Xisbiga Wadani noqon waa shoodhe Kulmiye, ee mataankiisibu Ururka Umadda bay mataanobeen

 

Wadani wuxuu leeyahay miisaanka ima saari karo nin i maleeyaaye,Umadduna ( Ururka Umadda) waxay leedahay ha igu karaama seegina habar la igu kari waaye


Waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan akhrista yaasha sharafta leh, kuna salaamayaa salaanta islaamka ee ASALAMU CALYKUM,
waxaan salaanta mid la mid ah iyo Bogaadinba u gudbinayaa taageerayaasha iyo hogaanka sare ee Ururkii la reebay ee Ururka Umadda aniga oo ku hambalyanay goaanka qimaha iyo qaayaha leh ee ay gaadheen oo ah Midawga ay la midoobeen Xisbiga Wadani, run ahaantii goaankaas oo ah mid geesi nimo leh taarikhdan geli doona an odhan karo Midawgaasi ( Xisbiga Wadani iyo Ururka Umadda ) waa badbaadi soomaliland.

Waxaan halkan ka Hambalyaynayaa guud ahaan Taageerayaasha, Hawlwadeenada iyo hogaanka sare ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani oo aan leeyahay maanta guul wayn ba inoo soo hoyatay, guushaas oo gudahaan Soomalilanda u soo hoyatay.

Mudo badan ba la lahaa Wadani waa muxaafid iyo ha is cadeeyo, taas ugu dabayntii gaadhay in la yidhaahdo waa shoodhe Kulmiye.

1. Arimahaasi oo dhami waxay meesha ka baxeen markii uu gudoomiyaha Xisbga mucaaridka ah ee Wadani mudane Cabdiraxmaan Cirro ku dhawaaqay inuu xisbiga Wadani Yahay Xisbi Macaarid ah , dhawaaqaas dabadeed dad badan baa yidhi waxaannu sugaynaa ficil inuu ku darro dhawaaqan,

2. Midawga Ururka Umadda iyo Xisbiga Wadani ayaa iyana noqonaysa cadayntii labaad ee iyana arimahaas aan kor ku soo sheegay meesha ka saaraysa, waxaynu wada ogsoonaynin Ururka Umaddu ahaa mucaarid aad iyo aad u adag oo dhawaaqiysa ay xukumaddu u adkaysan wayday.
waxaa kale oo aynu odhan karna waa ficilkii ay dadku sugayeen ayay talabadani noqon kartaa.

Xisbiga Wadani oo maanta ay mataanoobeen Ururka Umadda wuxuu leeyahay, MIISAANKA IMA SAARI KARO NIN I MALEEYE EE UMADDA ((URURKA UMADDA) IYO WADANI BAY IS YIDHAAHDEEN MEEL U KALA KAXEEYE.

Ururka Umaddu muxuu ku soo kordhin karaa Xisbiga Wadani?

1. Ururka Umaddu wuxuu la midoobay Xisbiga Wadani isaga oo Oodihiisi, Udubadiisi iyo Dhigihiisi wata oo aan loo kala hadhin oo ay wada socdaan Hogaankiisi sare, Haw- wadeenadiisi Gobolada iyo Degmooyinka, Laamihiisi Debada iyo dhamaan taageerayaashiisi.

2. Ururka Umadda waxaa ay Xildhibaan u fadhiyaan 97% degmooyika dalka, waxaana u soo baxay in ka badan 30 Xildhibaan

3. Ururka Umadda waxaa uu ka haw galaa ama xafiisyo iyo maamulkoodiba ku leeyahay dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalku ka koobanyahay.

4. Uruka Umadda waxaa u xafiisyo shaqaya iyo wakiilo ku leeyahay iyo taageerayalba in ka badan 30 dal oo adduunyadah.

5. Hogaanka sare ee Ururka Umadda oo uu hogaaminayo ninika lagu tilmaamo SIYAASIGA QARANIGA Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo wax badan oo dadka aan aad u aqoonin filayeen inuu ku kaco markii sida badheedhkah loo reebay ay dhici wayday ayaa dhirbaaxo kulul ku noqotay.
Goaankan uu kula midoobay Mataankiisi kale ee Cabdiraxmaan ayaa iyana dhirbaaxo labaad ku noqotay intii ka soo horjeeday SIYAASIGA QARNIGA DR. MAXAMED CABDI GABOOSE.

Ururka Umadda miisaan intaas leeg buu kula midoobay xisbiga Wadan oo markii ururada la ahaa waxaa dadwaynuhu odhan jireen waa labada Urur ee ugu misaanka culus.

Hadaba Ururka Umadda oo maanta la midoobay xisbga Wadani, wuxuu leeyahay HA IGU KARAAMA SEEGINA HABAAR LA IGU KARI WAAYE.

Midawga Xisbiga Wadani iyo Ururka Umadda maxaa ka dhalan kara ama miisaan intee leeg iyo saamayn intee leg bay Siyaasada Soomaliland ku yeelan karaan.

1. Midawga Xisbiga Wadani iyo Ururka Umadda waxaa ka dhashay XISBGA MUCAARIDKA AH EE WADANI
Xisbga Wadani + Ururka Umadda = XISBGA MUCAARIDKA AH EE WADANI

2. Midawga Xisbga Wadani iyo Ururka Umadda waxaa ka dhashay XISBIGII DALKA U CUSLAA AMA UGU TAAGEERADA BADNA OO AH XISBIGA MUCAARIDKA AH EE WADANI.

3. In badan baynu raadinaynay Mucaarid xoog leh oo ka hor yimaada Xisbiga talada haya ee kulmiye, Maanta waxaa inoo dhashay mucaaridkii aynu raadinaynay oo aan qabo inuu ka miisan culus yahay Kulmiye, Markaa aan leeyahay midawgani waa mid dani ugu jirto Soomaliland oo dhan
maanta waxaynu haynaa laba xisbi oo is miisaan leg oo Mucaarid iyo muxaafid ah taas oo danti dalku lagu ilaalin karo.

4. Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani wuxuu noqonayaa xisbiga kowaad ee dalka marka la eego arimahan oo dhan Kulmiye na waxuu noqonayaa ka labaad .

a) Tirada Xildhibaanad degaanka oo maanta tirada ugu badan Wadani leeyahay
b) Taageerayaasha dalka iyo debadaba oo maanta tirada ugu badani Wadani taageersntahay
c) Tirada Xildhibaanada golaha degaanka oo maanta tirada ugu badan Wadani leeyahay
d) Tirada Xildhibaanada golaha gurtida oo tiro isku dhaw ama isku mid ah leeyihiin.
e) Xafiisyada dalka debadiisa ka hawl gala oo maanta uu Wadani kaga horeeyo Kulmiye

5. Haddii Ururka Umadda lagu xaman jiray Siyaasad kulul oo lagu gubanay, Ururkii Wadani lagu xaman jiray Siyaasad aad u qabow oo lagu dhaxamoonayo, maanta marka labadaas Siyaasadood la isku daro waxaa ka soo dhex baxaya Siyaasad FAR DIIRIS AH oo noqonaysa tii dalkeenu u baahna oo uu ku shaqaynayo XISBIGA MUCAARIDKA AH EE WADANI

Waxaan Halkan mar labaad ka hambalyaynayaa dhamaan taageerayaasha Xisbiga Mucaardik ah ee Wadani waxaan leeyahay GUUL GUUL GUUL
GUUL GUUL
Gushaas oo ah mid maanta Reer Soomaliland oo dhan u soo hoyatay.

 


ALLA MAHAD LEH



Faisal Farafidiye