Xisbiga UDUB ayaa Somaliland isu haya!

 By, Mingiste, Qaybtii 1aad
 


(Sidu Udub dhexaadku isugu hayo Aqal Soomaaliga,ayaa Xisbiga UDUB-na u  y ahay Udub-dhexaadkii isu hayey shacabka reer Somaliland,laakiin dad badan ayaan weli taas fahmin)Ku soo dhowaada dhamaantiinba Maqaalo taxane  a h,oo aan ku eegi doono Xisbiga UDUB,oo ah mid ka mid ah saddexda Xisbi  Qar an ee ka jira Somaliland.Inta aan ku guda jiro qoraaladan,waxaan si fiican  id iin fahansiin doonaa arimo badan oo ku saabsan guud ahaan Xisbiga  UDUB, w axaana ugu mihiimsanaan doona arimaha ay ka mid yihiin:-


· Waxaan si buuxda idiin fahansiin doonaa waxa uu u taagan yahay magaca UDUB iyo macna ahaan halka uu ka soo jeedo magaca Xisbigu,maxaa loo  doo rtay in magacaa loo bixiyo Xisbiga.

· Qaab dhismeedka Xisbiga UDUB,kaas oo aan odhan karo wax weyn kama  du wana qaabka ay u dhisan yihiin guud ahaanba Xisbiyada kale ee Somaliland.

· Qaybaha ay ka kooban yihiin guud ahaan taageerayasha Xisbiga UDUB,kuwii hore iyo kuwa cusub(ku soo biiray Xisbiga)


· Xukumaada xiligan xilka haysaa ma wada UDUB-baa , mise waxaa jira qaar ka mid ah Golaha Xukuumada hadda jira oo aan weligoodba mabda ahaan  UD UB ka mid noqonin,UDUB-nimadooduna waa mid ku kooban inta ay xilka  haya an oo keliya. Waxaad fahmi doontaa in Xukuumada hadda jirtaa ay ka kooban tahay dhamaan Xisbiyadii soo maray Somaliland oo dhan.

· Maxaa keenay in marka xilka laga qaado shaqsi,sida Wasiirada oo kale ,uu markiiba cay iyo aflegaado u miiso,xukuumada,madaxda sare iyo UDUB-ba?,maxaa keenay in ninkii xilka laga qaadaa uu markiiba UDUB ka cararo,oo uu Xisbi kale ka soo jeesto ?

· Faragelin intee leeg ayaa Golaha Wasiiradu u geystaa howl maalmeedka  X isbiga UDU?,Maxaa keenay in marka Xisbi kale hadlo,uu u jawaabo mid ka mid Golaha Wasiirada ?,iyadoo ay joogaan Xoghayayaashii Xisbiga?,Wasiirku yuu Wasiir u yahay ma UDUB oo keliya mise saddexda Xisbi?,jaabaha waxaad ka heli doontaa qoraladan.

· Siyaasada Xisbiga UDUB ee gudaha iyo dibadaba,waa mid noocee ah?waxaan ku fahansiin doonaa waxa uu UDUB,kaga duwan tahay labada Xisbi ee Mucaaridka ah Siyaasad ahaan.

· Waxaan kaga jawaabi doonaa qoraaladan suaalaha ay ka mid yihiin  UDUB, muxuu dalka iyo dadka u qabtay intii ka dambaysay 2003 oo ahayd,markii xilka loo doortay .

· Dhibaatooyinka haysta UDUB,guud ahaan,gaar ahaan dhibaatooyinka ka jira dhinaca maamulka marka laga soo bilaabo xarunta dhexe ee  Xisbiga, Xoghay ayaasha Xisbiga,lamaaha Xisbiga ee Gobolada,laamaha Xisbiga ee dibada .

· Xidhiidhka ka dhexeeya ,fikradaha midba midka kale ka qabo Xisbiga UDUB iyo Xisbiyada Mucaaridka ah,marka la dhaafo tartanka Doorasho ee ka  dhex eeya Xisbiyada.


Hadal iyo dhamaan intaan qoraaladan ku dhex jiro waxaan si cadaan ah kuu fahan siin doonaa qodobada aan kor ku soo sheegay iyo weliba arimo badan oo kale ,waxaan sidoo kale fahmi doontaa in Xisbiga UDUB uu yahay kan isu haya shacabka reer Somaliland,la,aantiina Somaliland waxay la mid noqon  do ontaa AqalSoomaali Udub -dhexaadkii laga saaray.
Mahadsanidin
 


…….la soco qaybta 2aad iyo macnaha magaca UDUB…………



Qalinkii Abdi M.Saleiman (MIngiste)
abdi_saleiman@hotmail.com