WAR-SAXAAFADEED

 


Xisbiga Midnimada, Nabadda iyo Horumarka Jamhuuriyadda ee KULMIYE, waxa uu si wayn u soo dhawaynayaa go’aamada qiimaha leh ee ka soo baxay shirkii Awr-boog ays ee ay wadayeesheen xukuumadda Somaliland iyo beelaha Maxamuud Garaad, Hi njiinle iyo Kaskii Qabe ee kala dega Gobollada Sool, Sanaag iyo Xaysimo ee dalka Jam  uuriyadda Somaliland.

Go’aamada ka soo baxay shirka ka qabsoomay degmada Awr-boogays ee ka tirsan Gobolka Sanaag (19 ilaa 20 July 2016) oo ay kala saxeexdeen Wasiirrada xukuumad da ee Madaxweynaha Somaliland u igmaday iyo oday-dhaqameedyada beelahaasi, waxa nuxurkiisu ku qotomaa xoojinta midnimada, wadajirka iyo nabadgalyada dadka iyo dalka Jamhuuriyadda Somaliland, wax-wada lahaanshaha iyo ka wadashaqaynta horumarka ummaddiisa.

Xisbiga KULMIYE iyo hoggaankiisu waxa uu u arkaa natiijada shirka Awr-boogays mid muhiimad wayn u leh Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland oo kaalin mug leh ka qa adanaya taabbogelinta midnimada iyo wax-wadalahaanshaheeda guud ahaan umma dda Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidaasi darteedna, xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa oo ay caado u tahay ka midh o-dhalinta wax kastoo dan u ah dalka iyo dadkiisaba waxa ka go'an in si buuxda loo hirgeliyo heshiiska lagu gaadhay shirka Awr-boogays.

Wadahadalka, is-qancinta iyo isu-tanaasulku waa wax caado u ah Jamhuuriyadda S omaliland oo ay ku soo caano-maashay muddada 25 sanno ah ee ay ahayd qaran ma daxbannaan, isla markaana ay ku soo gaadhay heerka ay marayso maanta ee ah na badgalyada, xasilloonida, horumarka iyo dawladnimada ku salaysan nidaamka dimuq raadiga ah, waxaanay KULMIYE iyo xukuumaddiisu mar walba diyaar u yihiin oo ay soo dhawaynayaan in wadaxaajood iyo is-faham lagu qanciyo cid kastoo wax taban aysa gudaha dalkeenna, wixii aan ka horimanayn Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland.



ALLAA MAHAD LEH.



Xasan Siciid Yuusuf

_________________________________

Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE