Xisbiga UCID oo iclaamiyey kala fadhiga 5-aad ee Golaha Dhexe
 

 

 


Hargeysa (TNN) -Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa iclaamiyay xiliga uu qabsoomayo Kal-fadhiga shanaad ee Golaha Dhexe ee xisbigaasi, shirkaasi oo ay u cayimeen inuu qabsoomo 25-ka Bisha October ee fooda inagu soo haysa.


Sidaasna waxay ku sheegeen war-saxaafadeed uu ku saxeexnaa Guddoomiyaha Golaha dh exe ee xisbiga UCID Xasan Cismaan Aadan (Sabce), waxaanu u dhignaa sidan:-

“Kulan ay isugu yimaadeen Maanta oo ay taariikhdu tahay 22/09/2012 Guddida Fulinta ee xisbiga UCID, waxay isla Go,aamiyeen Cayimaada kal-fahdiga 5aad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga, kaas oo ay isla go’aamiyeen in uu noqdo qabsoomo 25/10/2012 ilaa 26/10/2012.

Sidaa daraadeed waxa la farayaa dhamaan Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga UCID Dibad iyo Gudaba in ay joogaan ugu danbayn magaalada Hargeysa 22/10/2012.
Waxaan mar labaad idiinku adkaynayaa in la dhawro waqtigaas.”
 

 

 


Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland