Xisbiga UCID oo Xukuumadda ku Eedeeyey inay imtixaan iska qaaday oo ay Iskuna saxday

 



Hargeysa (TNN)- Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa ku tilmaamay waxqabadka ay Xukuumadda  S omaliland ee hada talada Dalka haysay boqolka Maalmood inay tahay Imtixaan ay iska qaadeen  had ana ay Isku Saxeen ee aanay jirin Aragti aan iyaga ahayn oo qiimaysay.

Hase yeeshee waxay sheegeen inay ku bogaadinayaan waxyaabo badan oo uu ka mid yahay  Safar kii Madaxweynaha ee Jabuuti iyo sidii loo soo dhaweeyay iyo wasaarado ay sheegeen inay  wax qab teen.

Hadaba warsaxaafadeedka Xisbiga UCID ku eegayo waxqabadka boqolka maalmood ee Xukuumaddu waxa uu u dhignaa sidan :-

Ka dib markii Guddida fulinta ee xisbiga UCID shir ay isugu yimideen xafiiskiisa Xarunta Dhexe manta oo ay taariikhdu tahay 09/11/2010 waxy ka soo saareen qodobada hoos ku qoran.

Socdaalkii Madaxweynaha JSL ee Dalka jibuuti

Xisbiga UCID waxa uu soo Dhaweenayaa sidii habmamuuskii qiimaha iyo qaayaha lahayd ee uu ku soo dhaweeyey madaxweyne Ismaacil Cumar Geele weftigii uu hogaaminayay Madaxweynaha JSL

Waa arrin lagu diirsado mawqifka wanaagsan ee uu muujiyay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele.

Xisbiga UCID wuxuu ka rajaynayaa madaxweyne Geele maadaama aan nahay dad ehel, gacal iyo walaaltinimo ka dhexeyso oo sina u kala maarmeynin inuu u tafaxayto sidii Somaliland ay u heli lahayd ictiraaf maadama uu miisaan weyn ku leeyahay manadaqada isna uu noqdo kii u horeeyey ee ictiraafkaas ku dhawaaqi lahaa.

Waxaa ka rajeynaynaa labada dhinac heshiiskii ay gaadheen inay ka midho dhaliyaan oo ficil loo rogo sida furitaanka labad xafiis ee Hargeisa iyo Jibuuti oo ay noqdaan laba safaaradood oo labada dal kala matalaya.

Heshiiskii Widh Widh

Heshiiskii ay la galeen wafdigi Somaliland Garaad Abshir Salax oo ay ku galeen Widhwidh, shanta qodob ay wada gadheen iyo sida Garaad Abshir uu BBC-da uga hadlay isma waafaqsana oo waa waxaan isgalayn inkastoo sida cuqaasha iyo wax garadka beesha Guuleed Garaad ay ku muujiyeen qalabka warbaahinta ay ku cadeeyeen in aanay la qabin Garaadka ariintaas.

Waxaan u sheegaynaa ummada in Garaadku uu baalmaray xurmeynta heshiiskii u saxeeexay taasina waxay ku tahay magac xumo aan waligii ka hadhayn.

Waxaan xisbi ahaan cambaaraynaynaa dhawaaqa Madaxweynha maamul Gubaleedka Puntland iyo xukuumadiisa ka soo yeedhay ee ay ku sheegeen in ciidanka Somaliland ka qayb qaatay dagaalka ay kula jiraan wadaadka la yidhaa Atom ee ka dagaalama puntland dhexdeeda taas oo aan u aragno gaf iyo meel ka dhac xukuumaddana waxaan ka codsanaynaa in ay ka tidhaado jawaabta ku haboon.

Waxqabdkii boqolka cisho

Xisbiga UCID waxa uu soo dhaweynayaa wixii wax qabad ah ee sameysay xukuumadda cusubi.

Waxa xusid mudan oo aan bogaadinaynaa wasaaradaha hoos ku qoran oo muujiyey waxqabad.

a) Wasaarada Maaliyada

b) Wasaarada Duulista Hawada

c) Wasaarada Arrimaha Dibeda

d) Wasaarada Qorsheynta

e) Wasaarada War-Faafinta instalatoiin

f) Hay'ada Shaqaalaha

Xukuumadu waxqabadkii boqolkii cisho qiimeynta ay sameeyeen oo ay ka dhigeen fulintoodii balan qaadyadii ay sheegeen boqolkiiba sideetan ilaa sagaashan, waxay ka dhigantahay imtixaan iyagu sameysteen oo haddana ay isku saxeen balse qiimeyntii dadweynaha cid madax bananiba wali way dhimantahay.

Waxa intaas garab socday gafaf iyo khaladaad fara badan oo dhacay boqolkii cisho oo ay ka mid yihiin.

I. Distoor jebin

II. Xeer jebin

III. Xad gudub xuquuqal insaan

IV. Hab raaca la'aan maamul

V. Cagajuglayn saxaafadeed

Kuwaas oo dhamaantood u baahan sixid.

Inkastooy suno fiican tahay inay xukuumadu soo bandhigto marba waxay qabato oo aanay ku dhamayn boqol cisho balanqaadayadii hadana waa inay xukuumadu ku baraaragsanto cadaalad darada ragaadisay maxkamadaha dalka, shaqo aburis iyo jiheynta dhalinyarta, wax ka qabadka sicir bararka, hirgelinta suuqa xorta ah ee Ganacsiga iyo wax ka qabadka baahiyaha nolosha asaasiga ah oo ayaa waajib ku tahay inay xukuumadu wax ka qabato.



Muuse Xaaji Maxamed Guuleed
 


Xoghayaha Guuud ee Xisbiga UCID