WARSAXAAFADEED

 

 



Hargeysa (TNN)-"Somaliland oo 20 jirsatay waxay ka soo gudubtay marxalado badan oo adag. Somaliland Shacbigeeda wuxuu ILLAAHAY talada toosan waafajiyey shirkii Burco 1991, Markii ay lasoo noqotay Qaranimadeedii.Taariikhda ayaa marag u ah taladaasi inay ahayd mid dhaxal gal. Bal ufiirso dabka ka holcaaya Soomaaliya (Koonfur) iyo Nabada, Dawladnimada iyo Horumarka ka jira Somaliland.

Intii aynu dhisaynay Qaranimada Somaliland,Intii aynu dhisaynay Dawlada, Golayaasha sharci dajinta, Xukuumada,Garsoorka,Ciidamada Qalabka Sida, Asxaabta Qaranka waxa jiray kooxo Somaliland diid ah oo ku foogan carqaladaynta dhismaha Qaranka Somaliland. Cadawga Somaliland waxa uu u qaybsamaa laba qaybood:-

A. Mid waxaynu la wadaagnaa mandaqada Geeska Afrika iyo guud ahaan dalalka caalamka waa, Ururo diidan nuxurka dawladnimo, waxay kasoo horjeedaan kala dambaynta talana waxay ka yaqaanaan dil iyo dumin caalamkuna wuxuu u yaqaanaa Argagixiso, waana ku Qaraxyada ka gaystay Hargaysa, Madaxtooyada, Saafaarada Itoobiya iyo UNDP.

B. Cadawga labaad waa askhaas Somaliland u dhashay oo kasoo horjeeda Qaranimada Somaliland.

Dhacdadii Ceerigaabo wuxuu ahaa shirqool ay soo maleegeen Kooxda SSC oo kasoo horjeeda Qaranimada Somaliland, Xisbiga KULMIYE wuxuu Qaranka iyo Qoysaskii ay ka baxeen ka Tacsiyadaynayaa dadkii ku dhintay Shirqoolkaas. Marka aynu dhuuxno ujeedada Shirqoolkan wuxuu lahaa laba ujeedo.

1. Inay iska horkeenaan Beelaha walaalaha ah ee dagan Sool iyo Sanaag.

2. Inay iska horkeenaan Beelaha Bariga Somaliland iyo Xukuumadooda.

Hase yeeshee waxaa ILLAAHAY Mahadiiya in shacbiga Gobolada Bari iyo Dawlada siiba Ciidamada kala duwan ee Qaranku ay si fiican u fahmeen ujeedada Shirqoolkaa si wada jir ahna uga hortageen.

Xisbiga KULMIYE wuxuu ku bogaadinayaa shacbiga Gobolada Sool iyo Sanaag, Maamulka Gobolka Sanaag, Waftiga Dawlada ee heer Qaran iyo Ciidamada Qaranka ee sida Xilkasnimada iyo geesinimada leh ee ay uga hortageen Shirqoolkan iyo sida ay u sugeen Amaanka Gobolka.

Maalmahan waxa Warbaahinta ka arkaynay koox dibad yaal ah, oo usoo tafo xaydatay sidii ay qas uga abuuri lahaayeen Gobolka Awdal.Xisbiga KULMIYE waxa uu ogyahay in reer Awdal yihiin kuwii qaybta Libaax ka qaatay dhismaha Somaliland iyo adkaynta Nabadgalyada. Waxaa la hubaa in Gobolka Awdal ku talaabsaday Horumar balaadhan intii Somaliland jirtay. Awdal waa Gobolka hormood ka ah dhinaca Nabada,Waxbarashada iyo Horumarka.

Sidaa darteed Xisbiga KULMIYE wuxuu aaminsan yahay in Shacbiga reer Awdal si wad jir ah uga hortagi doonaan cidkasta oo ku soo duusha Nabadgalyadooda, Horumarkooda iyo Qaranimada Somaliland.

Dhinaca kale baryahay dambe waxaa dhacday in ciidamada Dawlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Itoobiya ay Deegaamo xadka dhicana Somaliland ah usoo gudbeen.

Somaliland marnaba ma faro galiso arimaha dalalka jaarka . Somaliland waxay diyaar u tahay in ay Nabada iyo Horumarka iska kaashakaadaan dawladaha Jaarka la ah, Xisbiga KULMIYE sida uu ka warqabo Xukuumadu way kala Xidhiidhay dawlada Itoobiya dhacdooyinkan. Waxaanu ku talinaynaa in dhinac waliba ka feejignaado wixii Nabad-galyada iyo Jaarnimada wax u dhimi kara si aanay ugu soo gaban Kooxaha Nabad diidka ahi.

Dalka waxaa kusoo fool leh Doorashooyin, Doorashooyinku waxay leeyihiin Xumadooda, Xamaasadooda iyo Loolan afkaareed taasina waa Dimuqraadiyada waxaana loo baahan yahay in laga feejignaado in aanay u gudbin heer Qalalaase iyo Fawdo ah.

Dawladu iyada oo fulinaysa Barnaamijkii Xibsiga KULMIYE waxay ogolaatay furashada Ururo Siyaasadeed iyo in Da’da Xildhibaanada dawladaha hoose laga dhigo 25 sanno.

Si aanay doorashooyinku dib uga dhicin wakhtigooda Golayaasha Sharci dajinta waxa laga codsanayaa in ay dhamaystiraan Xeerarka Doorashoyinka .

Komishanka Doorashooyinka iyo Guddida Diiwaan galinta waa in ay dar-dar galiyaan hawlahoodii kaga aadanaa Doorashooyinka.

Xukuumadu waa in ay ku talo gashaa dhaqaalihii Doorashooyinka ku bixi laaha.

Ururada Siyaasadu waa in ay noqdaan kuwo dhisa Qaranimada, xoojiya Nabada, adkeeya midnimada Somaliland waa in aanay noqon Ururada Siyaasadeed kuwa ku kooban Koox gaara ama Qof, waa inay la yimaadaan Barnaamijyo Horumarineed.

Dhalin-yarada oo maanta In badani jaamacado ka soo baxeen waxaa laga sugayaa in ay waxt ar iyo Aqoon ku soo kordhiyaan Saaxada Siyaasada Somaliland.

Xisbiga KULMIYE wuxuu ku kalsoon yahay in shacbiga Somaliland u bisil yahay Xamaasada Doo rashooyinka,Loolanka Asxaabta iyo Tartanka Ururada Siyaasadeed."




ALLAH MAHAD LEH.

Muuse Biixi Cabdi.

Guddomiyaha Xisbiga Kulmiye.