Xisbiga
UCID Oo Shirweynihiisii 3aad Maanta u furmay, Masuuliyiinta Xisbiga
Iyo Marti Sharaf kala duwan oo Khudbado ka soo jeediyey.
Hargeysa (TNN) -Shirweynihii Sadexaad ee Xisbiga UCID ayaa maanta ka
furmay Hutel Crown ee Magaalada Hargeysa.
.
Shirweynahan oo ay ka soo qayb galeen Masuuliyiinta Xisbiga,
Ergooyin ka kala socda Gobolada Dalka oo Xisbiga ka tirsan iyo Marti
sharaf kale ayaa waxa ugu horeyn halkaasi ka hadlay Xoghayaha
Xisbiga Maxamed Madoobe, isaga oo madashaasi kaga dhawaaqay in uu
iska casilay xilkii Xoghayanimo, isla markaana uu yahay Musharax u
taagan Doorashada Dawladdaha Hoose, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa
“Waxa aan halkan ka cadaynayaa in aan maanta laga bilaabo iska
casilay Xoghayanimadii Xisbiga, ahayna musharax u taagan Golaha
Deegaanka”.
..
Xoghayaha Arrimaha Dibedda Xisbiga UCID C/fataax Siciid Axmed oo
isna halkaasi ka hadlay ayaa eedayn u soo jeediyey Siyaasada
Arrimaha Dibedda ee Xukuumadda Axmed Siillanyo, waxaanu hadaladiisii
ka mid ahaa “Xukuumaddani uu hogaanka ka yahay Madaxweyne Axmed
Siillanyo waxa ay Safiiro u magacawday Todoba Safiir, halka
wakhtigii Dawladdii Axmed Siillanyo-na ay ka jireen dhawr iyo toban
Safiir.
Safiiradii kale lamana eryin mana shaqeeyaan oo cid lagu bedelay ma
jirto”.
Aadan Jaamac Hoori oo ka tirsanaan jiray Golaha Dhexe ee Xisbiga
Kulmiye oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu iska casilay
xilkii Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye uu ka hayey kuna biiray
Xisbiga UCID, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Waxaan halkan ka
cadaynayaa in aan iska casilay xubinimadii Golaha dhexe ee Xisbiga
Kulmiye kuna soo biiray Xisbiga UCID, sababaha aan iska casilayna
waxa weeyaan Xisbiga Kulmiye markii uu Doorashada ku jiray waxa uu
umadda u dhigay Barnaamij wanaagsan, balse markii uu talada Dalka
qabsaday wax uu kaga dhaqmay way yar yihiin”.
Xaliimo Cismaan Raage oo iyana afka dumarka ku hadlaysay ayaa
sheegtay in Xisbiga UCID ka soo gudbay marxalado badan oo ay ka mid
ahaayeen Khilaaf ka dhex qarxay.
Cali Maxamed Warancadde oo isna halkaasi ka hadlay ayaa hambalyo u
diray shirweynaha ay qabsadeen Xisbiga UCID, waxaana hadaladiisii ka
mid ahaa “Waxaan halkan ka salaamayaa Xisbiga UCID aniga oo ugu
hambalyeynaya Shirweynaha ay qabsadeen”.
Siciid Sulub iyo Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo iyaguna halkaasi ka
hadlay ayaa Hambalyo u diray Xisbiga UCID shirweynaha ay qabsadeen
iyaga oo ku tilmaamay shirweynahoodu in uu yahay Xisbigii ugu
horeeyey ee Shirweynihii Sadexaad qabsada.
Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Jamhuuriga Cismaan Axmed Mirre oo
isna halkaasi ka hadlay ayaa Xisbiga UCID ugu hambalyeeyey
Shirweynaha ay qabsadeen, waxaana hadaladii Guddoomiyaha ka mid ahaa
“Waxaan Hambalyo u soo jeedinayaa Xisbiga UCID shirweynaha ay
qabsadeen, waxaanan leeyahay waa in wax walba loo samro oo loo
adkaysto, waayo wixii UCID soo maray waxa lagaga soo gudbay adkaysi,
ta kale ee aan ku darayaa waxa weeyaan waxba yaan lagu dheeraan
Wadani iyo C/raxmaan Cirro, waayo barri ayuu idiin iman karaa oo
Siyaasadu Saaxiib joogta ah ma leh ee dan joogto ah ayey leedahay”.
Xasan Ciise Jaamac oo isna halkaasi ka hadlay ayaa Hambaleeyey
Shirweynaha uu Xisbiga UCID qabsaday.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo ugu dambeyntii
madashaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu ka tanaasulayo musharaxnimo
dambe, isaga oo ku sababeeyey in ay ku lumeen tartanadii uu soo
galay maalkiisii, jidhkiisii iyo wakhtigiisiiba, waxaanu yidhi isaga
oo arrimahaasi ka hadlaya "Waxaan doonayaa in aad halkan keentaan
cid muwaadin ah oo dalka horumar gaadhsiisa, labaatan Sano ka hor
waxaan lahaa hiigsi wanaagsan oo Dalka wax u qabo ayaan islahaa,
ismaan lahayn labaatan Sano ka dib Somaliland sidan ayey ahaan
doontaa, bilaa biyo, laydh yaraan iyo caqabado kale oo badan, markaa
waxaan u baahanahay qof wadani ah oo anigu tartan dambe geli maayo,
waayo waxa ku lumay jidhkaygii, maalkaygii iyo wakhtigaygiiba"
Sacad Muse Cabdi
Timacade News Desk
Hargeysa/ Somaliland
|