Xisbiga Mucaaridka ucid oo madaxwayne Rayaale u gudbiyay xubintii cusbayd ee komishanka

Hargaysa (Longlivesomaliland News);-Gudoomiye ku xigeenka  koobaa d ee Xisbiga UCID Aadan Max’d Mire (Waqaf) ayaa maanta u  xaqiijiya y qaar ka mid ah warbaahinta dalka inay u magacaabeen xubintii u bedeli lahayd Komishanka doorashooyinka qaranka, ka dib markii xubintii xisbiga ucid ee komishanka dhawaan Golaha Wakiiladdu xilka ka qaadeen, isla markaana ay isla maantaba u gudbiyeen  Madaxwey ne Rayaale si uu Digreeto ugu soo saaro ka dibna Golaha Wakiiladdu u Ansixiyaan

Xubinta cusub ee loo magacaabay inuu ka mid noqdo Komishanka  Do orashooyinka ayaa waxaa magaciisa la yidhaahdaa Mahdi Max’d  Guul eed (khaddar) waana sharci yaqaan muddo ka soo shaqaynayay Hay ’adda UNDP.

Sida uu waqaf sheegay magacawga xubinta waxa uu Xisbigu ka  yees hay Dood iyo falan qayn dheer,waxaanay xubno badan oo la soo bandhigay kadib isku raaceen inuu Mahdi Max’d Guuleed (Khadar) uu noqdo xubinta u buuxinaysa jagadii dhawaan laga qaaday  Komishan eer Axmed x.daahir (Bidaar) ka dib markii ay golaha wakiiladu cod  aql abiyad ah iskugu raaceen in laga saaro komishanka arintaasi ayaana ka danbaysay markii mudo dheer dhamaanba xubnaha komishanku ay ka cawdeen.




Mustafe Future
Longlivesomaliland News Desk
Hargeisa, Somalilanad