Xisbiga UCID Oo Munaasibad Ugu Dabaal-degay Xisbinimadiisa

 



Xisbiga Mucaarad ka ah ee Ucid ayaa maanta Munaasibad balaadhan oo loogu dabaal dag ayo Guusha..........


Hargeysa (TNN)- Xisbiga Mucaarad ka ah ee Ucid ayaa maanta Munaasibad balaadhan oo loogu dabaal dagayo Guusha uu Xisbiga Ucid ka soo hooyay Doorashadii Golaha deegaanka, islamarkaana uu ugu gudbay Xisbiga Qaran ku qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Munaasibadan oo si heer sare ah loo soo Agaasimay waxaa ka soo qayb galay Guudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali waraabe, Musharaxa Madaxwaynaha Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen, Masuuliyiin kale oo ka mida Xisbiga, Cuqaal iyo Oday dhaqameed, Qaar ka mida Masuuliyiinta Ururadii Hadhay, Wasiirkii hore ee maaliyada, Taageerayaasha Xisbiga Ucid oo Tira badan iyo marti sharaf kale.

Munaasibadan oo ahayd Mid meeqaamkeedu sareeyay islamarkaana uu hadheeyay Calanka Astaanta u ah Xisbiga Ucid ayaa lagu soo bandhigay Heeso kala duwan oo Xisbigaasi lagu Amaanayo iyo Heesaha Hidaha iyo dhaqanka.

Waxaana Ugu Horayn ka hadlay Munaasibadaasi Gudoomiyaha Gobolka Maroodi jeex Ee Xisbiga Ucid Cabdiraxmaan Sheekh Aadan oo dhambaal Hambbalyo ah u diray Guud ahaan taageerayaasha iyo Masuuliyiinta Xisbiga Ucid. waxa uu sidoo kale mahadcelin u soo jeediyay Xildhibaanada Golaha deegaanka ee Xisbigaasi uga soo baxay doorashada Golaha deegaanka.

Waxaan isna madashaasi ka hadlay Wasiirkii Hore ee Wasaarada Maaliyada Somaliland Eng Maxamed Xaashi Cilmi oo Xisbiga Ucid uga mahadceliyay Marti qaadka ay Xafladan ku marti qaadeen. Eng Maxamed Xaashi waxa Masuuliyiinta Xisbiga Ucid u soo jeediyay talooyin wax ku Ool ah waxaanu yidhi:

"Waxaa ina soo maray Afar Madaxwayne oo hore. Haddiiba ilaahay Qadaro oo Xisbiga Ucid ku guulaysto Madaxtinimada soo socota, Kalmad ayaan odhan lahaa, Kalmadaas oo ah:
Kitaabka aad Gacanta saartaan Rumeeya; Hantida Qarankuna ha idinka Nabad Gasho; waxa kale oo aad Ixtiraamtaan Dastuurka iyo shuruucda dalka u yaala; Waxa kale oo aad samaysaan in Maamulkiinu Cadaalad ku dhisnaado. Ilaahayna waxaan idiinka Baryayaa in Dariiqii Hore ee lagu socoday uu idinka leexiyo".

Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Sucaad Carmiye oo ka mida Qurbo jooga ucid, Xaliimo Cismaan Raage oo ah Gudoomiyaha Garabka Haweenka Ucid, Aamina Ismaaciil Coomay oo ah Gudoomiyaha Garabka Haweenka Qaarayada Yurub ee Ucid, Ugaasi Geele, Suldaan iyo Gudoomiye Xigeenka labaad ee Ururka Ummada Cabdirashiid Maxamed Cali

Waxaanay dhamaantood u mahadceliyeen Taageerayaasha Xisbiga Ucid ee Hiil iyo hooba la garabtaagnaa wakhtigii doorashada iyo Ololha lagu jiray. Waxay sidoo kale ugu Hambalyeeyeen Taageerayaashooda Guusha ay ka soo hooyeen dagaal Adag oo ay sheegeen in Xisbiga Ucid soo maray. waxaanay hoosta ka Xariiqeen in Xisbiga Ucid loogu tala galay in laga saaro saaxada Siyaasada balse dadaal dheer ka dib uu soo baxay.

Waxaa isna halkaasi ka hadlay Musharaxa Madaxwaynaha Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen oo si kal iyo laab ah tahniyad ugu diray Taageerayaasha Xisbiga Ucid Guda iyo debadba. Jamaal Cali waxa uu u Rajeeyay Xisbigiisa iyo taageerayaashiisa Guusha Doorashooyinka soo socda.

Jamaal Cali Xuseen waxa uu Gudoomiyaha Golaha wakiilada ahna Gudoomiyaha Xisbiga Waddani u soo jeediyay inuu labada Xil ee uu isku hayo mid ka tanaasulo, isagoo sharci daro ku tilmaamay labbadaasi Jago ee uu isku hayo Cabdiraxmaan Ciro.
"waxaan doonayaa in aan maanta markii u horaysay ka hadlo labada Xil ee uu isku hayo Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland. Waxaan leeyahay Saaxiibkay Cabdiraxmaan Ciro oo aanu saaxiib nahay Qadarin badana aan u hayo; waanu ognahay inaad markii hore Ishaa falataynaysay oo aad doonaysay inaad kursiga sii joogto oo aad eegto inaad in Ururkaagu soo baxo, laakiin Maadaama uu soo baxay Xisbigaagii oo aad halkaad doonaysay ku gaadhay labada xil mid iskaga tag iskuma hayn kartide" ayuu yidhi Musharaxa Madaxwaynaha Xisbiga Ucid.

Gabagabadii Xafladaasi waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe oo isna Hambalyo iyo bogaadin u diray Taageerayaasha iyo cidkasta oo ka qayb qaadatay Guusha iyo Xisbinimada Ucid. waxa uu sidoo kale Dadwaynaha Reer Somaliland u soo jeediyay inay Ilaaliyaan Nabad galyada iyo wada jirka Somaliland, isagoo Xusay in doorasho la musuqmaasuqay oo iska hor keentay dad badani dalka ka dhacday balse hadda loo baahan yahay in dib loo walaaleeyo Umadda Reer Somaliland oo isku tanaasul iyo wada noolaansho ku soo caana maashay.

 


Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland