Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID oo Eeedayn Kulul U Jeediyey Madaxweyne Siilaanyo oo ay sheegeen inuu Kootto Ka Dhigay Isgaadhsiinta Badda Hoosteeda

 


Hargeysa(TNN) - Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, ayaa eedayn iyo dhaleecayn kulul dusha uga tuuray Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo oo ay sheegeen inuu ku tallaabsaday  tall aabooyin qayrul-sharci ah, isla markaana kootto ka dhigay Cable-ka is-gaadhsiinta ee Badda hoosteeda la wadho, kaasoo ay sheegeen inuu shirkad gaar ogolaansho u siiyey keenista  Ca ble-kaas oo dhawr shirkadood isku hayeen sidii ay Badda Berbera ee Somaliland ay ugu soo  ji idi lahaayeen isgaadhsiintaas Biyaha Badda la hoos mariyo.

Guddoomiye ku-xigeenka koobaad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Md. Aadan Maxamed Mire Waqaf, oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Guddiga fulinta ee Xisbigaas, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Huteel Imperial ee magaalada Hargeysa, waxa uu Madaxweynaha ugu baaqay inuu si dhakhso ah uga noqdo tallaabada uu kootada ugu xidhay Cable-ka Badda la hoos dhigo.

Isaga oo xusay inaan maanta Md. Siilaanyo looga fadhiyin inuu qaybo ka mid ah ganacsiga  xo rta ah ee dastoorka Somaliland muwaadiniinta u damaanad-qaaday cid gaar ah kooto ugu  xid ho, maadaamoo uu shalay markii uu Mucaaridka ahaa waxa ugu badan ee uu ku cambaarayn jirin Xukuumaddii hore ay ka mid ahayd arrintani. War-Saxaafadeed uu shirkiisaa Jaraa’id ka akhriyey Aadan Waqaf, waxa uu u dhignaa sidan:-

“Iyadoo lagu gudo jiro bisha barakaysanee Ramadaan, Xisbiga UCID waxa uu salaan u dirayaa dhammaan shacbi-weynaha JSL, waxa kale oo aanu ilaahay (SWT) ka baryeynaa inuu dambi-dhaaf, naxariis iyo hanuun inaga siiyo bisha Ramadaan, shacabigana himiladooda ku guuleeyo , dalkana ka yeelo mid barwaaqo ah, amni iyo nabadna ku naalooda. Xisbiga UCID waxa uu  maw qif cad iska taagayaa arinta muranku ka taaganyahay baryahan danbe ee CABLE-ka  iskaadh siinta casriga ah ee badda hoosteeda lasoo marinayo. Xisbigu isaga oo ugu horayn ka  duulaa ya mabaadida dhaqaale ee dastuurka JSL sheegay, isla markaana ixtiraamaya danta guud iyo maslaxda bulshada reer Somaliland, waxa uu ku baaqayaa.

In Xukuumada JSL si ay uga dhabayso isbadal dhab ah isla markaan uga soo baxdo kaalint  d a dwaynuhu ka rajaynayaan oo ay ixtiraamto dastuuka qaranka oo si cad u sheegaya in  nidaa mka suuqa xorta ahi yahay ka kaliya ee dalka ka shaqayn kara, isla markaan ay reeban tahay wax kasta oo dhaqaalaha dalka ku koobaya” Kooto” amma “Monopoly” cid gaara loogu xidho.

·Waxaad ogtihiin in arinta Cable-ka ee baryahanba taagnayd oo laba shirkadood oo kala ah  S OM-CABLE iyo DALKOM in la hadal hayay inay keenayaan Somaliland cable bada hoosteeda  m ara, loona sameeyay document-yo mid walba gaarkeeda ah hadana is burinaya, isla  markaa ana ay xukuumadii hore ku guuldaraysatay inay waafajiso dastuurka dalka.

·Waxaynu ognahay in xukuumada manta talada dalka haysa oo laga filayay inay sixitaan  arint aa ku samayso iyadoo raacaysa dastuurka iyo shuruucda dalka oo qofkasta xoriyada u  siinay a ku tartanka maal galinta, iyadoo la marayo nidaamka ganacsiga Somaliland iyo shuruucdiisa ay maantaba ku dhaqaaqday jidkii xukuumadii hore ee Kootada ahaa. Iyadoo CABLE-kaas  Koo taysay. Sidaas darteed arintaasi waa mid nasiib daro ah oo khilaafsan balanqaadyadii  isbadal kii dadka logu baaqayay.

Haddaba xisbiga mucaaridka ah ee UCID waxa uu ku baaqayaa in arinta CABLE-keenidu ay  ta hay mid ay u simanyihiin dadwaynaha reer Somaliland, waana inay noqotaa wax si furan cidii danaynaysa ee buuxisa shuruudaha ay qawaaniintu u keento. Haddii ay yihiin labadaas  shirk adood iyo cidkasta oo keeni karta. ·Waxaanu aminsanahay in haddii arinta cable-ka la  waafa jiyin waayo dastuurka qaranka inay dhici doonto inaan arinta shidaalka ee TOTAL iyo arinta  x oolaha iyo wax kale oo iman karaba aan laga hadli karayn, oo waxkasta ay noqon karaan  KOO TO. Taas oo kasoo horjeeda maslaxada ummada iyo mabaadida guud ee qaranka ee dastuuku jideeyay. ·Waxa xusid mudan oo tusaale inoogu filan in dalalka jaarkeena ah ee badaha leh  da lkastaa uu leeyahay cable-lo bada hoos mara oo tartan kuwada jira cid gaar ahna aanay u  xi dhin, tusaale ahana Jabuuti waxa mara ilaa shan CABLE, oo ay hoy u tahay PORT SUDAN, wax iyana mara saddex CABLE Kenya, sidaas daraadeed xisbi ahaan nooma muuqato wax loogu  ba ahanyahay in cid gaara cidii doonto ha ahaatee loo siiyo arintan KOOTO amma Exclusive Right.

Ugu danbayn waxa naga tallo ah in arintan iyo mid kasta oo ganacsi amma dhaqaale la  waa fajiyo dastuurka dalka lagana fogaado in lagu dhaco khaladaadkii xukuumadii hore gashay ee dhinaca maalgalinta, taas baana ah wixii uu isbadalku ku baaqayay. ·Sidoo kale waa in la  ilaa liyo qaranimada JSL, arintaasina aan cidna loo daba fadhiisan. ·Dadwaynaha waxa aanu usoo jeedinaynaa inay wada jirkooda, walaalnimadooda iyo midnimadooda ilaashaadan, nabad  galy adana meel looga soo wada jeedo oo la ilaashado xukuumadana la is garab taago, wixii sax iyo horumar ah ee ay ku talaabsato, wixii khaladaad ah ee ay la timaadana looga nasteexeeyo, wixii bulshada shaki kala galinayana laga fogaado.

Waxaynu horumar ku gaadhi karnaa wada-jir, midnimo, iskaashi, dastuurka iyo waxaynu ku  h eshiinay oo la wada ixtiraamo.” War-Saxaafadeedkaa markii uu dhammeeyey ka dib  Guddoomi ye ku-xigeenka Xisbiga UCID Aadan Maxamed Mire Waqaf waxa ay Wariyayaashu waydiiyeen su’aalo la xidhiidha mawduuca uu ka hadlay, kuwaasoo uu jawaabo ka bixiyey.

Source:Togaherer