XISBIGA UCID OO U MAGACAABAY SADDEX MASUUL GARABKA HAWEENKA EE FINLAND

 


UCID Media: Xisbiga UCID isaga oo ka duulaya u diyaar garawga dhamaystirka qaab-dhismee dka guud ee xisbiga,isla markaana bilaabay dib u habaynta iyo dardar gelinta dhamaanba laa maha xisbiga, waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 4tii January 2014 u magacaabay sadd ex masuul Garabka Haweenka ee dalka Findland. Warsaxaafadeedkan oo uu ku saxeexnaa Xo ghayaha Arrimaha Dibedda iyo Xidhiidhka Caalamiga ee UCID waxa uu u dhignaa sidatan:

Justice and Welfare Party (UCID)

Ref/UCID/35/0401/2014 Taariikh: 4th January 2014



Ku: Gudoomiyaha Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka

Ku: Xarunta Dhexe ee Xisbiga

Ku: Gudoomiyaha Garabka Haweenka ee Finland

Ku: Ciddii ay Khusayso



ASC Dhamaantiinba



Ujeedo: Magacaabis Saddex Xil oo Cusub

Madaxda Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID, Wada tashi dheer oo ay yeesheen ka dib waxa la isla gartay in loo magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan xilalkan kala duwan ee soo socda.

Leyla Axmed Maxamed: Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Garabka Haweenka Finland

Fadumo Xuseen: Khasnajiga Guud ee Garabka Haweenka Findland

Ifrax Maxamed Cisman: Gudomiyaha Xidhiidhka iyo Borotokoolka ee Garabka Haweenka Findland

Waxa aan ku rajo weynahay in dhamaanba xubnaha iyo taageerayaasha Xisbiga UCID ay si fiican ula shaqeyn doonaan masuuliyiintan xilalka cusub loo magacaabay. Waxa kale oo aan kalsooni weyn ku qabnaa in ay masuuliyiintani si karti iyo hufnaani ku jirto u gudan doonaan xilalkooda iyo waajibaadkooda si waafaqsan Xeerka Guud ee Xisbiga Ucid. Ugu dambayn waxa aanu si gaar ah uga codsanaynaa Gudoomiyaha Garabka Haweenka ee Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka UCID ee Finland, Marwo Samiya Cumar Xaaji Muuse, in ay si degdeg ah u hawl geliso masuuliyiintan si ay u gutaan waajibaadkooda Xisbi iyo tooda qaranba.



Allah Mahad Leh



Yusuf Budle, Xoghayaha Arrimaha Dibedda iyo Xidhiidhka Caalamiga ee UCID