Xisbiga UDUB oo Ku Dhawaaqay Inaanay Jirin Cid Madaxweyne Rayaale Kula Loolami Doonta Murashaxnimada

 


Xisbiga UDUB ayaa si rasmi ah u sheegay inaanay jirin cid Madax weyne Daahir Rayaale Kaahin kula loolami doonta Mura shaxnimada Madaxweynenimo ee xisbigaas uu gudoomiyaha u yahay.

Gudoomiyaha Guddida Siyaasada ee Xisbiga UDUB Mudane Cumar Jaamac Faarax oo ay xalay wargeyska Geeska Afrika uu wax ka waydiiyay halka uu marayo qaban qaabada shirweynihii xisbigaasi , ayaa sheegay in Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin oo tallada xisbigaas isaga hooseeyaa noqon doonaan labada nin ee mar labaad xisbigaas uga qayb geli doona doora shooyinka Madaxtooyada Somaliland oo la filayo in ay qabsoonto sanadka 2009, waxaanu sheegay in shirweynihii xisbiga la qaban doono marka ay dhamaato bisha Barakaysan ee Ramadaan.

“Waxaanu hadda diyaarinaynaa guddiyadii qaban qaabada wixii Ramadaanta ka dambeeya ayaanu ku tallo jirnaa inaanu qabsano shirweynahayaga” ayuu yidhi Md Cumar Jaamac.

Isaga oo ka jawaabayay inay jiraan wax murashaxiin ah oo gudaha xisbigaas kula tartami doonta Madaxweyne Mudane Daahir Rayaale Kaahin amaba Madaxweyne ku xigeenka Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu yidhi “Sida uu dhaqanka siyaasadu yahay , xisbiga talada haya gudoomiyaha xisbigaas cid kale islama sharaxdo .

Sida la ogyahay Madaxweynaha Maraykanka teeramkiisii labaad cidi islama sharixin xisbigiisa Jamhuuriga, Bill Clinton oo ka horeeyay xisbigiisa dimuqraadiga cidi islama soo sharaxin , xisbiga Mucaaradka ee Ingiriiska isna cidi islama sharixin, markaas ilaa hadda ma jirto cid taagan oo isla soo sharaxaysa, ee waxa u taagan oo u sharaxan Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka xisbigayaga.

Anagu ma nihin xisbi Mucaarad ah oo gooni taagan oo sidaas la isula sharaxayo , ee waa dhaqanka siyaasada oo xisbiyada adduunka oo dhan waa sidaas, cidina xisbiga talada haya teeramka labaad islama soo sharaxdo meel kasta oo ay dimuqraadiyadi ka jirto”