Xisbiga KULMIYE Oo Ugu Baaqay Dhinacyada Ay Khusayso Arrintu In
Dagaalka Si DegDega Loo Joojiyo
XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARINTA SOMALILAND
KULMIYE
Date: 08/04/2009
Warsaxaafadeed
Shir deg-deg ah oo ay isugu yimaadeen Guddiga Fullinta ee Xisbiga
KULMIYE oo uu Guddoominayey Guddoomiyaha Xisbiga Md. Axmed Maxamed
Siilaanyo oo lagaga wada hadlaayay dhibaatada ka dhacday Galbeedka
Hargeysa, taasoo keentay khasaare naf iyo maalba leh. waxa uu
Xisbigu KULMIYE ugu baaqayaa dhinacyada ay khusayso arrintu in
dagaalka si degdega loo joojiyo.
Waxa kaloo Xisbiga KULMIYE ku baaqayaa in arrinta wada hadal lagu
dhameeyo, lana joojiyo gacan ka hadalka, laguna dhammeeyo sidii
somaaliland dhaqanka u ahayd.
Xisbiga KULMIYE wuxuu ka xunyahay dhibaatada keentay khasaarahaasi
balaadhan, wuxuna ka tacsiyaynayaa qoysaskii dadkaasi kaga
geeriyoodeen fadqalalladaas foosha xun.
Wa billaahi tawfiiq
Md. Axmed Maxamed Siilaanyo
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE
|