Xisbiga Wadani oo Hargeysa Ku Yeeshay Kulan Ha wleed Laga ga Hadlaayey Ololaha Doorashada Madaxtooyada ee Xisbigaasi




Hargeysa (TNN) : - Kulan hawleed uu xisbiga WADDANI ku falan-qeynaayey siyaabaha kala duwan ee fariimaha iyo barnaamij siyaasaddeedka xisbigaasi loo gaadhsiin karo g uud ahaan shacabka Somaliland iyo weli ba sida oo kale u diyaar garowga ololaha door ashada Madaxtooyada ee fooda inagu soo haysa daba-yaaqada sanadkan, ayaa maa nta ka qabsoontay hotel Ambassador ee Hargeysa.

Kulankan oo ay soo qaban-qaabiyeen kooxda ololaha doorashada Madaxtooyada ee xi sbiga WADDANI isla mar ahaantaana ay ka caawinaysay hay’adda IRI oo ay tobabark aasi wax ka bixinaayeen khabiiro ku xeel dheer dhinaca ololaha doorashooyinka iyo we li ba sida oo kale siyaabaha kala duwan ee xisbiyadu ay fariimahooda siyaasaddeed u gaadhsiin karaan u na kasban karaan codbixiyeyaasha Doorashada, ayaa waxa ka soo qeyb-galay Madaxa Ololaha Doorashada Madaxtooyada WADDANI Aqoonyahan Xamse Kheyre, abwaaniin, hal-abuuro, saxafiyiin iyo weli ba sida oo kale aqoonyahanno ku xe el dheer dhinacyada xidhiidhada bulshada oo iskugu jira dhakhaatiirkh, macalimiin iyo weli ba sida oo kale kuwo kale oo ka shaqeeya arrimaha bulshada.

Waxaana kulankan oo socon doona muddo saddex cisho ah ay inta badan diiradda ku saari doonaan siyaabaha ugu habboon ee xisbiga WADDANI uu fariimahiisa siyaasadd eed u gaadhsiin lahaa bulshada Somaliland isla mar ahaantaana bulshadiisa isbedel do onka ah uu xiliyada doorashada iyo inta ka horreysa ba uu u la la wadaagi lahaa farii mo ka fayow cunfi, qabyaalad iyo weli ba sida oo kale kala qoqobidda bulshooyinka So maliland bari illaa galbeed ee walaalaha ah oo inta badan uu caan ku noqday Xisbiga Kulmiye