warsaxafadeed

Xisbiga UCID UK, Gudida fullinta xisbiga UCID shir ay ku yeesheen hotelka Hilton Olympia ee galbeedka London 08/08/09, warsaxafadeed ay shirkan ka soo saareen wuxuu u qoraa sidan:

waxaanu cambaareynanaa, go''''aankii komishinka iyo Xukumadu ku laaleen diiwaan gelintii doorashada ee waqtiga iyo tacabka badani kaga baxay dadweynaha Somaliland iyo deeqbixiyayaash caalamka ee Somaliland taageera.

Anagoo ka duulana soona xiganayna sharciga, distoorka xeerarka qaranka Somaliland ee hoos ku xusan:
Qodabka 9aad eed distoorka, farqada kowaad,
• In nidaamka siyaasadeed ee Somaliland waxa saldig u ah nabad, talawadaag, dimoqoraadi iyo hanaanka xisbiyada badan
• Xeer dhaqameedka, asxaabta siyaasadeed ee diiwaangelinta codbixiyayaasha
• Xeerka diiwaan gelinta 37/2007.
• Xeerka doorashooyinka 20/2001
• Go''''aankii komishanka qaranka ee qaabka hawlgalka Server-ka & mudaynta heshiiska { Code of Conduct} ee xisbiyada qaranka.

Go''''aanka komishanka qaranka iyo Xukuumada wuxuu baal marsan yahay xeerarka ka soo baxay, Hayadaha sharciga ee Somaliland iyo xeerarkii ay wada saxeexdeen saddexda xisbi qaran iyo komishinku doorashooyinka. Waa go''''aan luugu talagalay in lugu wiiqo geedi socodka dimoqoraadiyada Somaliland, laguna burburinayo Somaliland.

Hadaba waxaanu hogaanka sare xisbiga ku taageeraynaa kuna sii dhiirigelinaynaa:

1. Inaan marnaba xisbiga UCID aqbalin, kana qayb gelin, doorosho diiwan gelin la''''aan ah, oo aan ku salaysnayn natiijada ka soo baxday Server-ka.

2. Waxaan ku taageraynaa xisbiga UCID: Inaanu lala shaqayn, kalsoonidna lagala noqda komishanka qaranka, inta laga bedelayo hogaanka sare ee komishanka oo noqday mid: dhinac ah, musuqmaasaq ah, inuu ku shaqeeyo cadaaladna laga filaynin. Markaa waxaanu leenahay maha komishankii doorashada iyo masiirka ummada Somaliland lagu aamini lahaa.

3. Waxaanu taageranaa in xisbiga UCID, diyaar u yahay doorashada, marka la ixtiraamo nidaamka diiwan gelinta ee natiijada Server-ka, ee ay ku heshiyeen seddexda 3da xisbi qaran iyo komishinka, lana bedelo hogaanka komishanka.

Waxaanu shacabka Somaliland u soo jeeddinanaa inay difaacdaan, xuquuqdooda, qaranimadooda iyo dimoqaradiyada Somaliland oo ah mid qiimo iyo dhiig fara badan ku fadhida, xukumada aan laga yeelin inuu sidaas ku burburiyo.

Waxaan golayaasha sharci dejinta Somaliland {Golaha wakiilada iyo Golaha Guurtida Somaliland }u soo jeedinayaa in masuuliyad weyni wadan ka saaran tahay, wadankiina xaalad khatar ah oo burburin karta ku jiro, waxaanu ka codsanaynaa goloyaasha qaranka inay gutaan xilkooda distooriga ah ee ka saran badbaadada qaranka iyo ka hortaga burbur qarran,

Gudida fulinta xibiga UCID UK, angoo oo ku hadlaaya Magaca Xisbiga UCID UK, iyo taageerayaasha xisbiga, waxa uu Tacsi u dirayaa guud ahaan shacbiga Somaliland, Xisbiga Kulmiye, gaar ahaana qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Guddoomiyihii Ololaha Doorashada Xisbiga KULMIYE ee Gobollada galbeed Marxuum Cali Maxamed Guuleed (Cali Maarshaal) oo ku geeriyooday shil baabuur.

waxaan uu ilaahay uga baryayaa, inuu jannooyinkiisa marxuumka ka waraabiyo, Samir iyo iimaana eheladiisa ka siiyo.

Magacayada gudida fulinta Xisbiga UCID UK ee soo saaray war-saxaafadeedkan:

1. Kosaar Aideed Abdi Kusimaha Gudoomiyaha UCID UK
2. Mustafe C/llahi Aden Xisaabiyaha Guud UCID UK
3. Mohamed Ibrahim Xoghayah Sharciga & Cadaalada UCID UK
4. Zaynab Sahardiid Gudoomiyaha xidhiidh Yurub UCID UK
4. Kaltuun Ibrahim Mogeh Gudoomiyah garab haweenka UCID UK
5. Sacad M. Qawdhan Gudoomiyaha dhalinyarada UCID UK
6. Khader Muse Abiib Xubin UCID UK
7. Keyse Odowa Xubin Gudida Fulinta UCID UK
8. Edna Mahamud Xubin Gudida Fulinta UCID UK
9. Hamse Ahmed Gudoomiyah Media-yaha UCID UK
10. Egeh Osman Kamil Xubin Gudida Fulinta UCID UK
12. Abdi Barkhad Xubin Gudida Fulinta UCID UK
13. Abdiqadir Ismail {Cagaf}Xubin Gudida Fulinta UCID UK
14. Awaalle Farah Xubin Gudida Fulinta UCID UK
15. Ibado Artan Xubin Gudida Fulinta UCID UK
16. Deeqa Botan Xubin Gudida Fulinta UCID UK
 


Allah Mahad Leh.
Guddiga Fullinta UCID UK