Xisbiga UDUB oo Xaflad soo dhawayn ah u Sameeyay
Saddex Masuul oo ka soo baxay KULMIYE

 

Xisbiga tallada haya ee UDUB ayaa maanta xaflad balaadhan oo soo dhaw ayn ah ugu sameeyay xaruntooda Magaaada Hargeysa, sadex siyaasi oo ka soo baxay Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE kuwaasi oo kala ah Md. Cali Maxamed Yuusuf(Cali Guray) Md. Maxamed Jaamac Cismaan (Abgaal) iyo C/risaaq Ciyaale, oo saddexduba ka tirsanaa Golaha dhexe KULMIYE.

Xafladaasi waxa ka soo qeyb galay Golaha dhexe UDUB, Guddida fulinta iyo taageereyaal ka tirsan xisbigaasi kuwaasi oo si balaadhan u qaabilay saddexdan xubnood.

Cali Maxamed Yuusuf (Guray) oo ka hadlayay ayaa wuxuu ka waramay labadii xisbi ee ugu weynaa ee Somalilad ka jiray sanadkii 1960-kii oo kala ahaa NUF iyo SNL, waxaanu yidhi “1960-kii waxaynu lahayn laba xisbi oo waaweyn waxa la odhan jiray NUF iyo SNL, sanadkaasina waxa la odhan jiray oo uu ku caan baxay sanadkii Afrika, waayo waxa madax-banaanidooda qaatay dalal badan oo Afrikaan ah. Fikirka ugu weyn ee ay isku hayeen SNL iyo NUF waxay ahaayeen qolo waxay la jaan qaadaysay dareenkaa Afrika ka dhashay ee lixdankii in aanay ka hadhin, qolada kale ee NUF-tuna waxay taagnaayeen uma diyaarsanin inaynu madaxbanaani qaadano xilligaa ee aan diyaarsano inaynu hanan karno dawladnimada.
Waxa murankii kala saaray talladii dadka caadifadii aloosnayd baa keentay in sida daadka SNL u jiidho NUF, oo dadka ayaa kala saaray oo hiiliyay. Kifaaxii gobanimodoonka oo lagu dhidbay calan soomaaliyeed oo xor ah kii ugu horeeyay shacbiga Somaliland umuu noqon kifaax. Waxaana lagu naanaysay Jibadii lixdankii waxa la saluugay, sida wax u dhaceen midowgii markuu dhacay markiiba. May dhiciseyn ayaan qabaa sidii ay NUF-tu doonaysay haddii loo yara kaadin lahaa sanad iyo laba oo inta ay Somaliland dhisato maamul ay gacaheeda isku taagtay oo maamulkeeda hanatay ay walaalahood midnimo shuruud leh la galaan.”

Md. Cali Guray wuxuu shacbiga Somaliland uga digay in aanay mar kale geedi qalooca oo kii lixdankii ah oo kale aanay guurin, waxaanu yidhi “Shacbiga Somaliland markiiba waxay ugu muuqatay in ay abaar u guureen,waayo waxay ahayd Geedi qaloocan oo aynu guurnay wakhti aan ahayn wakhtigiisii. Maantadan (Xiligan) ayay taagan tahay tii, shacbiga Somaliland inuu isbedel doon yahay intiisa tirada badani waa run aan la qarin karin, haddii ay heli karayaan xaalad tan u dhaanta way u baahan yihiin.

Daahir Rayaale waxa la tartamaya labadii nin ee la tartamay doorashadii hore, Somaliland oo dadkeedu sadex malyuun ah, xisbi walba nin walba gooni ayaa loola faqay cid waliba waxay ogayd haddii la doonayo in Daahir Rayaale la bedelo uu isbedelku ka yimaado xisbiyada mucaaridka ah gudahooda ka yimaado, nin waliba isagaa isku dhajiyay markii hore.Anigu xisbiga UCID la yidhaahdo waxba ka sheegi maaayo inta badana mawaaqifta mucaaridka dareenkayga waxa ka turjuma xisbiga UCID, intii xataa aan KULMIYE ahaa. Oo aan islahaa way uga naxariis badan yihiin dalka iyo dadkaba.”

Md Cali Maxamed Yuusuf, oo si gaar ah ula hadlayay Shacbiga Somaliland , wuxuu yidhi “Hadii qalbigiina sidii lixdankii caadifadi ay idin qaado oo aad u qaadataan in isbedelku uu ka iman karo Xisbigaa KULMIYE khalad taariikhiya oo aad aayatiinka farta dhexda ka qaniini doontaan ayaad geli doontaan. Anigu waxaan leeyahay dan guud iyo masiir ummaddeed laguma hayo halkii aan ka imid.haddii mucaaridkii aan wax ku sixi kari waynay, horta waligay kuma aan riyoon waligaa UDUB baad noqonaysaa. Waxay noqonaysaa inaanu halkan wax ka saxno.”

Cali Guray wuxuu sheegay in doorashadii ay hortaagan tahay kala shaandhayntii diiwaan gelintii codbixiyeyaasha, waxaanu yidhi “Doorashadii diiwaan gelintii aynu galnay kala shaandhaynteedii ayaa hortaagan, ilaahay baan idinku dhaariyee ma qofka diiwaan gelintii run ka sheegi kari waayay oo ummaddooda u sheegi waayay in dhibaatada doorashada hortaagani tahay diiwaan gelintii aynu sharciga ka dhiganay. Waxay ahayd inaynu soo afjarno oo dhammaystirno diiwaan gelinta 20-kii bishii January ee aynu soo dhaafnay sadexdaasi bilood diiwaan gelintii ayaa ina haysata, illaa imikana lama garanayo wakhtiga kale ee ay inaga cuni doonto.”

Mudane Cali Guray, wuxuu sheegay in dadka leh dawladi ma jirto ay u baahan yihiin in Siminaar Soomaaliya ah, waxaanu yidhi “Waxaan leeyahay kuwa leh Dawladi ma Jirtoow waxaanu idiin diraynaa Siminaar Soomaaliya ah, ee dawlad la’aanta halkana Somaliland dawladi way ka jirtaa 19 –kii sanadood ee la soo dhaafay oo habeen bilaa dawlad ma aynaan noqon, noqona mayso. Markaad jaamacadaas ka soo qalin jabisaan. Dadkana waxaan leeyahay dawlad xumo waa lagu meel gaadhi karaa dawlad la’aana waxa yaqaana oo garan kara walaalaheen Soomaaliya.”

Md Maxamed Jaamac Abgaal, oo ka mid ahaa Golahii dhexe ee Xisbiga KULMIYE ayaa sheegay in ay xisbigoodii ka soo baxeen markii ay waxba ka dhex sixi kari waayeen, waxaanu tilmaamay inuu aaminsan yahay in xisbiga UDUB ay wixii ay ummadooda u qabanayaan kala shaqeeyaan xisbigan ay ku soo biireen.

“Markii aanu KULMIYE joognay wixii aan sheegi jirnay ayaan doonayaa inaanu ka saxno Xisbiga UDUB dhexdiisa, waxaana wanaagsan in mucaaridnimadeenu ay noqoto mid ka duwan ta xiligan aanu ka daawano Tv-yada dalka ka xumaada waxaanan doonaynaa mucaaridad iyo muxaafid ka duwan tan imika.”ayuu yidhi Maxamed Jaamac.

Xoghayihii hore ee Golaha Dhexe Xisbiga KULMIYE Md C/Risaaq Cumar Jaamac (Ciyaale), ayaa sheegay inuu ahaa dadkii ugu horreeyay ee ka biyo diiday hanaanka maamulka iyo siyaasada ee xisbigii uu ka tirsanaa ay wax u wadaan.

C/Risaaq Ciyaale wuxuu ka mahad naqay sida loogu soo dhaweeyay xisbiga UDUB oo ay dhawaan ku soo biireen.

Md Ciyaale wuxuu Guddoomiyaha Guurtida ku eedeeyay inuu Xildhibaanadii ogolaaday muddo kordhintii Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka uu ciqaab uga dhigay inuu ka qaado Guddi hoosaadyadii Golaha ee ay madaxda ka ahaayeen. Waxaanu beeniyay warar mucaaridka ka soo yeedha oo la xidhiidha in Madaxweyne Rayaale aanu ogolayn in dalka doorasho ka dhacdo.

Xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB Md Jaamac Yaasiin Faarax, oo xafladaasi soo dhawaynta ah ka hadlay ayaa sheegay inay xisbi ahaan si kalsami ah u soo dhaweynayaan siyaasiyiinta miisaanka leh ee ku biiray xisbigiisa. Waxaanu yidhi “Waanu idin soo dhawaynaa Xisbiga UDUB waa xisbi ummadda oo dhan ka dhexeeya,sida uu UDUB-ku aqalka ugu yahay ayay UDUB-na maanta Ummadda ugu yahay, nin waliba maalinta uu bislaado ayuu fahmi doonaa in xisbigani yahay Xisbiga hagi karra masiirka dalka.”
Xoghayaha guud ee Xisbiga UDUB wuxuu sheegay in aan ummada Somaliland aan la khaldi karin, oo ay u bislaadeen wadciga dalka.

Md Jaamac Yaasiin Faarax, wuxuu Xisbiga KULMIYE ku eedeeyay inay gardiid yihiin oo ay maya uun la soo taagan yihiin, waxaanu yidhi “Walaalayaal Xisbiga KULMIYE wuxuu la soo taagan yahay uun iinyo iinyo miyaa dad loogu taliyaa, sheekadooduba ay iinyo dhaafi la’dahay, bishii March shirkii Komishinku ugu yeedhay sadexda xisbi qaran, oo aanu wali geedkii taagan nahay oo aanu leenahay walaalayaal kaalaya ayay haddana leeyihiin UDUB baa diidan doorashada.”

“Isbedel doonku waa maxay waxa weeyaan dhaqaale xumada ina haysata oo laga baxo. Isbedelku waxa weeye dhalinyaradu inay shaqo helaan oo uu isbedel ku dhaco nolashooda inaynu dalkan aqoonsi u doono oo kursigii qaramada midoobay ee aynu ku fadhiisano, isbedelku ma aha been iyo hebel hebel ku bedel,murashaxiinta sadexda xisbi qarana waxa lagu kala dooranayaa taariikhdiisa iyo wixii uu qabtay”Ayuu yidhi Xoghayaha guud.
Xoghayaha Guud ee UDUB wuxuu ku adkaystay inay tartan xalaal ah oo nabadgelyo ku dhaca ay garroonka u taagan yihiin.

Sidoo kale, waxa xafladaasi ka hadlay Guddoomiyeyaasha Abaabulka iyo wacyigelinta Xisbiga UDUB Maxamuud Cabdi Faarax iyo Guddoomiyaha Nabadgelyada xisbigaasi Md Cabdilaahi Maxamed Jaamac (Caray) kuwaasi oo hadalo soo dhaweyn ah halkaasi ka jeediyay ammaana u jeediyay xubnahan ku soo biiray.

 

 


Waaheen