaha badan ku yimaaddaan xarunta Xisbiga ee caasi madda ugu dambayn 10-ka bishan April.

kulankii lagaga dhawaaqay xiliga uu qabsoomayo shirweynaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmi ye waxaa hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Xoghayaha Gu ud ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid oo labadooduba sheegay in mudo lagu soo hawlanaa qab an qaabada qabsoomida shirkan isla markaana la go’aamiyay inuu shirka golaha dhexe qab soomo 14 bishan aynu ku guda jirno.

Ku-dhawaaqista wakhtiga loo cayimay qabsoomidda shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE ayaa ka dambaysay ka dib markii guddiga Diiwaan-gelinta ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranku ay shaaca ka qaadeen in dhammaan ururrada cusub iyo saddexda Xisbi ee hore u jiray laga rabo inay qabsadaan shirkooda golaha Dhexe inta aan la gaadhin wakh tiga loo cayimay in la soo gebo-gabaynayo.

 


Timacade News Desk
Hargeisa , Somaliland