Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye oo koox isbedel doon ahi ka dhax toostay

 

Waxa toddobaadkan aynu ku jirno maalintii (Sabti) shir isugu yimid koox isbedeldoon ah oo ka tirsan xisbiga Kulmiye iyo xubno waqtigan xaadirka ah aan xisbina ka tirsanayn oo xilal ay qaranka hore ugu hayeen laga xayuubiyey kadib markay waajibaadkoodii shaqo gudan waayeen.Kooxdan shirka soo abaabushay ee isbedeldoonka ah waxay kala ahaayeen:


Garabka Awal ka Kulmiyoobay:

Muuse Biixi Cabdi,
Maxamed Cabdi Iskeerse,
Abiib Diiriye(Abiib Timocad),
Maxamed Xaashi Cilmi,
Xldh.Siciid Cilmi Rooble,
Xldh.Axmed Weyne,
Xldh. Maxamed Faarax Qabiile,
Xldh. Maxamed Kacaan,
Xldh.Maxamed Xuseen Ciise.

Garabka Yoonis ka kulmiyoobay:

Dr.Maxamed Cabdi Gaboose,
Cabdiraxmaan Cabdiqaadir,
Xldh.Maxamed Nuur Caraale(Duur),
Xldh.Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeyo),
Maxamed Shukri,
Yuusuf Nuur Guruuje,
Cabdilaahi Carab,
Jaamac Ganaf Cadde.

Garabyadani waxay isku wada raaceen oo si fiican u lafa gureen in xisbigu yeeshay sawir reer, darajadii qaranna hoos uga dhacay, oo hal reer lagu shaabadeeyey,markaa loo baahan yahay in sumcaddii iyo sharaftii xisbiga dib loo soo nooleeyo, si loo hanto taageerayaasha lixda gobol ee S/land. Lana xoojiyo midnimada lagu beegsanayo guusha doorashada.


Si taas loo helana waxay yidhaahdeen waxaanu soo jeedinaynaa in isbedel degdeg ah lagu sameeyo hogaanka sare ee xisbiga.
Arrinta ugu xasaasisanayd kulankan ayaa ahayd hadal uu nin oday dhaqameed ahi yidhi oo ahaa "Marka weylaha la helo ayaa lo,da la maalaa" taas oo nuxurkeedu yahay marka hogaanka sare ee Kulmiye la bedelo ayaa guul doorasho la gaadhi karaa.
taas oo dhamaan kasoo qaybgalayaashii isu taageen una sacabo tumeen.


Fikradahan isbedeldoonka ah ee waqtigan kala guurka ayaa sii kala fogeyn karta gudoomiyaha xisbiga iyo ilmaadeeradii oo dhinac ah iyo Muuse Biixi iyo Gaboose(Cismaan caataha S/land) oo dhinaca kale ah, maadaama oo ay fikradda isbedeldoonka ay iyagu wataan.
Fikraddan bedelaada hogaanka xisbiga ayaa noqon doonta mid aan u meel mari doonin shaqsiyaadka wata, maadaama oo gudoomiyuhu horeba ugu gacan saydhay waxgarad iyo ganacsato ka soo jeeda beeshiisa oo hore ugu soo bandhigay inuu ka nasto siyaasadda oo jagada uga tanaasulo da'yar cusub, lana tartami kara musharaxa madaxweynenimada ee Udub Md.Daahir Rayaale Kaahin oo isagu mar hore kaga guuleystay Md.Axmed maxamed Maxamuud (Siilaanyo) tartanka jagada madaxweynaha. Isagoo gudoomiyuhu ku tiraabay "Xisbigan anigaa samaystay oo kaadidaydaan usoo cabbay,shaqsi kale ugama tanaasuli doono intaan noolahay,i habaara aan dhintee haddaad rabtaan inaan meesha ka tago".

Diidmada qayaxan ee Siilaanyo waxay xisbiga dhaxalsiin kartaa guuldaro aanu kasoo kaban doonin oo kaga timaada dhinaca doorashooyinka, haddii uu soo dhoweeyo oo gudoomiyuhu tanaasulo oo weji cusubi yimaado, Kulmiye waxa laga yaabaa in rajadiisii guushu soo noolaato.
La arki doonee, waxaan sugnaaba waa jawaabta warqaddii kulankii shalay u diray gudoomiyaha.



Guul iyo Gobanimo Soomaaliland.

 


Jaamac Ducaale

jaamacducaale09@hotmail.com